28/01/2026
Raalli-gelin...
Ma jiro qof la mid ah Sheekh Mustafe X. Ismaaciil oo taariikhda Soomaaliyeed soo maray — believe it or not.
Wallahi, hal muxaadaro oo uu jeediyo waxaa laga soo saari karaa buugaag badan. Nasiib-darro, wuxuu ku dhashay bulsho mararka qaar aan garanayn qiimaha dadkeeda waaweyn.
Waxaan aad uga xumahay in Sheekh Mustafe uusan helin ixtiraamkii iyo qadarin kii uu xaqa u lahaa, gaar ahaan waayadan dambe. Waxaan arkayaa dad badan oo maagaya kuna xadgudbaya, kaddib hadalladii uu ka jeediyay aqoonsiga Somaliland.
Ma aha markii ugu horreysay ee sheekha la maagayo. Xilligii uu bilaabmay dagaalkii Laascaanood, isla dadkii maanta ammaanaya ayaan markaas arkayay iyagoo si xun u caayaya. Taasi waxay muujinaysaa sida aragtida dadku marba meel ugu leexato.
Sheekh Mustafe ma aha qof la iibsan karo ama wax loo yeedhin karo waxa uu dhahayo. Waa nin u hadla sida uu isagu u arko inay sax tahay, kana duula cilmigiisa, damiirkiisa, iyo fahamkiisa diineed.
Sidaa darteed, aragtida sheekha laguma maagi karo aragtidiisa. Waxaa waajib nagu ah inaan siino ixtiraamka iyo qadarinta uu mudan yahay, kana fogaanno hadal aan u qalmin. Waa inaan Ilaahay ka baqnaa, af-xumadana ka daynaa culimada, gaar ahaan kuwa cilmiga iyo waayo-aragnimada leh.
Abdisalan Abib ✍️