06/05/2026
Munaasabad ballaaran oo xarig jarka iyo daahfurka adeegyo caafimaad oo casri ah ayaa maanta si heer sare ah uga qabsoontay De Martino Public Hospital, taas oo muujineysa horumar muuqda oo laga sameeyay adeegyada caafimaadka ee isbitaalka.
Munaasabaddan ayaa lagu daahfuray adeegyo muhiim ah oo ay bulshada baahi weyn u qabeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin CT Scan casri ah oo lagu sameynayo baaritaanno sax ah, Blood Bank la casriyeeyay oo ka qeyb qaadanaya badbaadinta nolosha bukaannada, iyo sidoo kale dib-u-habeyn iyo tayeyn lagu sameeyay qeybta sheybaarka si loo hubiyo adeegyo baaritaan oo degdeg ah oo la isku halayn karo.
Xarig jarka munaasabaddan qiimaha leh waxaa si rasmi ah u sameeyay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Ali Haji Adan, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen Agaasimaha Isbitaalka Dr. Abdirahim Omar Amiin, ku xigeenkiisa, madaxda qeybaha kala duwan iyo shaqaalaha isbitaalka.
Agaasimaha Isbitaalka, Dr. Abdirahim Omar Amiin, ayaa si rasmi ah u daahfuray qeybahan cusub, isagoo si qoto dheer uga hadlay horumarka ballaaran ee isbitaalka, qorshayaasha mustaqbalka, iyo sida adeegyadan cusub ay u xoojinayaan awoodda isbitaalka ee bixinta daryeel caafimaad oo tayo leh, degdeg ah, isla markaana la jaanqaadaya baahiyaha bulshada.
Wuxuu sidoo kale xusay in casriyeenta lagu sameeyay qeybaha CT Scan, Blood Bank iyo sheybaarka ay sare u qaadi doonto kalsoonida bulshada iyo tayada adeegyada caafimaad ee la siiyo bukaannada, isla markaana yareyn doonto baahida loo qabo in bukaannadu u safraan dibadda.
Ugu dambeyn, munaasabadda waxaa soo xiray Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Dr. Ali Haji Adan, oo si weyn u bogaadiyay maamulka iyo shaqaalaha De Martino Public Hospital dadaalka joogtada ah ee ay ku horumarinayaan adeegyada caafimaad. Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladda ay ka goโan tahay xoojinta kaabeyaasha caafimaadka dalka, isla markaana ay sii wadi doonto taageerada ay siiso isbitaallada si loo hubiyo in bulshada Soomaaliyeed ay helaan adeeg caafimaad oo casri ah, tayo leh, lana gaarsiiyo qof walba.
Munaasabaddan ayaa ku soo gabagabowday jawi farxad leh iyo rajo cusub oo ku aaddan horumarinta adeegyada caafimaadka ee dalka, gaar ahaan De Martino Public Hospital oo door muuqda ka qaadanaya daryeelka bulshada.