26/01/2026
๐๐๐๐๐ข ๐ก๐๐๐ซ ๐๐๐ฅ๐๐ฆ๐ข ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ช๐๐ฌ๐ก๐จ ๐ซ๐๐ฌ๐ฆ๐ข ๐๐ก ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐๐๐๐ก๐๐๐ค๐ ๐๐๐๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐ง๐ค๐.
Muqdisho 26 January 2026; Agaasimeha Guud ee Machadka Caafimaadka Qaranka Dr, Hussein Abukar Muhidine, ayaa xarunta Machadka ku qaabilay wafti heer caalami ah oo uu hoggaaminayay Prof. Vittorio Colizzi, oo ah Professor of immunology & Pathology, University of Roma Tor Vergata, Ahna Agaasimaha Africa Relations Center, kana tirsan Italian Society of Geography, isaga oo ay booqashadiisa ku wehliyeen masuiliin.
Kulankan oo ay ujeedkiisu ahayd xoojinta iskaashiga dhinacyada cilmi-baarista caafimaadka, is-weydaarsiga aqoonta sayniska, horumarinta awoodda cilmi-baarayaasha, iyo dhismaha nidaam cilmi-baariseed oo tayo leh, dhanka kale kulanka ayay agaasimaha guud ee machadka ku wehlinayeen Agaasimaha Waaxda Cilmi-baarista, Dr. Farhan Mohamed iyo xubno kale oo ka tirsan hoggaanka Machadka Caafimaadka Qaranka.
Intii uu socday kulanka ayay si gaar ah diiradda ugu saareen doorka muhiimka ah ee Shaybaarka Qaranka (NPHRL) oo ah laf-dhabarta nidaamka shaybaarrada tixraaca qaranka, kanaalin muhiim u ah ogaanshaha cudurrada, tayaynta natiijooyinka shaybaarka iyo taageeridda cilmi-baarista caafimaadka ee ku salaysan caddayn iyo xog sugan, ayadoona xoojinta NPHRL ay saldhig u tahay horumarinta nidaamka cilmi-baarista caafimaadka qaranka iyo adkaynta u diyaar garowga wax ka qabashada caqabadaha caafimaad ee jira iyo kuwa mustaqbalka.
Ugu danbayn, Dr. Hussein Abukar Muhidine, Agasimaha Guud ee Machadka ayaa uga mahadceliyay Prof. Vittorio Colizzi iyo wafdigiisa booqashada qiimaha leh, wada-xaajoodka miro-dhalka ah iyo dadaalkooda ku aaddan taageeridda horumarinta cilmi-baarista caafimaadka iyo shaybaarrada tixraaca qaranka ee Soomaaliya.
Machadka Caafimaadka Qaranka ayay si buuxda uga goโan tahay horumarinta cilmi-baaris tayo leh oo kaalin muuqata ka qaadata dejinta siyaasadaha caafimaadka, hagaajinta goโaan-qaadashada ku salaysan caddayn ay saldhig u tahay aqoon iyo kor u qaadida tayada adeegyada daryeelka caafimaad ee bulshada Soomaaliyeed.
โDHAMMAADโ
Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xirir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta ee Machadka Caafimaadka Qaranka.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Twitter/X: https://x.com/Somalia_NIH
Website: https://nih.gov.so.