Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga Waqooyi Bari

Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga Waqooyi Bari Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga Waqooyi Bari, Government Organization, https://maps. app. goo. gl/MhDBtBr6cAgHWCwu 6, Laascaanood.

Bogga Rasmiga ah ee Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah Dowladd-Gobolleedka Waqooyi Bari Soomaaliya

The official page of the Ministry of Planning, Development & International Cooperation Northeastern state of somalia.

Laascanood 06-05-2026:- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Axmed Aadan Siciid iyo Agaasimaha guud ee Wasaar...
06/05/2026

Laascanood 06-05-2026:- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Axmed Aadan Siciid iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta Mudane Osman Aden Hussen ayaa madaxtooyadda kaga qayb galay shirka dardargalinta dakhliga gudaha Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

Shirka oo uu shirgudoominayey ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Waqooyi Bari Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayna kasoo qayb galeen Guddoomiyaha Maxkmadda sare, Wasiirada iyo agaasimayaasha Wasaaradaha xubnaha ka ah illaha dakhliga, Taliyaha Booliska, Duqa Caasimadda iyo xubno kale oo ka socda labada heer dawladeed.

‎ ayaa diirada Lagu saaray:-

‎1. Dib u-eegista dakhliga gudaha ee Dawladda iyo aqoonsiga caqabadaha jira.
‎2. Xoojinta isku-xidhka iyo wada-shaqaynta hay'adaha dakhliga dawladda
‎3. Dardergelinta qorshaha midaysan ee dakhliga dawladda
‎5. Hirgelinta hanaan daahfuran oo si joogta ah loogula xisaabtamayo hay’adaha ilaha dakhliga.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa faray masuuliyiinta kala duwan dardergelinta waajibaadka saaran iyo kor u qaadista tayada shaqada ay u hayaan shacabka, isagoo sidoo kale kula dardaarmay in ay masuuliyaddooda u gutaan si ay ku jirto Alle ka cabsi iyo hufnaan.

-DHAMMAAD-
_______________________________________________
Offiical X account: https://x.com/mopdic_ne_so
page: https://www.facebook.com/share/14isMAiCz1v/
Webiste: https://mopdic-ne.so/
Location: https://maps.app.goo.gl/MhDBtBr6cAgHWCwu6
official email: [email protected]
Phone: +252 63 3338492

HAMBALYO AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA QORSHAYNTA Madaxda Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga Do...
05/05/2026

HAMBALYO AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA QORSHAYNTA

Madaxda Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga Dowladda Waqooyi Bari yo Hawl-wadeenadeeduba waxa ay hambalyo iyo soodhaweyn markale udirayaan agaasime Osman Aden Hussen oo madaxweynuhu wasaaradda mar labaad u soo magacaabay.
Hambalyo Agaasime, soo dhawoow markale.

-DHAMMAAD-
____________________________________________________________
Offiical X account: https://x.com/mopdic_ne_so
page: https://www.facebook.com/share/14isMAiCz1v/
Webiste: https://mopdic-ne.so/
Location: https://maps.app.goo.gl/MhDBtBr6cAgHWCwu6
official email: [email protected]
Phone: +252 63 3338492

04/05/2026

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga Dowladda Waqooyi Bari Mudane Axmed Aadan Siciid ( Ayuub) oo ay weheliyaan agaasimayaasha waaxaha iyo hawl wadeenada wasaaradda ayaa xafiiska wasaaradda ku qaabilay xubno ka socday Jaamacadaha Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya

-DHAMMAAD-
________________________________________________
Offiical X account: https://x.com/mopdic_ne_so
page: https://www.facebook.com/share/14isMAiCz1v/
Webiste: https://mopdic-ne.so/
Location: https://maps.app.goo.gl/MhDBtBr6cAgHWCwu
official email: [email protected]
Phone: +252 63 3338492

LAASCAANOOD – 04, May, 2026:- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga Dowladda Wa...
04/05/2026

LAASCAANOOD – 04, May, 2026:- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga Dowladda Waqooyi Bari Mudane Axmed Aadan Siciid oo ay weheliyaan hawlwadeenadda wasaaradda ayaa xafiiska wasaaradda ku qaabilay xubno ka socday Jaamacadaha Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ee caasimadda.

Kulankan ayaa qayb ka ahaa barnaamij ay jaamacaduhu si wadajir ah u bilaabeen, kaas oo lagu samaynayo qiimayn ku saabsan baahiyaha shaqaalaha wasaaraddaha dowladda, gaar ahaan dhinacyada aqoonta, iyo xirfadaha.

Wejiga koowaad ee barnaamijkan ayaa diiradda saaraya qiimanta baahiyaha, si loo ogaado meelaha shaqaalaha dowladda uga baahan badanyihiin haddii ay noqoto tababbarada, kobcin aqoontaiyo horumarin xirfadaha, taas oo saldhig u noqon doonta qorsheyaal lagu xoojinayo tayada shaqaalaha wasaaraddaha dowladda, Yada oo la raacayo Qorshaha isbeddelka Qaranka

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda ayaa soo dhoweeyay barnaamijkan, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in la helo shaqaale dowladeed oo aqoon, xirfad iyo karti leh, isla markaana awood u leh gudashada waajibaadka qaranka iyo bixinta adeeg bulsho oo tayo leh.

-DHAMMAAD-
________________________________________________
Offiical X account: https://x.com/mopdic_ne_so
page: https://www.facebook.com/share/14isMAiCz1v/
Webiste: https://mopdic-ne.so/
Location: https://maps.app.goo.gl/MhDBtBr6cAgHWCwu
official email: [email protected]
Phone: +252 63 3338492

Muqdhiso: 3, May, 2026 :- Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta & Iskaashiga Caalamiga ah Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya ...
03/05/2026

Muqdhiso: 3, May, 2026 :- Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta & Iskaashiga Caalamiga ah Dowladda Waqooyi Bari Soomaaliya iyo Hay’adda Tirakoobka Qaranka ayaa kala saxeexday heshiis wada shaqayneed iyo xog wadaagid si loo helo xog la hubo oo la isku helna karo, taasi oo ka turjumaysa baahiyaha Deegaanka waqooyi bari Soomaaliya. Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Mudane Cali Warsame cismaan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Mudane Osman Aden Hussen ayaa shir la qaatay Agaasimaha hayadda Tirkoobka Qaranka Mudane Dr cabdisalaan.
Dood iyo isxog wareysi dheer waxaa lagu heshiyeey in heshiis ku dhisan wada shaqeyna iyo isgarab istaaga loo sameeyo waaxda statistics wasaaradda qorshaynta waqooyi bari.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyeey Agaasimaha guud ee hay’adda tirakoobka soo dhaweyna iyo la shaqeynta waaxda statistics Wasaaradda Qorshaynta Dowladda Waqooyi Bari si lamid dawladd-goboleedyadda dalka.

-DHAMMAAD-
________________________________________________
Offiical X account: https://x.com/mopdic_ne_so
page: https://www.facebook.com/share/14isMAiCz1v/
Webiste: https://mopdic-ne.so/
Location:https://maps.app.goo.gl
official email: [email protected]
Phone: +252 63 3338492

Hambalyo Maalinta Shaqalaha adduunka, Madaxda Wasaaradda Qorshaynta oo isku duuban wax ay hambalyo iyo boggaadin u diray...
01/05/2026

Hambalyo Maalinta Shaqalaha adduunka, Madaxda Wasaaradda Qorshaynta oo isku duuban wax ay hambalyo iyo boggaadin u dirayna Shaqalo weynaha wasaaradda Qorshaynta Waqooyi Bari!!

𝗞𝗢𝗥𝗠𝗘𝗘𝗥𝗞𝗔 𝗠𝗔𝗦𝗛𝗥𝗨𝗨𝗖𝗔 𝗗𝗛𝗜𝗦𝗠𝗔𝗛𝗔 𝗫𝗔𝗥𝗨𝗡𝗧𝗔 𝗗𝗔𝗥𝗬𝗘𝗘𝗟𝗞𝗔 𝗛𝗔𝗟𝗚𝗔𝗠𝗔𝗬𝗔𝗔𝗦𝗛𝗔 𝗪𝗔𝗤𝗢𝗢𝗬𝗜 𝗕𝗔𝗥𝗜.Laascaanood, 21 Abriil 2026Wasaaradda Qorshayn...
22/04/2026

𝗞𝗢𝗥𝗠𝗘𝗘𝗥𝗞𝗔 𝗠𝗔𝗦𝗛𝗥𝗨𝗨𝗖𝗔 𝗗𝗛𝗜𝗦𝗠𝗔𝗛𝗔 𝗫𝗔𝗥𝗨𝗡𝗧𝗔 𝗗𝗔𝗥𝗬𝗘𝗘𝗟𝗞𝗔 𝗛𝗔𝗟𝗚𝗔𝗠𝗔𝗬𝗔𝗔𝗦𝗛𝗔 𝗪𝗔𝗤𝗢𝗢𝗬𝗜 𝗕𝗔𝗥𝗜.

Laascaanood, 21 Abriil 2026

Wasaaradda Qorshaynta ee Waqooyi Bari ayaa maanta kormeer rasmi ah ku samaysay mashruuca dhismaha Xarunta Daryeelka Halgamayaasha Waqooyi Bari (𝐍𝐨𝐫𝐭𝐡𝐞𝐚𝐬𝐭𝐞𝐫𝐧 𝐒𝐭𝐚𝐭𝐞 𝐑𝐞𝐡𝐚𝐛𝐢𝐥𝐢𝐭𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 𝐂𝐞𝐧𝐭𝐞𝐫) oo ka socda magaalada Laascaanood.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Mudane Osman Aden Hussen oo uu weheliyo Agaasimaha Waaxda Qorshaynta, Mudane 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝘅𝗺𝗮𝗮𝗻 ( 𝗥𝘂𝘂𝘀𝗵) Ayaa indha-indheyn iyo kormeer ku sameeyey heerka uu marayo dhismaha xarunta, iyaga oo sidoo kale warbixin ka dhegeystay shirkadda gacanta ku haysa dhismaha mashruuca.

Mashruucan oo ah mid ay bulshada deegaanku si iskutashi iyo isxilqaan ah u hirgelinayaan, isla markaana ay gacanta ku hayso hay’adda HAMDI Charity, oo ay hoggaaminayso Agaasime 𝗙𝗮𝗿𝗱𝘂𝘂𝘀 𝗜𝗯𝗿𝗮𝗮𝗵𝗶𝗺 ayaa ah mid door muhiim ah ka qaadan doona daryeelka halgamayaasha.

Intii uu socday kormeerku, mas’uuliyiinta Wasaaraddu waxay si dhow u qiimeeyeen caqabadaha jira iyo baahiyaha u baahan in wax laga qabto.

Wasaaradda Qorshayntu waxay si weyn u bogaadinaysaa dadaalka ay bulshadu ugu jiraan hirgelinta mashruucan iyo kuwo lamidka ah waxayna dhiirigalinaysaa in la sii xoojiyo waxqabsashada iyo iskutashiga noocan oo kale ah ee horseedaya horumar waara.

Formal Complaint Regarding Breach of UN Humanitarian Principles and Obstruction of Development in Northeastern State of ...
21/04/2026

Formal Complaint Regarding Breach of UN Humanitarian Principles and Obstruction of Development in
Northeastern State of Somalia
UNICEF Somalia, World Health Organization, Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha - Soomaaliya @ all UN Somalia

19/04/2026

Minster of Planning, Development and International Cooperation Mr Ali Warsame has presented that NorthEastern State it is open for investment, urging investors to explore opportunities in oil, agriculture, livestock, and fisheries.

Muqdisho, 18, Abriil, 2026:- Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumrinta & Iskaasbiga Caalamiga Dawladda Waqooyi Bari Soo...
18/04/2026

Muqdisho, 18, Abriil, 2026:- Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumrinta & Iskaasbiga Caalamiga Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya Mudane Cali Warsame Cismaan ayaa ka qayb galay kulan labo-maalin ah oo lagu daah-furayay isla markaana lagu soo bandhigayay Mashariicda Qaran ee Maalgashiga, iyada oo ay ka soo qeyb-galeen wakiillada hay’adaha dowladda federaalka ah, Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, Ganacsatada, Jaamacadaha iyo maalgashatada caalamiga ah.

Ujeeddooyinka kulankan waxa ka mid ah:

_ Soo bandhigidda mashariicda qaran ee maalgashiga ee waafaqsan Qorshaha Isbeddelka Qaranka (2025-2029);
_Soo jiidashada maalgashiga caalamiga ah iyo abaabulka maalgashiga maxalliga ah
_ sare u qaadidda kalsoonida maalgashatada iyo ugu dambeyn isu soo dhoweynta hay’adaha iyo shakhsiyaadka horumariya mashariicda iyo maalgashatada.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Dawladda Waqooyi Bari ayaa halkaa ka jeediyay iney soo dhaweynayaan maalgashiga soomaaliya, wasiirka ayaa halkaa ka xusay in maamulka waqooyi bari yahay maamulka ugu fursadaha badan maalgashi lagu samayn karo.

Waa markii ugu horeysay oo ay Soomaaliya soo bandhigeyso mashariicda qaran ee maalgashiga, kuwaas oo waafaqsan heerarka bandhigga mashariicda maalgashiga caalamiga ah taas oo maalgashatada fahan guud ka siin doonta maclumaadka la xidhiidha mashariicdan si ay go’aamo maalgashi oo ku qotoma maclumaad sugan u qaataaan.

______________
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha ee WQHIC Waqooyi Bari.
Official Email: [email protected]
page: https://www.facebook.com/share

muqdisho ,15/04/2026 Shirka Golaha Horumarinta Qaranka oo saddexdii biloodba mar la qabto, ayna kasoo qayb galaan Wasaar...
16/04/2026

muqdisho ,15/04/2026 Shirka Golaha Horumarinta Qaranka oo saddexdii biloodba mar la qabto, ayna kasoo qayb galaan Wasaaraddaha Qorshaynta ee heer fedaraal iyo heer Dawlad-Goboleedba, ayaa markii ugu horeysay ay martigelin doontaa Caasimadda Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya ee Laascaanood.

Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta & Iskaashiga Caalamiga Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya waxa ay uga mahadcelinaysaa Wasaaradda Qorshaynta DFS iyo Wasaaraddaha Qorshaynta ee Dawlad-Goboleedyadda Dalka oo aqbalay soo jeedintii ahayd in shirkan kan kuxiga lagu qabto Caasimadda Dawladda Waqooyi Bari Soomaaliya.

______________
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta iyo xidhiidhka dadweynaha ee WQHIC Waqooyi Bari.
Official Email: [email protected]
page: https://www.facebook.com/share/1BujCQZQ78/

Address

Https://maps. App. Goo. Gl/MhDBtBr6cAgHWCwu 6
Laascaanood

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga Waqooyi Bari posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share