Maxkamadda Sare ee Waqooyi Bari Somalia

Maxkamadda Sare  ee Waqooyi Bari Somalia Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Maxkamadda Sare ee Waqooyi Bari Somalia, Government Organization, Laascaanood.

MAXKAMADDA SARE EE WAQOOYI BARI SOMALIA MUHIIMADEEDA UGU WAYN AY U TAAGAN TAHAY WAA U CADAALAD FALIDA BULSHADA REER WAQOOYI BARI SI WAAFAQSAN SHAREECADA ISLAAMKA

. Hambalyada Ramadaanka​Bisha Ramadaan ee Barakaysan waa Bil Cafis iyo Naxariis leh.​Waxaan hambalyo iyo bogaadin ku aad...
17/02/2026

. Hambalyada Ramadaanka
​Bisha Ramadaan ee Barakaysan waa Bil Cafis iyo Naxariis leh.
​Waxaan hambalyo iyo bogaadin ku aaddan curashada bisha barakaysan ee Ramadaan halkan uga dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Waqooyi Bari.
​Alle ha inaga dhigo kuwii ka faa'iidaysta fadliga bishan, oo laga aqbalo Soonka, Salaadda iyo camalka suuban. Aan is cafino, isna caawino inta lagu guda jiro maalmaha iyo habeenada barakaysan.
​Ramadaan Kariim.

​Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Waqooyi Bari
Sheikh Abdinasir Hajji Maxamed Faraaid

Maxkamadda Sare oo Laashay Dacwad u Dhaxaysay Wasaaradda Caddaaladda W.Bari iyo Labada Garyaqaan oo Dadwad ka Gudbiyey.=...
16/02/2026

Maxkamadda Sare oo Laashay Dacwad u Dhaxaysay Wasaaradda Caddaaladda W.Bari iyo Labada Garyaqaan oo Dadwad ka Gudbiyey.
=====================

Maxkamadda Sare ee Dawlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa 16-kii Febraayo 2026 soo saartay go’aan rasmi ah oo ku saabsan dacwad maamul oo u dhaxaysay laba Garyaqaan, Maxamed Aadan Cumar iyo Maxamed Axmed Olol, iyo Wasaaradda Caddaaladda, Arrimaha Diinta & Dastuurka D.W.B.

Dacwaddan ayaa salka ku haysay arrimo la xiriira ruqsad-siinta iyo diiwaangelinta qareennada, iyadoo maxkamaddu tixraacday qodobo ka mid ah Dastuurka Dawlad-Goboleedka, gaar ahaan qodobada 65-aad, 86-aad, 87-aad iyo 126-aad.

Garsoorayaasha Maxkamadda Sare oo uu guddoominayay Gudoomiyaha Maxkamada Sare Mud.Sh. Cabdinaasir X. Maxamed Cali (Faraa’id) ayaa si wadajir ah u soo saaray go’aanka, kaddib marka ay qiimeeyeen cabashada, jawaabaha wasaaradda iyo dhammaan dukumentiyada la xiriira kiiska.

Maxkamadda Sare ee Dawlad-Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa si rasmi ah u diidday dacwaddii ay soo gudbiyeen labada garyaqaan, iyadoo ku caddeysay in go’aanka lagu gaaray ku saleysan yahay qodobbada dastuurka iyo habraacyada sharci ee jira.

Address

Laascaanood

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maxkamadda Sare ee Waqooyi Bari Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Maxkamadda Sare ee Waqooyi Bari Somalia:

Share