Maamulka Degmada Marka

Maamulka Degmada Marka Page-ka Rasmiga ah Ee Maamulka Degmada Marka.

Guddoomiyaha Degmada Marka ahna Duqa Magaalada Mudane Caddaani Axmed Diiqoow ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda barake...
26/05/2026

Guddoomiyaha Degmada Marka ahna Duqa Magaalada Mudane Caddaani Axmed Diiqoow ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda barakeysan ee Ciida Carafo u diraya guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Alle ha inaga yeelo kuwii ku ciida nabad, caafimaad, barwaaqo iyo iimaan sugan. Ciiddaan ciideeda kale Alle ha nagu gaarsiiyo bashbash, kheyr iyo wadajir.

๐—–๐—ถ๐—ถ๐—ฑ ๐— ๐˜‚๐—ฏ๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ๐—ฎ๐—ธ

24/05/2026

๐—–๐—”๐— ๐—•๐—”๐—”๐—ฅ๐—˜๐—ฌ๐—ก

Maamulka Degmada Marka ayaa si adag u cambaareynaya qaraxii ay kooxaha Khawaarijta ka geysteen goob maqaayad ah, kaas oo sababay dhaawaca gabar yar oo rayid ah. Falalkan gurracan waxay muujinayaan sida argagixisadu u beegsanayaan shacabka aan waxba galabsan.

Maamulka wuxuu caafimaad degdeg ah u rajeynayaa gabadha dhaawaca ah, isagoo bogaadinaya ciidamada amniga ee sida hagar laโ€™aanta ah uga shaqeynaya sugidda amniga iyo ka hortagga falalka amni darrada ah.

Waxaan ugu baaqeynaa laamaha amniga inay sii xoojiyaan howlaha lagu xaqiijinayo amniga shacabka, halka bulshada laga doonayo inay laba jibbaaraan wada shaqeynta ay la leeyihiin hayโ€™adaha amniga si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida degmada Marka.

Baaqa Duqa Magaalada Marka, Caddaani Axmed Diiqoow.Marka waa magaalo taariikhi ah, xarunta ganacsiga Koonfur Galbeed Soo...
23/05/2026

Baaqa Duqa Magaalada Marka, Caddaani Axmed Diiqoow.

Marka waa magaalo taariikhi ah, xarunta ganacsiga Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana leh muhiimad gaar ah oo ku aaddan isku socodka bulshada, ganacsiga iyo horumarka gobolka.

Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka degmada inay ilaaliyaan nabadda, wadajirka iyo xasilloonida magaalada. Tabasho kasta ama aragti kasta waxaa lagu gaari karaa xal ku dhisan wada hadal, is-afgarad iyo wadatashi, iyadoo laga fogaanayo wax kasta oo keeni kara kala fogaansho iyo qalalaase.

Waxaan shacabka u xaqiijinayaa in aysan jirin wax hakad ah oo ku yimid adeegyada dowladda, ganacsiga, isku socodka bulshada iyo howlaha maalinlaha ah ee magaalada.

Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa ciidamada amniga iyo hay'adaha dowladda ee xaqiijiyay amniga xarumaha dowladda iyo xasilloonida guud ee magaalada.

DHAMMAAD:

20/05/2026

Gudoomiyaha Degmada Marka Ayaa Kormeer Ku Tagay Isbitaalka Guud Ee Gobolka.

Kulanka Guddoomiyaha Degmada Marka ahna Duqa Magaalada, Caddaani Ahmed Diiqoow  uu la yeeshay maamulka iyo dhaqaatiirta ...
20/05/2026

Kulanka Guddoomiyaha Degmada Marka ahna Duqa Magaalada, Caddaani Ahmed Diiqoow uu la yeeshay maamulka iyo dhaqaatiirta Isbitaalka Guud ee Gobolka oo looga hadlay dardar-gelinta adeegyada caafimaadka bulshada.

Sidoo kale waxaa si diirran loogu soo dhoweeyay Dr Cabdi Faqi oo dib ugu soo laabtay shaqadiisa Isbitaalka, si uu qeyb uga noqdo horumarinta adeegyada qalliinnada iyo daryeelka caafimaadka bulshada.

10/05/2026

Maamulka Degmada Marka waxa uu u mahadcelinayaa Ciidamada Ammaanka ee xaqiijiyay amniga doorashooyinka ka dhacay Marka, Janaale, Shalambood, Ceel Jaale iyo Buufow, iyagoo shacabka u suurtageliyay inay si nabad ah u codeeyaan.

10/05/2026

Guud Ahaan Degmada Marka oo weli ay ka socoto cod bixinta Doorashada.

10/05/2026

Guddoomiyaha degmada Marka Cadaani Axmed Diiqoow ayaa warbaahinta Qaranka la hadlay isaga oo ku jira safka codbixiyaasha.

09/05/2026
09/05/2026

Muwaadin, Raac Tilmaamaha Codbixinta Doorashada Berri si Codkaagu u Noqdo Mid Sax ah

Address

Wajreer Street
Merca

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maamulka Degmada Marka posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share