BRA Directorate of planning, investment and economic Development

BRA Directorate of planning, investment and economic Development This is the Official Facebook account for BRA Directorate of Planning, Investment and Economic Development. https://twitter.com/bra_dopied

The page is run by the communication team of the Directorate and showcases the projects and activities which are implemented by the Directorate.

๐Œ๐€๐€๐Œ๐”๐‹๐Š๐€ ๐†๐Ž๐๐Ž๐‹๐Š๐€ ๐๐€๐๐€๐€๐ƒ๐ˆ๐‘ ๐Ž๐Ž ๐€๐๐’๐ˆ๐—๐ˆ๐˜๐€๐˜ ๐๐Ž๐‘๐’๐‡๐€๐‡๐€ ๐ˆ๐’๐๐„๐ƒ๐ƒ๐„๐‹๐Š๐€ ๐Œ๐”๐๐ƒ๐ˆ๐’๐‡๐Ž (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”โ€“๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ‘๐ŸŽ)  ๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ, ๐…๐ž๐›๐ซ๐š๐š๐ฒ๐จ ๐Ÿ๐Ÿ’, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”: Maamulka G...
14/02/2026

๐Œ๐€๐€๐Œ๐”๐‹๐Š๐€ ๐†๐Ž๐๐Ž๐‹๐Š๐€ ๐๐€๐๐€๐€๐ƒ๐ˆ๐‘ ๐Ž๐Ž ๐€๐๐’๐ˆ๐—๐ˆ๐˜๐€๐˜ ๐๐Ž๐‘๐’๐‡๐€๐‡๐€ ๐ˆ๐’๐๐„๐ƒ๐ƒ๐„๐‹๐Š๐€ ๐Œ๐”๐๐ƒ๐ˆ๐’๐‡๐Ž (๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”โ€“๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ‘๐ŸŽ)

๐Œ๐ฎ๐ช๐๐ข๐ฌ๐ก๐จ, ๐…๐ž๐›๐ซ๐š๐š๐ฒ๐จ ๐Ÿ๐Ÿ’, ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ”: Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Sabtida maanta si rasmi ah u ansixiyay Qorshaha Isbeddelka Muqdisho (2026โ€“2030), kaddib kulan uu shir-guddoomiyay Ku-simaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda, Mudane Ciise Maxamuud Guure.

Qorshahan afarta sano ee soo socota hagaya horumarinta caasimadda waxa uu ka dhashay hannaan wadatashi oo ballaaran, kaas oo lagu mideeyay aragtiyo iyo talooyin laga ururiyay qaybaha kala duwan ee bulshada. Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kulammo isdaba-joog ah la yeeshay bulshada ku dhaqan degmooyinka, si loo hubiyo in qorshuhu ku dhisan yahay baahiyaha dhabta ah ee muwaadiniinta.

Kulanka ansixinta ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray wadatashiyo lala yeeshay Bulshada Rayidka, Ganacsatada, iyo wakiillo ka socday jaamacadaha dalka, kuwaas oo soo bandhigay talooyin wax-ku-ool ah oo lagu xoojiyay jihada qorshaha.

Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa sheegay in Qorshaha Isbeddelka Muqdisho uu ka tarjumayo danaha guud iyo maslaxadda shacabka, isla markaana uu yahay mid lagu wajahayo caqabadaha taagan, laguna hirgelinayo aragti horumarineed oo waara.

Qorshahan horumarineed waxa uu qeexayaa mudnaanta istaraatiijiga ah ee caasimadda, caqabadaha u baahan xalal waara, iyo fursadaha la jaanqaadi kara koboca magaalo ee Muqdisho, iyadoo la hubinayo in horumarku noqdo mid loo dhan yahay oo aan cidna laga tegin.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xaqiijinaya in fulinta qorshahan ay ku salaysnaan doonto isla-xisaabtan, wada-shaqayn iyo ka-qaybgal bulsho, si loo gaaro natiijooyin muuqda oo wax ka beddela nolosha shacabka caasimadda.

DHAMMAAD

Agaasinka Qorshaynta Maamulka G/Banaadir ayaa maanta qabtay kulan heer fulineed ah oo la xiriira wadatashiga Qorshaha Is...
14/01/2026

Agaasinka Qorshaynta Maamulka G/Banaadir ayaa maanta qabtay kulan heer fulineed ah oo la xiriira wadatashiga Qorshaha Isbedelka Muqdisho 2026-2030.

Kulankaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maamullada Degmooyinka, Agaasimayaasha Waaxyaha Kala duwan iyo qaar ka mid ah lataliyaasha Maamulka G/Banaadir iyadoo Kulanka lagu soo bandhigay qabyo qoraalka Qorshaha iyo hawlihii soo qabsoomay labadii bilood ee ugu dambeysay ee wada taashiyada qaybaha bulshada ee Degmooyinka, aqoonyahannada iyo Ururrada bulshada Rayidka ah.

Agaasimaha Qorsheynta Maamulka G/banaadir Abdikadir M. Ahmed Dalha oo hadal kooban ka jeediyey kulanka ayaa yiri โ€œ waxaa dhawaan la soo gabagabayn doonaa geedigii dheeraa ee samaynta Qorshahaani iyado si rasmi ah la rajaynayo in lagu daah-furo usbuucyada soo socdaโ€

Xaqiijinta in la helo Qorshe isbedel ee haga iyo tixraac u noqdo hiigsi iyo hortabinnada shaqo ee lagu xaqiijinayo Magaalo horumarsan ee la tartanta dhigeeda Gobolka, qaaradda iyo dunida; waxa ay ka mid ahayd qodobadii shaqo ee uu balan qaaday Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho munaasabaddii xil la wareegistiisa, iyadoo ay muuqato in hadafkaasi xaqiijintiisa ay soo dhawaatay mar dhawna la daah-furi doono.

Tacsi Tiiraanyo leh. Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Dhammaan hawlwadeennada Kala duwan ee Agaasinka Qorsheynt...
10/01/2026

Tacsi Tiiraanyo leh.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun.

Dhammaan hawlwadeennada Kala duwan ee Agaasinka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha oo uu ugu horreeyo Agaasimaha, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Deeqa Maxamed Cali, oo walaasheed, Maryan Maxamed Cali ku geeriyootay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan isbitaalka Somali-Sudanese.

Waxaan Allaha u weydiinaynaa Marxuumadda Naxaristiisa Janatul Firdowsa siiyo .

Dhanka kale waxaan Ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxdayna Allah u weeydiinaynaa samir iyo iimaan in uu siiyo.

AAMIINโ€” AAMIINโ€” AAMIIN

Agaasinka Qorshaynta Maamulka G/Banaadir ayaa soo gabagabeeyay tababrka iyo aas-aasidda Naadiga dhalinyarada Muqdisho.Ta...
20/12/2025

Agaasinka Qorshaynta Maamulka G/Banaadir ayaa soo gabagabeeyay tababrka iyo aas-aasidda Naadiga dhalinyarada Muqdisho.

Tababar socday muddo 5 maalmood ah oo ay kaa faaโ€™iideesteen in ka badan 70 dhalinyaro ah Laguna baranayay Arrimaha Nabad dhiska, Dawlad wanaagga, hawlaha mutadawacnimada iyo ilaalinta deegaanka ayaa soo dhamaaday iyadoo dhalinyarada maalinkii ugu dambeeyay ee Jumcaha ay ku soo gabagabeeyeen hawlo mutadawacnimo oo lagu nadiifinayay Xeebta Liido halkaasi oo ay horay uga socdeen Adeegyada nadiifinta oo ay wadeen dhalinyaro Soomaaliyeed.

Naadiga dhalinyarada Nabadda Muqdisho ayaa la filayaa aas-aasidooda ka dib in ay kaalin weyn ka qaataan dadaalaa Nabad dhiska, wacyigelinta iyo Dawlad wanaagga si loo xaqiijiyo is-badal dadeed dhinaca hab fikirka iyo iskaashiga danta guud.

Kulamada iyo hawlaha kala duwan ayaa waxaa goob joog u ahaa Guddoomiye ku xigeenada Amniga & Siyaasadda iyo Arrimaha bulshada, waxaana dhanka kale goob joog ahaa Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo Guddoomiyaha Ururka Dhalinyarada Maamulka G/Banaadir.

06/12/2025

Hadal jeedentii Agaasimaha Qorsheynta Maamulka G/Baanadir Abdikadir M. Ahmed Dalha ee ku aaddaan kulamadii wadatashiga bulshada ee Qorshaha Is-bedelka Muqdisho 2026-2030.

Waxaa maalintii Khamiista, taariikhduna aheyd 4tii Disembar, 2025, la soo gabagabeeyay kulamadii wadatashiga bulshada ee...
06/12/2025

Waxaa maalintii Khamiista, taariikhduna aheyd 4tii Disembar, 2025, la soo gabagabeeyay kulamadii wadatashiga bulshada ee Qorshaha Is-bedelka Muqdisho 2026-2030.

Maamulka G/Banaadir ayaa muddo 8 maalmood ah soo waday wadatashiyada bulshada 20 ka Degmo ee G/Banaadir oo ay maanta igu dambeysay Degmooyinka Bari iyadoo looga doodayey tiirarka Qorshaha sida Dawlad dhiska, Kobcinta Dhaqaalaha, Adeegyada bulshada, Deegaanka iyo is-bedelka Cimillada .

Gudddoomiye ku Xigeenka Arrimaha bulshada ee Maamulka G/Banaadir ayaa goob jooga ka ahaa munaasabadda xeritaanka iyadoo uu wehliyay Agaasimaha Qorshaynta Maamulka G/Banaadir Abdikadir M. Ahmed Dalha iyo hawlwadeenno khubarro ah oo ka shaqyanaya diyaarinta Qorshaha is-bedelka Muqdisho.

Xafiiska Agaasimaha Qorsheynta Maamulka G/Banaadir.

Maamulka G/Banaadir ayaa maanta daah-furay kulamada wadatashiga Bulshada Degmooyinka ee Qorshaha is-bedelka Muqdisho ee ...
26/11/2025

Maamulka G/Banaadir ayaa maanta daah-furay kulamada wadatashiga Bulshada Degmooyinka ee Qorshaha is-bedelka Muqdisho ee 2026-2030.

Agaaismaha Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Maamulka G/Banaadir Md: C/Qaadir Muxyadiin Axmed (Dalxa) ayaa furay maanta Kulanka koowaad ee Degmooyinka Qaybta Waliyoow Cadde oo looga tashanayo aruurinta baahiyaha iyo hortabinnada horumarineed ee Caasimadda Muqdisho.

Qorshahaani ayaa ah mid waafaqsan Qorshaha is-bedelka Qaranka iyo Hiigsiga Qarni jirsiga Soomaaliya, Waxa uuna Qorshahaaani leeyahay ilaa 4 tiir oo kala ah :

1. Dawlad dhiska, Amniga iyo Caddaalada
2. โ Horumarinta Dhaqaalaha
3. โ Adeegyada bulshada iyo Horumarinta karaarka aadanaha
4. โ Deegaanka iyo is-bedelka cimillada

Kulankaan ayaa waxaa ka qaybgalyo qaybaha bulshada sida Dhalinyarada, Haweenka, Dadka baahiyaha gaarka ah leh iyo guddiyada Nabadda taasoo muujinaysa ka qaybgalin ballaaran oo lagu awood siinayo bulshada si qorshahaani u noqodo mid laga wada qaybgalay.

Samaynta Qorshaha is-bedelka Muqdisho waxa ay ka mid ahayd ajandayaashii maamul iyo balanqaadyadii uu sameeyay Guddoomiyaha G/Banaadir ahna Duqa Muqdisho xill la wareeggisa si loo xaqiijiyo Caasimad nabad ah, leh horrumar waara iyo fursado loo wada dhanyahay.

Sida uu xusay Agaasimaha Qorshaynta kulmadaan ayaa ah kuwa sii socon doono oo gaari doono Degmooyinka kale iyo bulshada qaybaheeda kale ee muhiimka ah oo heli doono fursad ay uga qaybgalaan talo ku biirinta Qorshaha is-bedelka Muqdisho.

Agaasinka Qorsheynta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta qabtay kulan farsamo oo lagu gorfeeyay dib-u-eegista iyo casr...
15/09/2025

Agaasinka Qorsheynta Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta qabtay kulan farsamo oo lagu gorfeeyay dib-u-eegista iyo casriyeynta hannaanka dabagalka iyo qiimeynta waxqabadka Maamulka Gobolka iyo Dowladda Hoose ee Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa ka soo qaybgalay mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir, ergo ka socotay qaar ka mid ah jaamacadaha dalka, iyo wakiillo metelayay bulshada rayidka.

Ka-qaybgalayaasha ayaa soo jeediyay talooyin muhiim ah oo ku saabsan dhismaha nidaam sal adag oo casri ah, islamarkaana leh siyaasado wax-ku-ool ah oo lagu qiimeeyo hawlaha maamulka, loogana soo saaro warbixinno tayo leh oo gacan ka geysanaya goโ€™aan-gaaridda maamulka.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa xilligan mudnaan gaar ah siinaya dib-u-qaabaynta iyo casriyeynta hawlaha maamulka, iyadoo si gaar ah xoogga loo saarayo hannaanka isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta.

Kulankan wadatashiga ah ayaa waxaa xigi doona tababarro ay ka faaโ€™iidi doonaan inta badan xubnaha waaxyaha kala duwan ee Maamulka Gobolka Banaadir.

Tallaabadan waa qayb muhiim ah oo ka mid ah dadaallada istiraatiijiyadeed ee hindisaha Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), himiladaas oo diiradda lagu saarayo horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta isla xisaabtanka, iyo dhisidda kalsoonida shacabka ku qabaan maamulkooda.

Xafiiska Agaasinka Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Email: [email protected].

Agaasimaha Qorsheynta Maamulka Gobolka Banaadir M.ne Abdikadir M. Ahmed Dalhaiyo iyo team-ka Xafiiska ayaa maanta kulan ...
06/09/2025

Agaasimaha Qorsheynta Maamulka Gobolka Banaadir M.ne Abdikadir M. Ahmed Dalhaiyo iyo team-ka Xafiiska ayaa maanta kulan macsalaameyn ah u sameeyeen Mohamed Addow, oo ah Hawl-wadeen sare, bah-shaqo, ahna mid ah dhalinyarada aqoonyahanka ee Maamulka G/Banaadir, gaar ahaan Agaasinka Qorshaynta.

Mohamed waxa uu dadaal dheer ka dib loo gartay mid ka mid ah guuleestayaasha Deeqda waxbarasho ee Caalamiga ah oo loogu yeero Chevenning Scholarship Program ee laga bixiyo Jaamacadaha UK ๐Ÿ‡ฌ๐Ÿ‡ง ee sanadkaan 2025.

Guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan maamulka G/Banaadir sharaf ayeey u tahay in mid ka mid ah bahdeena; waliba dhalinyarada ugu aqoonta badan ku jiro uu ku guuleesto abaal marintaan waxbarasho isagoo heerka 2aad ee Waxbarashada barnaamijka Nabadda iyo Daraasaadka khilaafaadka ( Peace and Conflict Studies) ku soo diyaarin doono Jaamacadda York, UK.

Mohamed waxaan u rajaynayaa nasiib iyo horrumar hor leh, waxaana rajo ka qabnaa in uu anfici doono Dalka iyo Dadka ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด.

28/04/2024

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir Abdikadir M. Ahmed Dalha ayaa ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomaay Agaasinka Guud iyo Qorshaha sanadkaan Agaasinka u degsan.

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maamulka G/Banaadir Mudane Abdikadir Muh...
10/12/2023

Agaasimaha Guud ee Agaasinka Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Maamulka G/Banaadir Mudane Abdikadir Muhyadin Ahmed (Dalha) oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Agaasimayaasha Agaasinka Guud ee Qorshaynta ayaa maanta Shir guddoomiyay kulan hawleed uu la qaatay hawlwadeenno sar-sare oo ka socday Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Qaranka ee Xukuumadda Fadaraalka Soomaaliya.

Wafdiga Wasaaradda ayaa Waxaa hogaaminyaya Agaasimaha Waaxda Qorshyanta Mudane Muuse Maxamed Cusman oo ay wehliyeen hawlwadeeno kale oo ka mid ah Wasaaradda.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay wadashaqaynta iyo iskaashiga Maamulka Gobolka iyo Wasaaradda iyadoo Shirkaani si gooni ah diiradda lagu saaray wadatashiyada kulamada dib u eegista qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9aad oo dhamaad Ku dhaw mudadiisa Kuna eg sanadka Dec 2024.

Shirka ayaa goโ€™aamiyay in la xoojiyo wadashaqaynta iyo in si toos ah Labada heyโ€™adood isaga kaashadaan arrimaha dajinta iyo fulinta qorshayaasha horumarineed, hanaanka dabagalka, tirakoobka iyo dhiiragalinta Maalgashiga.

Address

Mogadishu Municipality HQ
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when BRA Directorate of planning, investment and economic Development posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share