18/11/2023
Nin ayaa waa hooyadii geeyay meelaha dadka waayeelka ah lagu xannaaneeyo kadib markii ay caruurtiisa iyo xaaskiisu u dulqaadan waayeen hooyada waayeelnimada bukaannimadu u dheertahay ee daryeelka badan u baahan.
Maaddaama uu ahaa nin shaqada iyo qoyskiisa ku mashquulsan waxa uu hooyadii booqan jiray saddexdii biloodba hal mar, mudda yarna wa uu la joogi jiray. Maalin maalmaha ka mid ah ayaa lagasoo wacay xaruntii xannaanada waxaana loo sheegay in ay hooyadii geeri qarka u saarantahay, “kasoo gaar aad aragtid hooyadaa inta aysan go’in” ayaa lagu yiri.
Markii uu yimid goobtii ayuu hooyadii oo ay naftu qaad-qaadayso waydiiyay hooyo maxaan kuu qabtaa?
Hooyadii oo indhaha la raacaysa wiilkeedii ayaa tiri: waxa aan jeclaan lahaa in aad Marwaxado kusoo xirtid xerada, sababtoo ah malaha marwaxado waana kuleyl xilliyada qaar. Waxaad kale oo aad keentaa tallaagado Firanjeer,qaboojiye ama wax cuntada kaydiya.Hooyo inbadan ayaan baahi ku seexday intaan waayay wax aan cuno.
Wiilkii oo yaaban ayaa waydiiyay hooyo maxaad arrintan mar h**e iigu sheegi wayday? hadda maxay kuu taraysaa? Hooyadii oo xanuunka geeridu u dheertahay murugo ayaa tiri: “hooyo anigu waan la qabsaday kuleylka iyo gaajada, waxaanse ka baqayaa in aad adigu la qabsan waydid marka aad weynaato ee ay ubadkaagu ama caruurtaada halkan ku keenaan”
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Maxaad ka fahantay..??