Somalia National Bureau of Statistics

Somalia National Bureau of Statistics The official page of the National Bureau of Statistics, Federal Republic of Somalia

Somalia National Bureau of Statistics (SNBS) is the principal Government agency for the collection, analysis and dissemination of statistical data in Somalia

Hay’adda Istaatistikada Qaranka iyo Bangiga Adduunka ayaa si wadajir ah u daah-furay Sahanka Ku-hadalka Telefoonada Soma...
10/12/2025

Hay’adda Istaatistikada Qaranka iyo Bangiga Adduunka ayaa si wadajir ah u daah-furay Sahanka Ku-hadalka Telefoonada Somalia wareegyada 1aad & 2aad. Waxaa sidoo kale si hoor-dhaac ah loo soo bandhigay hindisaha Cusub ee Xogta Taleefannada Gacanta ee Go’aan-qaadashada (Mobile Phone Data for Policymaking).

Munaasabadda waxaa isugu yimid masuuliyiin sare oo dowladda ka tirsan, madax ka soocotay Bangiga Adduunka iyo bahwadaagta caalamiga ah ee arrimaha istaatistikada, si ay uga wada hadlaan sida xog waqtigeeda la hela ay u dadargeliso una hagto siyaasado qaran oo wax ku ool ah.

Sahanka Ku-hadalka Telefoonada Somalia wuxuu muujiyay awoodda iyo waxtarka hababka casriga ah ee xog-ururinta taleefannada gacanta. Iyadoo gebi ahaan lagu qaaday wareysiyo telefoon, Sahanku wuxuu soo uruuriyey aragtiyo toos ah ah oo ka imanaya qoysas ku kala nool dhammaan gobollada dalka—iyadoo laga maarmay caqabadaha culus iyo kharashaadka weyn ee ku xeeran haddii xog ururinta sidii h**e loo qaban lahaa. Natiijooyinku waxay soo bandhigeen sawir cad oo ku saabsan saboolnimada, cunno-yaraanta, saamaynta masiibooyinka cimilada, adeegyada bulshada iyo himilooyinka qoysaska Soomaaliyeed.

Iyadoo la duulayo guushan, hordhaca hindisaha cusub ee Mobile Phone Data (MPD) ee isla munaasabadda lagu soo bandhigay wuxuu adeegsanayaa xogaha isgaarsiinta ee la qarameeyey lana mideeyey, si loo helo xog joogto ah oo loogu adeego ka jawaabista masiibooyinka, dhaq-dhaqaaqa dadka iyo barnaamijyada ilaalinta bad-qabka bulshada ee u adkaysta masiibooyinka lama filaanka ah (shock-responsive). Wada-shaqayntan waxay xoojinaysaa awoodda Soomaaliya ee adeegsiga hal-abuurka iyo cilmi-xogeedka si loo dejiyo siyaasado difaaca bulshooyinka nugul, sial markaana taageera horumar waara.

Hay’adda Istaatistikada Qaranka waxay u mahadcelinaysaa Bangiga Adduunka iyo dhammaan bahwadaagta sida joogtada ah u garab taagan. Daah-furkan maanta wuxuu hooska ka xarriqayaa go’aankeena ku aaddan go’aan-qaadasho xog-ku-salaysan iyo doorka xogtu ku leedahay dhismaha Soomaaliya adkaysi badan, ammaan & barwaaqo leh.

Soomaaliya maanta waxay xustay Maalinta Istaatistikada Afrika 2025, xus heer sare ah oo si wanaagsan loo soo agaasimay l...
18/11/2025

Soomaaliya maanta waxay xustay Maalinta Istaatistikada Afrika 2025, xus heer sare ah oo si wanaagsan loo soo agaasimay loogana soo qayb galay oo ka dhacay Muqdisho, Soomaaliya.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay doorka xog laysku halleyn karo oo waqtigeeda ku habboon la helo ay ku leedahay dejinta siyaasad iyo qorsheyn cilimiyeeysan, iyo horumarinta Afrika.

Mawduuca sanadkan ee "Ka faa'iidaysiga Hal-abuurka Xogta iyo Istaatiistika si loo horumariyo Bulsho Afrikaan oo Caddaalad ah, Nabdoon, mideysan oo barwaaqeysan," wuxuu si wayn ula jaan qaadayaa casriyeynta nidaamka dowliga ah ee Soomaaliya.

Hay’adda Istaatistikada Qaranka waxay sii xoojineysaa casriyeynta nidaamyada istaatistikada, ururinta xog dijitaal ah iyo diiwaannada maamulka si loo taageero nabadda, caddaaladda, xasilloonida iyo arrimaha hor tebinta u leh horumarinta Qaranka.

Xuska wuxuu soo jiitay ka qaybgal ballaaran oo ka kala yimid Wasaaradaha Federaalka, Xubnaha Baarlamaanka, Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud, hay'adaha kale ee dowladda, Bangiga Adduunka, Hay'adaha Qaramada Midoobay, saaxiibbada Soomaliaya ee horumarinta iyo arrimaha bani'aadamnimada, jaamacadaha, warbaahinta iyo bulshada rayidka ah, iyadoo dhammaan mas’uuliyiintii hadashay ay wada xaqiijiyeen ballanqaadka wadajirka ah ee ku aaddan in xogaha rasmiga ah ee Hay’adda Istaatistikada Qaranka ay soo saarto loo adeegsado go’aamada iyo dejinta sidaasado iyo mashaariic cilimiyeysan.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Istaatistikada Qaranka, Mudane Diktoor Cabdisalaam Cabdiraxmaan Maxamed ayaa sheegay in Hay’adda ay sii wadi doonto dhisidda nidaam istaatistika qaran oo casri ah, isku xiran oo adkeysi leh, isla markaana waafaqsan heerarka caalamiga ah. Waxaa uu sidoo kale Agaasimaha Guud uga mahadceliyey dhammaan ka soo qayngalayaasha iyo daneeyayaasha kala qayb-qaatay Hay’adda dabaaldegga Itaatistikada Afrika 2025 iyo taageerada hayaanka Soomaaliya ee ku wajahan mustaqbal xog-ku-saleysan oo barwaaqo ah.

Address

Jidka Afgooye
Mogadish

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 01:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00

Telephone

+252614960003

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somalia National Bureau of Statistics posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share