16/06/2026
Hada ka hor, labo nin oo odayaal ah, oo Muuse iyo Maxamed la kala yiraahdo, ayaa is qabtay kadibna waxeey u gar dhiibteen nin kale oo oday ah si uu gartooda u qaado. Ninkii loo gar dhiibtay ayaa warka ku bilaabay “Sheekh Muuse iyo Maxamed”.
Intaas markii uu warka ku bilaabay ninkii dhex dhexaadiyaha ahaa ee loo gar dhiibtay ayaa ninkii Maxamed ahaa warka ku soo booday, wuxuuna yiri “mar hadiiba aad ku bilaawday warkaada “Sheekh Muuse iyo Maxamed” aniga gar iima gashid ee Muuse iyo Maxamed ayay aheeyd in aad noogu yeerto.
Taloow sheekadaan & sawirka hoose ee uu ka muuqdo Gudoomiyaha Guddiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka maxaan iskugu keenay!.