22/07/2025
Xisbiga Dhiirrigelinta Dhalinyarada
Bismillaahi Raxmaani Raxiim
Xisbiga Dhiirrigelinta Dhalinyarada waxa uu aad uga xun yahay xaaladda amni ee ka taagan Gobolka Gedo, gaar ahaan degmada Baladxaawo, halkaas oo uu ka dhacay dagaal sababay dhimasho, dhaawac, barakac, cabsi iyo burbur hantiyadeed oo baaxad leh.
Waxaan ognahay in shacabka ku nool gobolka Gedo ay muddo dheer la daalaa dhacayeen xaalado amni darro, dhaqaale xumo, iyo colaado soo noqnoqday oo ay sabab u yihiin is mariwaaga u dhexeeya Dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya. Arrintani waxay dhaawacday kalsoonidii shacabka, waxayna carqalad ku noqotay horumarkii nololeed, waxbarasho, caafimaad iyo ganacsi ee gobolka.
Waxaa xusid mudan in dhalinyarada gobolka ay yihiin kuwa ugu badan ee saameynta tooska ah ku leh dagaallada noocan ah, iyagoo ku waaya noloshooda, mustaqbalkooda waxbarasho, fursadahooda shaqo iyo riyooyinkii ay ka lahaayeen nolosha.
Xisbiga Dhiirrigelinta Dhalinyarada wuxuu aaminsan yahay xalka gobolka Gedo inuu ku imaan karo oo keliya:
1. Wadahadal dhab ah oo dhex mara Jubbaland iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
2. In laga fogaado adeegsiga xoogga militariga iyo siyaasadda cadaadiska ah, lana beddelo wada shaqeyn iyo xal nabadeed.
3. In shacabka lagu ixtiraamo deegaankooda iyo go’aankooda, iyadoo la hubinayo in adeegyada dowladda lagu gaarsiiyo si siman.
4. In dhalinyarada gobolka loo abuuro fursado shaqo, barnaamijyo xirfadeed iyo taageero nabadeed oo ay ka qeyb qaataan.
---
Baaq
Ugu dambeyntii, Xisbiga Dhiirrigelinta Dhalinyarada wuxuu ugu baaqayaa:
✅ Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubbaland in ay joojiyaan colaadaha shacabka lagu hoobto.
✅ Madaxda Soomaaliyeed oo dhan in ay danta guud ka hormariyaan damacooda siyaasadeed.
✅ Waxgaradka, odayaasha dhaqanka, culimada iyo dhalinyarada gobolka Gedo in ay ka shaqeeyaan nabadda oo aysan ku milmin colaadaha.
✅ Beesha caalamka iyo hay’adaha gargaarka in ay si degdeg ah u gaaraan dadka barakacay iyo kuwa ku waxyeelloobay dagaallada.
Xisbiga Dhiirrigelinta Dhalinyarada waxa uu mar walba garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada oo ah laf dhabarta dalka, wuxuuna diyaar u yahay ka shaqeynta xal waara oo ay ku dhismaan nabad, caddaalad iyo horumar.
DHAMMAAD