Forlanini Public Hospital FMOH

Forlanini Public Hospital FMOH This is the official Page of Forlanini Hospital. Minstry of Helath & Human Services.

๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐ฌ๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ ๐Œ๐š๐๐ข๐ข๐ง๐š ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐ˆ๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐š ๐ž๐ž ๐…๐จ๐ซ๐ฅ๐š๐ง๐ข๐ง๐ข/๐ฅ๐š๐ณ๐ณ๐š๐ซ๐ซ๐ž๐ญ๐จ.Agaasimaha Guud Isbi...
07/01/2026

๐Œ๐š๐š๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐š ๐ฌ๐š๐ซ๐ž ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ ๐Œ๐š๐๐ข๐ข๐ง๐š ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐ˆ๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐š ๐ž๐ž ๐…๐จ๐ซ๐ฅ๐š๐ง๐ข๐ง๐ข/๐ฅ๐š๐ณ๐ณ๐š๐ซ๐ซ๐ž๐ญ๐จ.

Agaasimaha Guud Isbitaalka Dadweynaha Forlanini Mohamed Jafar Ali ayaa xafiiskiisa kusoo dhaweeyay Maamulka sare Isbitaalka weyn ee Madiina ee uu hor kacaayo Agaasimaha Isbitaalka ๐ƒ๐ซ ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐ข ๐‰๐š๐š๐ฆ๐š๐œ (๐๐จ๐ซ๐ญ๐ฎ๐ ๐š๐ฅ) iyagoo ay ku wehliyeen agaasimaha Caafimaadka Isbitaal Madiina Dr Gaalkacyo, iyo Dr Khaliifa.

Ujeedada kulanka ayaa ahaa Iskaashi dhex mara laba Isbitaal iyadoo ay iska kaashan doonaan Cilmi baaris, sare uqaadista karaanka shaqaalaha, in la xoojiyo habka xawilitaanka bukaanka (Referral System), sare u qaadista waciyga bulshada ku xiran labada isbitaal, iyo heshiisyo Iskaashi ku saabsan sidii looga wada shaqeyn lahaa in la xoojiyo wada shaqeynta labada Isbitaal.

Agaasimaha Isbitaalka ayaa uga mahadceliyay booqashadooda, wuxuuna kusoo wareejiyay qeybaha Isbitaalka iyadoo ay uga mahadceliyeen soo dhaweyntiisa.

-๐๐ก๐š๐ฆ๐š๐š๐-

๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐…๐จ๐ซ๐ฅ๐š๐ง๐ข๐ง๐ข ๐‹๐š๐ณ๐ณ๐š๐ซ๐ž๐ญ๐จ ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‰๐š๐Ÿ๐š๐ซ ๐€๐ฅ๐ข ๐จ๐จ ๐†๐š๐š๐ซ๐ข ๐€๐ฆ๐›๐ฅ๐ฎ๐ง๐œ๐ž ๐š๐ก ๐ค๐š ๐ ๐ฎ๐๐จ๐จ๐ฆ๐š๐ฒ ๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š...
31/12/2025

๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐ž๐ž ๐ˆ๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐…๐จ๐ซ๐ฅ๐š๐ง๐ข๐ง๐ข ๐‹๐š๐ณ๐ณ๐š๐ซ๐ž๐ญ๐จ ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‰๐š๐Ÿ๐š๐ซ ๐€๐ฅ๐ข ๐จ๐จ ๐†๐š๐š๐ซ๐ข ๐€๐ฆ๐›๐ฅ๐ฎ๐ง๐œ๐ž ๐š๐ก ๐ค๐š ๐ ๐ฎ๐๐จ๐จ๐ฆ๐š๐ฒ ๐€๐ ๐š๐š๐ฌ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐š ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ƒ๐ซ ๐†๐ฎ๐ฎ๐ฅ๐ž๐ ๐€๐›๐๐ข๐ฃ๐š๐ฅ๐ข ๐’๐ก๐ž๐ข๐ค๐ก ๐‚๐š๐ฅ๐ข.

Agaasimaha Guud Wasaarada Caafimaadka Dr Guuleed Abdijalil Sheikh Cali ayaa gaari amblunce ah ku wareejiyay Agaasimaha Guud Isbitaalka Forlanini Mohamed Jafar Ali iyadoo loogu adeegi doono dadweynaha ku xiraj Isbitaalka.

Agaasime Mohamed Jafar Ali ayaa uga mahadceliyay agaasimaha guud wasaarada caafimaadka iyo Wasaarada Caafimaadka XFS dib uhowlgalinta iyo garab istaaga joogtada ah ee lagarab joogto Wasaarada Caafimaadka.

-dhamaad-

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐Œ๐ข๐ก๐ง๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐‡๐จ๐ ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š.Muqdisho 21, December 2025; Wasiirka Wasaaradda Caa...
21/12/2025

๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐Œ๐ข๐ก๐ง๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐จ๐จ ๐๐จ๐จ๐ซ๐ญ๐š๐ฒ ๐‡๐จ๐ ๐š๐š๐ง๐ค๐š ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š.

Muqdisho 21, December 2025; Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, Dr. Ali Haji Adam, ayaa maanta ka qayb galay kulanka 2aad ee xubnaha Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka, kaas oo ujeeddadiisu ahayd doorashada hoggaanka Golaha iyo ansixinta xeer-hoosaadka anshaxa iyo hab-raaca shaqo ee Golaha.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka soo qayb galay hoggaanka sare ee Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada, oo uu ka mid yahay Dr. Guuleed Cabdijalil, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda. Masโ€™uuliyiintu waxay adkeeyeen doorka muhiimka ah ee Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ka qaadanayo ilaalinta anshaxa mihnadda, tayeynta xirfadlayaasha caafimaadka, iyo horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.

Intaas kaddib, xubnaha Golaha ayaa u gudbay geeddi-socodka doorashada hoggaanka Golaha, iyadoo hawsha doorashada loo xilsaaray guddi ka kooban saddex xubnood, oo uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Dalladda Bulshada Rayidka ah, isla markaana xubin ka ah Golaha, Osman Tahlil Shaatax, kaas oo faahfaahiyay habraaca iyo nidaamka doorashada.

Kadib doorasho si hufan, xor ah, isla markaana wada-ogol ah u dhacday, xubnaha Golaha ee kulanka joogay ayaa si wadajir ah u codeeyay, waxaana natiijadu noqotay:
โ€ข ๐ƒ๐ซ. ๐‚๐š๐›๐๐ข๐ฅ๐š๐๐ข๐Ÿ ๐”๐ ๐š๐š๐ฌ ๐๐ข๐ฅ๐ž โ€“ Guddoomiyaha Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka
โ€ข ๐‚๐ข๐ฆ๐ซ๐š๐š๐ง ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ฅ๐ค๐š๐š๐๐ข๐ซ โ€“ Guddoomiye Ku-xigeenka Golaha

Natiijada doorashada waxaa si rasmi ah u shaaciyay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada, Osman Tahlil Shaatax.

Ugu dambayn, Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey Xoghayaha guud ee Golaha mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka NHPC Mudane ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ฎ๐ ๐€๐๐๐จ๐ฐ iyo Marwo ๐€๐ฆ๐ข๐ง๐š ๐‡๐š๐ฌ๐ฌ๐š๐ง ๐‡๐ฎ๐ฌ๐ฌ๐ž๐ข๐ง agaasime ku xigeenka Golaha, intaasi ka dib hoggaanka cusub ee la doortay ayaa u mahadceliyay xubnaha Golaha kalsoonida ay siiyeen, iyaga oo ballanqaaday inay ka shaqayn doonaan xoojinta midnimada Golaha, ilaalinta anshaxa mihnadda caafimaadka, iyo horumarinta adeegyada caafimaadka dalka.

----------------
๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ

๐—๐จ๐ ๐ก๐š๐ฒ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐Œ๐ข๐ก๐ง๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐ˆ๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š...
07/12/2025

๐—๐จ๐ ๐ก๐š๐ฒ๐š๐ก๐š ๐†๐ฎ๐ฎ๐ ๐†๐จ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐Œ๐ข๐ก๐ง๐š๐๐ฅ๐š๐ฒ๐š๐š๐ฌ๐ก๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐๐š๐ซ๐š๐ง๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ข๐ฒ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐ˆ๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐ž๐ž ๐…๐จ๐ซ๐ฅ๐š๐ง๐ข๐งi/๐‹๐š๐ณ๐ณ๐š๐ซ๐ž๐ญ๐จ.

Xoghaya Guud Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka Qaranka ๐ƒ๐ซ ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ฎ๐ ๐€๐๐จ๐ฐ oo kormeer iyo booqasho ku yimid Isbitaalka ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Agaasimaha Guud Isbitaalka ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐‰๐š๐Ÿ๐š๐ซ ๐€๐ฅ๐ข.

Xogahayaha Guud ee golaha ayaa mid mid u kormeeray qeybaha Isbitaalka sida:-

1. Qeybta Hooyada iyo Dhallanka
2. QeybtaQuudinta Caruurta
3. Qeybta Adkeysiga Qaaxada
4. Qeybta Dhimirka Ragga
5. Qeybta Dhimirka Haweenka ( Dhawaan la furi doono)
6. Qeybta Gurmadka Gar Gaarka Degdega (Dhisme ku socda)
7. Qeybta Tallaalka Qaranka (Dhisma ka socda)

Kormeerka kidib Xoghaye Adow ayaa shir la yeeshay madax qeebeedyada Isbitaalka isagoo war bixin ka dhageestay dhamaan madax qeybeedyada, wuxuuna ka mahadceliyay shaqada wanaagsan ee ka socota Isbitaalka iyo horumarka dhanka dhismaha ee ku tallaabsaday Isbitaalka.

-๐ƒ๐ก๐š๐ฆ๐š๐š๐-

Xafiiska Xiriirka Warbaahinta iyo la falgalka Dadweynaha.

01/12/2025
๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐š ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ง๐ข๐ ๐š ๐ž๐ž ๐’๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐š ๐ˆ๐ญ๐š๐ฅ๐ข๐š๐ง ๐‚๐จ๐จ๐ฉ๐ž๐ซ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐€๐ ๐ž๐ง๐œ๐ฒ ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐ˆ๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ๐ค...
01/12/2025

๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐š ๐“๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š๐š๐ง๐ข๐ ๐š ๐ž๐ž ๐’๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐‡๐š๐ฒโ€™๐š๐๐š ๐ˆ๐ญ๐š๐ฅ๐ข๐š๐ง ๐‚๐จ๐จ๐ฉ๐ž๐ซ๐š๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐€๐ ๐ž๐ง๐œ๐ฒ ๐จ๐จ ๐›๐จ๐จ๐ช๐š๐ฌ๐ก๐จ ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐ˆ๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐ƒ๐š๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐…๐จ๐ซ๐ฅ๐š๐ง๐ข๐ง๐ข/๐‹๐š๐ง๐ณ๐š๐ซ๐ซ๐ž๐ญ๐จ.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka & Daryeelka Bulshada Dr. Ali Haji Adam ayaa maanta kusoo dhaweeyay Isbitaalka Dadweynaha Forlanini/Lanzarreto Safiirka Dowlada Taliyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Pier Mario Decco Copi iyo Hayโ€™ada Italian Cooperation Agency oo booqasho rasmi ah ku yimid Isbitaalka, waxaan ku wehliyay Agaasimaha Guud Isbitaalka Mohamed Jafar Ali.

Booqashadaan ayaa daarneed Dowlada Taliyaaniga oo qeyb ka ahayd dib udhiska iyo howlgalinta Isbitaalka iyadoo ay dhiseen Qeybta Dhimirka Haweenka oo loogu tala galay haweenka ka xanuusan dhimirka.

Wasiirka iyo safiirka ayaa booqday xarumaha Isbitaalka gaar ahaan xarunta cusub ee dhimirka haweenka iyadoo uu balan qaaday safiirku inuu dhisi doono qeybo kale iyo qalabeynta xarumaha qaar sida xarunta dhimirka haweenka.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay safiirka booqashadiisa iyo taageeradiisa ku aadan dib u dhiska iyo casriyeynta Isbitaalka.

-dhamaad-

15/11/2025

Kalmada Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Caafimaadka XFS ee ku aadan Kormeerka Xarumaha Kaabayaashadhismaha ee Wasaarada Caafimaadka

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š & ๐ƒ๐š๐ซ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐—๐…๐’ ๐ƒ๐ซ ๐€๐ฅ๐ข ๐‡๐š๐ฃ๐ข ๐€๐๐š๐ฆ ๐€๐›๐ฎ๐›๐š๐ค๐š๐ซ ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐ˆ๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐…...
15/11/2025

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š & ๐ƒ๐š๐ซ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐—๐…๐’ ๐ƒ๐ซ ๐€๐ฅ๐ข ๐‡๐š๐ฃ๐ข ๐€๐๐š๐ฆ ๐€๐›๐ฎ๐›๐š๐ค๐š๐ซ ๐จ๐จ ๐ค๐จ๐ซ๐ฆ๐ž๐ž๐ซ ๐ฌ๐ก๐š๐ช๐จ ๐ค๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐ˆ๐ฌ๐›๐ข๐ญ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐…๐จ๐ซ๐ฅ๐š๐ง๐ข๐ง๐ข/๐‹๐š๐ง๐ฌ๐š๐ฅ๐ž๐ญ๐ข ๐จ๐จ ๐๐ข๐› ๐ฎ๐๐ก๐ข๐ฌ ๐๐š๐ฅ๐š๐š๐ซ๐š๐ง ๐ค๐š ๐ฌ๐จ๐œ๐๐š.

Muqdisho 15 November 2025; Wasiirka Caafimaadka & Daryeelka Bulshada XFS, H.E. Dr. Ali Haji Adam, ayaa maanta kormeeray mashaariic dhismo oo muhiim u ah kaabayaasha caafimaadka dalka, kuwaas oo ay Wasaaraddu ka hirgalinayso Caasimada Dalka.

Wasiirka ayaa kormeeray Isbitaalka Forlanini, halkaas oo ay ka socoto ballaarin iyo dhismo casri ah oo lagu kordhinayo qaybo cusub sida Qaybta Hooyada & Dhallaanka iyo Qaybta Gar-gaarka Deg Dega & Dhaawacyada Culus, kuwaas oo sare u qaadi doona adeegyada caafimaad ee isbitaalka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa booqday Dhismaha Kaydka Talaalka Qaranka, oo markii ugu horreysay muddo ku dhow 30 sano kabadan uu dalku yeelan doono goob casri ah oo lagu kaydiyo tallaalka gudaha dalka, taas oo qeyb ka ah yoolka Qaran ee isku filnaanshaha tallaalka lagana dhisaayo Isbitaalka gudihiisa.

Dhammaan mashaariicdan caafimaad ayaa maraya heer gabagabo ah, iyagoo qayb ka ah Dadaalada Xukuumada Danqaran ee tayaynta adeegyada Dalka.

----------------
๐ƒ๐‡๐€๐Œ๐Œ๐€๐€๐ƒ

30/10/2025

Khudbada Agaasimaha Guud Isbitaalka uu ka jeediyay Shirka Wada-Hadalka Iskaashiga Bahwadaagta Dowliga iyo kuwa Gaarka loo leeyahay ee adeeg bixinta Caafimaadka Soomaaliya.

Bahwadaagata Caafimaadka Gaarka loo leeyahay ee Dalka waxeey horseed uyihiin adeeg bixinta Caafimaadka Dalka, Horumarinta adeeg bixinta iyo kaabayaasha caafimaad ee Dalkeena iyagoo door muuqda ka qaata haananka dhismaha caafimaad ee Dalka.

Address

Abdiaziz District
Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Forlanini Public Hospital FMOH posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share