Waaxda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Gobalka Banaadir

Waaxda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Gobalka Banaadir BRA - Directorate of Humanitarian Affairs And Disaster Management, Mogadishu-Somalia.

Waxaan maanta noogu qabsoomay Magaaladda Baydhabo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Koofur galbeed madasha is a...
06/08/2025

Waxaan maanta noogu qabsoomay Magaaladda Baydhabo ee caasimadda kumeel gaarka ah ee Maamulka Koofur galbeed madasha is araga Bani’aadanimada oo Maamulka Gobalka banaadir ku ma talayey Md Muxudiin Maxamuud Cabduulahi(oogle)

Halku dhiga madasha waxa uu ahaa isku tashi bulsho iyo maalgalinta wadeeqooyinka adkeysiga bulsho si looga gudbo ku tiirsanaanta deeqaha.

Madasho waxa ay ku soo dhammaatay si guul ah.

Agaasimaha Waaxda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Gobolka Banaadir ayaa maanta ku qaabilay xarunta waaxda wafdi...
22/06/2025

Agaasimaha Waaxda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Gobolka Banaadir ayaa maanta ku qaabilay xarunta waaxda wafdi sare oo ka socday hay’adda UNICEF, oo ay hoggaamineysay Jill Lower, Madaxa Xiriirka Gargaarka Degdegga ah.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo wada-shaqeynta u dhexeysa hay’adaha caalamiga ah iyo maamulka gobolka.

Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay sidii loo dardargelin lahaa iskaashiga dhinacyada gargaarka bani’aadannimo, iyadoo xoogga la saarayo ka jawaabista baahiyaha dadka nugul ee ku nool caasimadda Muqdisho. Dhammaan dhinacyadu waxay muujiyeen muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada si loo gaaro adeeg bini’aadantinimo oo wax ku ool ah.

Maanta waxa ka qabsoomay magaaladda Gaalkacyo ee Dowlad gobaleyd Galmudug Madasha xiriirinta Gargaarka bani’aadanimada. ...
22/04/2025

Maanta waxa ka qabsoomay magaaladda Gaalkacyo ee Dowlad gobaleyd Galmudug Madasha xiriirinta Gargaarka bani’aadanimada.

Waxa ku matalayey Maamulka Gobalka banaadir Agaasimaha Waaxda Gargaarka iyo Maareynya Musiibooyinka, kulanka waxa la isku dhaafsaday xaalada hadda taagan iyo sidii wax looga qaban lahaa si wadajir ah si loo badbaadiyo dad ku nugul ee aan waxba heysan badankoodu yihiin barakacayaal ka soo cararay Colaada iyo abaaraha ka jiro wadankeena.

Sidoo kale waxa aan allaha ka baryeynaa in culeysyada jiro ka dulqaado wadankeena iyo Dadkeena sida colaadaha , roob yarida.

Aamiin Aamiin

22/04/2025
Kulan Muhiim ah   Maanta waxa xafiiska waaxda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka ka qabsoomay kulan u dhaxeeyo Somali...
22/09/2024

Kulan Muhiim ah

Maanta waxa xafiiska waaxda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka ka qabsoomay kulan u dhaxeeyo Somalia NGO Consortium iyo waaxda Gargaarka iyo maareynta Musiibooyinka Maamulka Gobalka’s Banaadir.

Waxaa la Iska gartay in la xoojiyo wada shaqeynta ka dhaxeyso Maamulka Gobalka iyo Hay’addaha ka shaqeeyo Gobalaka Banaadir dhinaca Gargaarka wixii hadda ka danbeeyane ay joogto ahaadaan kulamada nuucaan ah.

Waxa aan rajeyneyaa in ay waxtar fiican yeelan doonaan kulamadaan dadkune ay heli doonaan garab istaag sax ah .

Si loo fuliyo howl ka mid ah howlaha ku xusan heshiiska ka dhexeeya Waaxda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Maam...
18/09/2024

Si loo fuliyo howl ka mid ah howlaha ku xusan heshiiska ka dhexeeya Waaxda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Sanduuqa Carruurta ee Qaramada Midoobay (UNICEF), kaasoo ah sidii looga hortagi lahaa leexsashda deeqaha gargaarka, ayaa waxaa maanta kulan dhexmaray Agaasimaha Waaxda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Muxyadin Maxamuud Cabdullaahi, iyo La-Taliyaha Sare ee Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SODMA) u qaabilsan Ka-hortagga Leexsashada Gargaarka, Mudane Cabdulqaadir Shariif Sheekhunaa Maye.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Hey’adda SODMA ayaa waxaa looga hadlay sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen sidii looga hortagi lahaa Leexsashada Gargaarka Bani’aadannimo ee loogu talagalay dadka dhibaateysan oo u badan dad Barakacayaal ah. Gebagebadii kulanka ayaa waxaa la isla gartay in la billaabo habkii lagu abuuri lahaa laguna hormarin lahaa Qaab-dhismeedka Sharciyeed ee Ka-hortagga Leexsashada Gargraaka kaasoo lagu qeexayo shuruucda loo adeegsan doono cid walba oo ay ku caddaato leexsashada Gargaarka Bani’aadannimo.

Kormeer lagu tagay qaar ka mid ah degmooyinka Gobalka Banaadir      Waxaa maanta oo Taariikhddu tahay 2 September 2024 a...
02/09/2024

Kormeer lagu tagay qaar ka mid ah degmooyinka Gobalka Banaadir

Waxaa maanta oo Taariikhddu tahay 2 September 2024 aan kormeer ku tagnay qaar ka mid ah Degmooyinka gobalka Banaadir.

Ujeedku waxa uu ahaa in aan soo kormeerno xaaladaha bani’adanimo ee ka jiro degmooyinkaas , waxa ay helaan oo ah taageero ( programma) Inta ay la egyihiin iyo ka wacyigalinta in Laga ganacsado ama la iibiyo gargaarka la siiyo, Waliba ay Maamulka la soo socodsiiyaan cidda lagu tuhmo leexsasho gargaarka ama lagu arko si tilaabo I sharci ah looga qaado .

Sidoo kale Waa ay mahadcelineynaa dadkii danyarta ahaa ee la bilowday waxa ahne baaq u drieën Maamulka iyo hay’adaha Samafalka ka shaqeeyo in la caawiyo Sida ugu dhaqsiyaha badan.

Gobalka Banadir UNICEF

Mahadsanidiin.

30/08/2024

Waa howl aad u fiican oo ay qabatay Waaxada Qorsheynta iyo hormarinta dhaqaalaha Dowladda hoose ee Xamar iyo Maamulka Gobalka Banaadir , sigaar ah waxa aan u mahadcelineynaa Agaasinka guud ee waaxdaas Md Abdikadir M. Ahmed Dalha oo Safar shaqo ku tagay USA.

Xuska Maalinta Bani’aadaninada Adduunka   Waaxda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Gobolka Banaadir ayaa Isbuucaan k...
22/08/2024

Xuska Maalinta Bani’aadaninada Adduunka

Waaxda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Gobolka Banaadir ayaa Isbuucaan ka qeyb gashay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Bini’aadanimada oo 19-kii Agoosto lagu qabtay Muqdisho, ayna soo qaban qaabisay Hay'adda UNOCHA, waxaana Waaxda uga qeyb galay Lataliyaha Maareynta Musiibooyinka, Eng. Cabdiqafaar Abuubakar Yacquub.

Sidoo kale, xaflad kale oo lagu xusayay Maalinta Bini’aadanimada oo ay soo qaban qaabisay Madasha Mudadawaciinta Soomaaliyeed ayaa ka dhacday Hotel Jazeera. Madasha ayaa shahaado sharaf guddoonsiisay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Samafale Sheikh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), oo mar walba u taagan arrimaha samafalka, waxaana shahaadada u guddoomay Agaasimaha Waaxda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Mudane Muxudiin Maxamuud Cabdullaahi (Oogle).

Agaasinka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Gobolka Banaadir ayaa maanta qabtay kulanka wacyi-galinta heerka buls...
18/08/2024

Agaasinka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Gobolka Banaadir ayaa maanta qabtay kulanka wacyi-galinta heerka bulshada ee ku saabsan "Weecinta Gargaarka" (Community Levels Awareness Session on Aid Diversion). Kulankan oo muhiim u ah horumarinta iyo hagaajinta hababka samafalka, waxaa ka soo qeybgalay horjoogayaasha kaamamka barakacayaasha ee Gobolka Banaadir, hay'adaha NGOs-ka maxaliga ah, iyo qaar kamid ah madaxda qaybaha arrimaha samafalka ee degmooyinka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo yarayn lahaa weecinta gargaarka si loo hubiyo in gargaar kasta uu gaadho dadka loogu talagalay. Agaasinka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa ku booriyay ka qaybgalayaasha in ay ka wada shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa falalka wax isdaba marin iyo musuqmaasuq ee ku saabsan gargaarka bani'aadannimo.

Gabagabadii kulanka, waxaa lagu balamay in la sii xoojiyo wacyi-galinta iyo iskaashiga ka dhexeeya dhinacyada kala duwan si loo helo nidaam cadaalad ah oo gargaarka lagu qaybiyo.

- Dhamaad -

12/08/2024

Waaxda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Gobalka Banaadir ayaa maanta qabtay shirkii saddex bilood laha ee isku-dubbaridka xaaladaha deg-dega ah ee Gobolka Banaadir

Agaasinka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Gobolka Banaadir ayaa maanta qabtay shirkii saddex bilood laha ee isk...
11/08/2024

Agaasinka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Gobolka Banaadir ayaa maanta qabtay shirkii saddex bilood laha ee isku-dubbaridka xaaladaha deg-dega ah ee Gobolka Banaadir. Shirka waxaa furay Agaasimaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Mudane Muxudiin Maxamuud Cabdullahi (Oogle) isagoo ka hadlay muhiimadda shirka iyo wada shaqeynta hay'addaha aan dowliga ahayn (NGOs) ee ka shaqeeya arrimaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka.
Shirkan ayaa looga hadlay arrimaha deg-dega ah ee ka jira Gobolka Banaadir, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo hagaajin lahaa hababka jawaab-celinta deg-degga ah iyo sidii loo kordhin lahaa iskaashiga ka dhexeeya hay'addaha dowladda iyo kuwa aan dowliga ahayn. Inta uu shirka socday, waxaa la is dhaafsaday warbixino iyo talooyin muhiim ah oo ku saabsan xoojinta qorsheyaasha gargaarka iyo wax ka qabashada musiibooyinka ka dhici kara gobolka.
Shirkan ayaa sidoo kale fursad u noqday in hay'adaha kala duwan ay wadaagaan xogaha iyo waayo-aragnimada ku saabsan hababka ugu wanaagsan ee lagu wajihi karo xaaladaha deg-degga ah, iyadoo la adkeynayo wada shaqeynta iyo xiriirka ka dhexeeya dhinacyada kala duwan ee ku lugta leh arrimaha gargaarka iyo maareynta musiibooyinka.
Waxaa la isku raacay in la xoojiyo xiriirka iyo wada shaqeynta si loo hubiyo in marka musiibo dhacdo, la heli karo jawaab-celin deg-deg ah oo waxtar leh. Shirkan ayaa lagu soo gabagabeeyey ballanqaadyo cusub oo ku saabsan kor u qaadidda iskaashiga iyo isku-xirnaanta hay'addaha, si loo ilaaliyo badbaadada iyo nabadgelyada bulshada Gobolka Banaadir.

Address

Via 1juli
Mogadishu

Opening Hours

Monday 09:00 - 15:00
Tuesday 09:00 - 15:00
Wednesday 09:00 - 15:00
Thursday 09:00 - 14:00
Saturday 09:00 - 15:00
Sunday 09:00 - 15:00

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Waaxda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Gobalka Banaadir posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Waaxda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka Gobalka Banaadir:

Share