Hon.Eng. Cabdullahi Abuukar Xaaji

Hon.Eng. Cabdullahi Abuukar Xaaji MP, Former Minister of Education, Culture & Higher Education of Somalia.

Goobtan waxay gaar u tahay Wasiirkii hore ee Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sarre ee Soomaaliya, Xildhibaan Eng Cabdullaahi Abuukar Xaaji.

25/10/2025
Allaha u naxariisto Adeer Cabdullahi Daahir Bare -Xeer Ilaaliyihii h**e ee Qaranka -oo xalay ku geeriyooday magaalada Mu...
23/10/2025

Allaha u naxariisto Adeer Cabdullahi Daahir Bare -Xeer Ilaaliyihii h**e ee Qaranka -oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdishu

Waxaan alle oga baryayaa inuu janadiisa firdowsa ka waraabiyo kitaabkiisa midigta ka siiyo qaraabada ,asxaabta iyo anagoo dhana sabar iyo iimaan naga siiyo.

انالله وانا اليه راجعون
اللهم اغفرله وارحمه وعافه واعفو عنه وأكرم نزله
ووسع نزله ونفيه منّ الخطايا والدنوب بالماء والثلج وارزق أهله بالصبر والسلوان

Isku day Parallel process oo Jubaland ah waxa ka dhalanaya Parallel Process DFS ,taas oo sababi karta burburka Jamhuriya...
10/10/2025

Isku day Parallel process oo Jubaland ah waxa ka dhalanaya Parallel Process DFS ,taas oo sababi karta burburka Jamhuriyada 3aad ,waxaana mas,uuliyadeeda qaadaya cid walba oo ka shaqeysa

TacsiAnigoo ku hadlaya Magacayga iyo magaca reer Xaaji C/laahi Fiiqow waxaan tacsi u dirayaa reer Shiil, geeridii ku tim...
06/10/2025

Tacsi
Anigoo ku hadlaya Magacayga iyo magaca reer Xaaji C/laahi Fiiqow waxaan tacsi u dirayaa reer Shiil, geeridii ku timid allaha u naxariistee Marxuum Maxamud Maxamed Shiil oo ku geeriyooday magaalada Muqdishu

Waxaan alle uga baryayaa inuu janadii firdowsa ka waraabiyo ehelkiisa qaraabadiisa iyo asxaabtiisaba sabar iyo iimaan ka siiyo

انالله وانا اليه راجعون
اللهم اغفرله وارحمه وعافه واعفو عنه وأكرم نزله ووسع مدخله

06/10/2025

رجع بخفي حنين

04/10/2025

Waxaan cambaaraynayaa weerarka kooxda argagixisada ay ku qaaday xarunta NISA ee gobolka Banaadir (Jilicoow) waxaan weerarkaa u arkaa mid lagu carqaladeynayo nabadgalyada shacabka degan Magaalada Muqdisho.
Waxaan ka tacsiyeynayaa dadka ku geeriyooday inta dhaawaca ahna allaha caafiyo

Ugu dambayn waxaan boggaadinayaa geesiyaasha ciidamada kala duwan ee dalka waxaana u baaqayaa shacabka in ay garab istaagaan ciidanka si loo ciribtiro argagixisada.

Waxaa si deg deg ah loo dhisi doonaa Golaha Mustaqbal Soomaliyeed oo ay ku midoobayaan Golaha Samatabixinta, Jubaland iy...
02/10/2025

Waxaa si deg deg ah loo dhisi doonaa Golaha Mustaqbal Soomaliyeed oo ay ku midoobayaan Golaha Samatabixinta, Jubaland iyo Puntland ,shir deg deg ahna waa la isugu iman doonaa si looga arrinsado go,aana looga gaaro xaaladda kala guurka siyaasadda dalka

29/09/2025

Doorasho Qof iyo Cod , Dhameystir Dastuur iyo Todaba bilood ee mudo xileedka ka harsan=Mudo Kororsi
Hortaa jiraa waayay

25/09/2025

Waxaan maanta ka qeybgalay Salaada jinaasada Allaha u naxariistee Liibaan Xaashi Ciise oo shalay ciidammada dowladdu ku dileen weerarkii ay nagu soo qaadeen xilli Madaxda Madasha ay booqanayeen dad ku xirnaa saldhigga degmada Wardhiigley.
Waxaan geeridiisa uga tacsiyadeeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii wasaan si gaar ah ugu tacsiyeyneynaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo uu la shaqeynayay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka baxday xayndaabka waajibaadkii dastuuriga ahaa iyo u hogaansanaantii xeerarka xu...
22/09/2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ka baxday xayndaabka waajibaadkii dastuuriga ahaa iyo u hogaansanaantii xeerarka xuquuqul insaanka ee sharuucda dalka iyo kuwa caalamiga ah, isla markaana waxay ay ku tumatay qiyamka diinta islaamka ee ilaalinta xuquuqda Aadanaha

Waxaa nasiibdaro ah in furitaanka Baarlamaanka ee qorsheysnaa 22/8 in weli ay hortaagan tahay Villa Soomaaliya, gudoonka...
20/09/2025

Waxaa nasiibdaro ah in furitaanka Baarlamaanka ee qorsheysnaa 22/8 in weli ay hortaagan tahay Villa Soomaaliya, gudoonkana ku shaqeynayo rabitaanka Villada, oo go,aankii ay gaareen labada gudoomiye in la furo 20/9 ay fulin waayeen
Golaha Samatabixinta Barlamaanka waxay bulshada la wadaagayaan in barlamaanka u xiran yahay Vila Soomaliya
Waxaa la sheegay in 29/9 la furayo.
كل آت قريب

Address

Villa Hargiesa
Mogadishu
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hon.Eng. Cabdullahi Abuukar Xaaji posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hon.Eng. Cabdullahi Abuukar Xaaji:

Share