Mohamoud Atteye

Mohamoud Atteye The Official Page of Director Hon Mohamoud Hussein Jibril Aateeye (Mission & Vision). Xafiiska Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Gobolka Buuhoodle, Somaliland

23/05/2026

Ministry of Security-Northeastern State of Somalia

20/05/2026
TACSI MURUGO LEHInnaa Lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa geerida naxdinta leh ee ku...
19/05/2026

TACSI MURUGO LEH

Innaa Lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Dr. Mubaarik Cabdinuur Maxamuud Awmuuse , oo maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuumku wuxuu ahaa dhakhtar dhalinyaro ah oo si weyn ugu adeegay bulshada, kana mid ahaa bahda caafimaadka Waqooyi Bari Soomaaliya.

Waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa:

Reer Awmuuse gaar ahaan Aabe Cabdi Nuur Maxamuud Awmuuse , Samira Cabdinuur , Nimco Cabdinuur , Nasra Cabdinuur , Amiin Cabdinuur , Nafiso Cabdinuur Iyo Boqor Cabdiraxmaan Saleebaan Maxamuud Awmuuse
Dhammaan qaraabada iyo asxaabta marxuumka

Sidoo kale waxaan tacsi u dirayaa:

Shacabka Waqooyi Bari Soomaaliya, Bahda Caafimaadka Waqooyi Bari Soomaaliya

Waxaan Alle uga baryayaa in uu marxuumka naxariistii Janno ka waraabiyo, Jannatul Firdowsa ku arsaaqo, ehelkiisana uu ka siiyo samir iyo iimaan buuxa.

Innaa Lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

TACSIInnaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi RaajicuunWaxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa geerida ku timid General Sareeyo Gaas ...
05/03/2026

TACSI

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa geerida ku timid General Sareeyo Gaas Jaamac Cali Abokor (Maxamed) oo maanta ku geeriyooday Magaalada Garoowe

Marxuum Jaamac Cali Abokor wuxuu ka mid ahaa saraakiishii sare ee udub-dhexaadka u ahaa ciidamadii Dawladdii Kacaanka, isaga oo door muuqda ka soo qaatay difaaca iyo dhismaha ciidanka Qaranka Soomaaliyeed.

Si guud waxaan geerida Generalka uga tacsiyaynayaa ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan ummadda Waqooyi Bari ee uu ka baxay halyeeygaasi.

Waxaan Alle uga baryayaa marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatul Firdowsa, ehelkiisii, qaraabadiisii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna inuu ka siiyo samir iyo iimaan.

Aamiin.

W/Q Mohamoud Hussein Jibril (Hajji)

WAR-SAXAAFADEED:TAAGEERADA ANSIXINTA DASTUURKA Taariikhda: 4-ta Maarso, 2026Laascaanood, Waqooyi Bari, Soomaaliya.​BOGAA...
04/03/2026

WAR-SAXAAFADEED:

TAAGEERADA ANSIXINTA DASTUURKA

Taariikhda: 4-ta Maarso, 2026
Laascaanood, Waqooyi Bari, Soomaaliya.

​BOGAADIN IYO TAAGEERO:

​Waxaan si hagar la’aan ah u soo dhowaynayaa, una bogaadinayaa ansixinta Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Tallaabadani waa guul taariikhi ah oo astaan u ah bisaylka siyaasadeed iyo hiigsiga fog ee horumarinta qarannimadeenna.

​HOGAAMINTA SARE ee ​Madaxweynaha ,
Mudane Xasan SheekhMaxamuud, Waxaan ku ammaanayaa inuu yahay hogaamiye geesi ah, aragti dheer, isla markaana qaatay go’aan dhiirran oo lagu ilaalinayo midnimada iyo karaamada qaranka Soomaaliyeed.

​Baarlamaanka Federaalka:
Waxaan bogaadinayaa Mudanayaasha Labada Aqal ee gutay waajibaadkooda dastuuriga ah, iyagoo muujiyey waddaniyad, wada-tashi, iyo mas’uuliyad qaran oo dhab ah.

​Guddoomiye Aadan Maxamed Nuur (Madoobe):
Waxaan ku ammaanayaa hoggaaminta deggan, dulqaadka, iyo maareynta miradhalka ah ee uu ku hagay geedi-socodkan qaran.

​TIIRARKA HIRGELINTA
​Hirgelinta dastuurkan cusub waa bilowga waa cusub oo u baahan:
​Midnimo: Inaan gacmaha is-qabsanno.
​Wadajir: Inaan meel uga soo wada-jeesanno danta guud.
​Ilaalinta Maslaxadda Qaranka: In dalku ka sarreeyo wax kasta.

​Midnimo, Sharci iyo Dowladnimo waa jidka kaliya ee guusha Qaranka.
​— DHAMAAD —

​Mohamoud Hussein Jibril (Hajji)

Address

Laascaanood

Opening Hours

Monday 08:00 - 14:00
Tuesday 08:00 - 14:00
Wednesday 08:00 - 14:00
Thursday 08:00 - 14:00
Saturday 08:00 - 14:00
Sunday 08:00 - 14:00

Telephone

+252634974988

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamoud Atteye posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Mohamoud Atteye:

Shortcuts

Share