07/03/2025
Gulufka argagixisadu ka wadaan Hirshabelle k**a duwana kii ay Muqdisho ka fuliyeen 2010-kii bil Ramadaan ee ay u bixiyeen: نهاية المعتدين (Dhammaadka kuwa soo xad-gudbay).
Duulaankaas oo ahaa kii ugu abaabulnaa uguna arxanka darnaa ee argagixadu isugu geeyeen wixii ay awood lahaayeen, ayaa ku soo dhammaaday in ay dhammaato awooddoodii Muqdisho oo ay isaga carareen bishii August 2011.
Duullaankoodan cusubi waa naf la caari, waxayna adeegsanayaan xeelado raqiis ah oo aan cidina ka gadaneyn. Waxaan ku kalsoonahay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadkoo garab u ah ay ku filan yihiin in ay u quus-gooyaan argagixisada hororka ah ee isa soo waalay.
Liban Abdi Ali