16/10/2025
Dad badan oo dhallinyaro oo ay ku jiraan dhallinyarada reer Jowhar iyo intii magaalo soo gashay wixii ka dambeeyey 1990 ayaan waxaan ka maqlaa iyagoo leh Warshadda Sonkorta ee SNAAY BIYAASA. Warshadda Sokorta ee Jowhar waxaa lagu magacaaba S.N.A.I taasoo ah xarfo laga soo qaabiyey magacaan oo Talyaani ahaa ( Societa’ Nazionale Agricola Industria). Warshaddaasi waxaa ay sameyn jirta Sokor Kali ah.
Qasabka marka Sokorta laga majuujiyo waxaa ka soo hara Gurug (Qashin) kaas oo laga sameyn karo waxyaabo dhawr ah oo ay ka mid yihiin , Alkol, Barafuunno kala duwan, kabaha Caagga ah la qaato marka magaala uu roob ka da’o iyo Khamriga Adag ( Whiskey, Rum, Gim, Vodka iyo kuwo kale). Haddaba 1971-2 ayaa Warshadda SNAI waxaa laga dhinac dhisay warshad kale oo warshadeeysa Gurufka ka soo haray majuujintii qasabka marka marka Sokorta laga saaro. warshadda cusub oo laga dhinac dhisay SNAI waxaana loo baxshay SNAI -BIASA. Warshaddasi waxay soo saaro jirtay alaabaha aan kor ku soo sheegay. Qaraalkaan waxaan doonayaa inaan ku caddeeyo in Jowhar ay ku yaalleen 2 warshadood oo kala ah SNAI oo sokor Kali ah soo saarta iyo SNAI-BISA oo saarta Alkolo, noocyo kala duwan oo Barafuunno ah, Kabo dacas ah . khamriga adag oo qandaraas ay ku Qabeen Soviet Union iyo Kobaha dhaadheer ee dhiiqada laga qaato. Marka magaalada uu roob badan.ka da’o.
Xogtaas waxaa haya oo Kali ah Ciyaal Jowhar- Jannaay. Labadaas warshadood marka laysu geeyo waxaa ka shaqeynjiray 8 kun iyo wax dheer oo isugu jiray. Injineerro noocyo kala duwan ah, Beero yaqaan takhasusyo kala duwan leh, farsamo yaqaanno xirfad Sare lehaa, xisaabiyeyaal iyo Hantidhawayaal, Enjineerro Kiimikada Warshadaha oo kala duwan, xirfadleeyda Xafiisyada kala duwan iyo Shaqaale aad u badan oo muruqmaal ah.
Sidaas ayey ahayd ee ha la ogaado.
Mohamed Jimale Ciyaal Jowhar Jannaay.
Aakhiro Jinno ka Joog Adduunyadan Jowhar ka joog. Waa Hal hays reer Jowhar kii h**e.