Caddaani Ahmed Diiqoow

Caddaani Ahmed Diiqoow Kani waa page'ka rasmiga ah ee gudoomiyaha degmada Marka, Mudane Caddani Axmed Diiqow

Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda 66-guurada ka soo w...
12/04/2026

Waxaan hambalyo u dirayaa dhammaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qoysaskooda, munaasabadda 66-guurada ka soo wareegtay aasaaskooda ee 12-ka Abriil.

Ciidamadu waa laf-dhabarta difaaca dalka, iyagoo mar walba u taagan ilaalinta amniga, midnimada iyo karaamada shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan si gaar ah u xusuusaneynaa halyeeyadii naftooda u huray dalka, una mahadcelinaynaa kuwa maanta heeganka u ah sugidda amniga.

Maamulka Degmada Marka wuxuu garab taagan yahay ciidamadeenna geesiyaasha ah.
Hambalyo mar kale! ๐Ÿ‡ธ๐Ÿ‡ด

Waxaan maanta soo qaatay kaarkeega codeynta si aan u guto xaqa dastuuriga ah ee aan u leeyahay ka qeybgalka doorashooyin...
09/04/2026

Waxaan maanta soo qaatay kaarkeega codeynta si aan u guto xaqa dastuuriga ah ee aan u leeyahay ka qeybgalka doorashooyinka, Waxaan shacabka reer Marka ku dhiirrigelinayaa inay tagaan goobaha lagu bixinayo kaararka codeynta, si aysan uga baaqan doorashooyinka muhiimka ah ee dhici doona 28-ka bishan, haddii Alle idmo.โ€

30/03/2026
Waxaan hambalyo diirran u dirayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Magaalada Marka, munaasabadda bi...
17/02/2026

Waxaan hambalyo diirran u dirayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Magaalada Marka, munaasabadda bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Bishan waa bil naxariis, dambi-dhaaf iyo is-garab istaag. Waxaan ku boorinayaa bulshada inay ka faaโ€™iideystaan fadligeeda, isu naxariistaan, una gurmadaan walaalaheenna danyarta ah, isla markaana ilaashadaan amniga si aynu nabad ugu wada cibaadeysanno.

Alle ha inaga aqbalo Soonka, Salaadda iyo camalka wanaagsan, Ramadaan Kariim.

Waxaan shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo looga hadlayay amniga, ilaalinta iyo bilicda guud ee Caasimada Gobolka Sh/Hoo...
15/02/2026

Waxaan shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo looga hadlayay amniga, ilaalinta iyo bilicda guud ee Caasimada Gobolka Sh/Hoose Magaalada Marka.

Kulanka waxaa ka qeyb galay, Guddoomiye ku-xigeennada Degmada, Taliyeyaasha laamaha amniga, Lataliyaha amniga iyo Guddoomiyeyaasha Waaxyaha.

Waxaan si qoto dheer uga dhageysatay, warbixinno ku saabsan xaaladda amniga, nadaafadda iyo bilicda magaalada, anagoo isla meel dhignay qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu xoojinayo nabadda iyo horumarka.

Ugu dambeyn, waxaan kormeer ku soo maray waddooyinka muhiimka ah iyo goobaha ay bulshada isugu timaado, si aan si toos ah ugu kuurgalo xaaladda guud iyo sida ay u socdaan howlaha maalinlaha ah ee shacabka.

Waxaan mar kale ku boorinayaa bulshada inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta kala dhaxeysa maamulka iyo laamaha amniga, si aan u xaqiijino magaalo nabdoon, nadiif ah, isla markaana bilic leh.

Nabad, Nidaam iyo Bilic Waa Himiladeenna Wadajirka ah.

๐“๐€๐‚๐’๐ˆ ( ุฅูู†ู‘ูŽุง ู„ูู„ู‘ูŽู‡ู ูˆูŽุฅูู†ู‘ูŽุง ุฅูู„ูŽูŠู’ู‡ู ุฑูŽุงุฌูุนููˆู†ูŽ) โ€Žุฅู† ู„ู„ู‡ ู…ุง ุฃุฎุฐ ุŒ ูˆู„ู‡ ู…ุง ุฃุนุทู‰ ุŒ ูˆูƒู„ ุดูŠุก ุนู†ุฏู‡ ุจุฃุฌู„ ู…ุณู…ู‰Waxaan tacsi t...
14/02/2026

๐“๐€๐‚๐’๐ˆ
( ุฅูู†ู‘ูŽุง ู„ูู„ู‘ูŽู‡ู ูˆูŽุฅูู†ู‘ูŽุง ุฅูู„ูŽูŠู’ู‡ู ุฑูŽุงุฌูุนููˆู†ูŽ)
โ€Žุฅู† ู„ู„ู‡ ู…ุง ุฃุฎุฐ ุŒ ูˆู„ู‡ ู…ุง ุฃุนุทู‰ ุŒ ูˆูƒู„ ุดูŠุก ุนู†ุฏู‡ ุจุฃุฌู„ ู…ุณู…ู‰

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan ehelkii, qaraabadii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay Ugaas Aadan Ugaas Maxamed, oo ka mid ahaa aas-aasayaashii Dowlad Goboleedka Jubaland, door weynna ku lahaa nabadda iyo dowlad-dhiska dalka.

Waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu marxuumka u naxariisto, dembigiisana dhaafo, Janatul Firdowsana ka waraabiyo. Qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda uu ka tagayna, samir iyo iimaan Allah ha ka siiyo.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

11/02/2026
09/02/2026

Waxbarasho Wanaagsan, Mustaqbal Ifaya โ€” Bulshada Ceeljaalle Waan La Jiraa oo Dadaalka Waan Dhiirrigelinayaa.

Wadajir ayaan horumar ku gaari doonnaa.

05/02/2026

Dadkeeygow, aan gacmaha is qabsano oo dalkeena dhisano! Aan tijaabino awoodda isxilqaanka iyo isku-tashiga bulsho si aan u hormarino Isbitaalka, inta aan sugayno mashaariicda iyo taageerada rasmiga ah.

โ€œHorumarka Isbitaalka Waa Wadajirkeena!โ€

Waxaan bogaadinayaa Ciidamada Amniga iyo Maamulka Magaalada Baydhabo dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan sugidda amnig...
05/02/2026

Waxaan bogaadinayaa Ciidamada Amniga iyo Maamulka Magaalada Baydhabo dadaalka joogtada ah ee ay ugu jiraan sugidda amniga, kala dambeynta iyo xasilloonida guud ee magaalada.

Ma jirto, mana jiri doonto, wax dulqaad ah oo loo muujinayo cid ku shaqeyneysa ajandooyin shisheeye ama fikrado qalqal gelinaya amniga iyo nabadgelyada bulshada.

Qof kasta oo isku daya inuu la dagaallamo Dowladda, nidaamka sharci ee dalka iyo kala dambeynta jira, waxaa looga hortagi doonaa si adag, iyadoo la raacayo sharciga iyo awoodda Dowladda.

Waxaan mar kale u rajeynayaa guulo waaweyn Ciidamada Amniga ee u taagan difaaca shacabka iyo Dowladnimada.

Maanta waxaan kormeer qiimeyn ah ku tagay Isbitaalka Guud ee Gobolka Shabeellaha Hoose magaalada Marka, anigoo ay i wehl...
05/02/2026

Maanta waxaan kormeer qiimeyn ah ku tagay Isbitaalka Guud ee Gobolka Shabeellaha Hoose magaalada Marka, anigoo ay i wehliyaan ku-xigeennadayda dhinacyada amniga iyo arrimaha bulshada.

Waxaan si dhow u eegnay xaaladda guud ee isbitaalka, adeegyada caafimaad ee la bixiyo, agabka, daawooyinka iyo baahiyaha jira. Agaasimaha Isbitaalka, Sheikh Cabdullaahi Garweyne, ayaa naga siiyay warbixin dhameystiran oo ku saabsan caqabadaha iyo horumarka isbitaalka.

Maamulka aan hoggaamiyo waxaa naga goโ€™an horumarinta adeegyada caafimaadka iyo in wax laga qabto duruufaha jira, si bulshada Degmada Marka ay u helaan adeeg caafimaad oo tayo leh.
Sidoo kale, waxaan kormeer ku tagay Saldhigga Booliska Dowladda Hoose ee Degmada halkaas oo aan kula dardaarmay saraakiisha iyo ciidanka ka howlgala saldhigga inay sii xoojiyaan shaqada ay u hayaan bulshada iyo ilaalinta amniga.

U adeegidda bulshada waa masuuliyad na wada saaran.

Waxaa si sharci-darro ah loo adeegsaday magacayga, waxaana lagu faafinayaa warar been-abuur ah oo aan marnaba i matalin....
04/02/2026

Waxaa si sharci-darro ah loo adeegsaday magacayga, waxaana lagu faafinayaa warar been-abuur ah oo aan marnaba i matalin.

Waxaan si cad u caddaynayaa in page-kan hoos ku xusan uu yahay BEEN-ABUUR.

Bulshada waxaa loogu digayaa in aan lala macaamilin, lana faafin wax kasta oo halkaas lagu daabaco.

Wax kasta oo page-kan lagu qoro masโ€™uuliyaddeeda aniga ima saarna, mana matalaan goโ€™aamadayda.

Address

Via Wajeer
Merca
32830

Telephone

+252615229363

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Caddaani Ahmed Diiqoow posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Caddaani Ahmed Diiqoow:

Share