08/07/2023
Waxaan dareenka xanuunka leh la qaybsanayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku hantida beelay dabkii xalay ka kacay suuqa weyn ee Taiwaanka ee magaalada Jigjiga.
Waxa muhiim ah in hoos loo eego, xalalka looga gaashaaman karana la iska wareysto. dababka ka kaco suuqyada Waaweyn ee dhulka Soomaalida kaas oo aan ognahay in sannadkii h**e uu Magaaloyinka Muqdishu iyo Hargeisa suuqyadooda waxyeelo xoogan gaarsiiyay.
Waa in sare loo qaado howlwadeenada dab-damiska, rugaha iyo gaadiidka, suuqyadana loo helo marino ku haboon oo looga gurman karo, lana qabo feejignaan dheeri ah goor kasta.
Waxaan ugu docaynayaa shacabka ku hanti beelay dabka in Allah SWT uu siiyo beddel khayr qaba, waxaana ugu baaqayaa dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan inay u gurmadaan oo garab istaagaan walaalahood sidii caadada u ahayd dadkeenna oo ay diinteenna na fartay.
.