12/04/2026
Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya H.E Abdirashid Yusuf Jibril Ayaa hambalyo u diray Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed oo u dabbaal degaya sannad-guuradoodii 66-aad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay 12-kii April 1960.
"Munaasabadda 12 April 1960 awgeed waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa sarreeyayaasha, saraakiisha, saraakiil xigeennada, alifllayaasha dablayaasha iyo qoysaskooda ciidanka Xoogga dalka"
"Waxaan si gaar ah salaan iyo hambalyo ugu dirayaa Ciidanka Difaaca iyo Daraawiishta Waqooyi Bari oo iyagu ah geesiyaal, halggamayaal iyo xaq-u-dirir ku suntan sugida xuduudaha DWS, dadka reer Waqooyi Bari ay ku seexdaan kalsoonida ay ciidankooda nafta-uhuraya ay ku qabaan"
-Dhammaad-
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha Ee Madaxweyne Ku-xigeenka Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.