24/07/2025
Ujeedo: Dib-u-Shaacinta Deeqdii Waxbarasho ee Macallinnimada ahayd.* ..................................................................................
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare SSC-Khaatumo, iyadoo ka duuleysa baahida Macallinnimo ee ka jirta Tuulooyinka iyo Degmooyinka SSC-khatumo, waxay mar labaad shaacinaysaa Deeqdii Waxbarasho ee gudaha ahayd taas oo loogu talagalay 64 Macallin oo baran doona kulliyadda Waxbarashada qaybta Macallinnimada taas oo ay ku qaadan doonaan Shahaadada Diploma-da mudo laba Sano ah.
Markan, soo codsashada waxaa si gaar ah loogu talagalay Ardayda kasoo jeeda Tuulooyinka iyo Degmooyinka ka baxsan Laascaanood iyo Buuhoodle.
*Shuruudaha Codsadaha laga rabo:*
1) In uu soo gudbiyo Shahaadada Dugsiga Sare oo ka soo bilaabanaysa 2020 illaa 2024. Haddii uusan Shahaadada haysan, waa in uu keenaa caddeyn kale oo muujinaysa in uu Dugsiga Sare dhameeyay.
2) In uu keeno warqad cadeynaysa Deegaanka uu ka soo codsaday oo ay ku saxiixan yihiin Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada iyo Maamulaha Dugsiga H /Dhexe ee Deegaankaas.
3) Inuu ka shaqayn doono meel kasta oo looga baahdo marka uu dhameeyo Waxbarashada.
Soo gudbinta Araajidu waxay ku egtahay 30, July, 2025, 4:00pm.
Ugu danbayn, Waxaan rajeynaynaa in Bulshadu si buuxda uga faa’iideysan doonaan fursaddan muhiimka ah.
*ALLAAH MAHAD LEH*
*Abdikadir Abdirahman Mohamed.*
Agaasimaha Xafiiska Tacliinta Sare ee
Wasaaradda Waxbarashada, Hidda iyo Tacliinta Sare.
*[email protected]*