12/11/2025
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Abdishukri Arab, oo ay wehelinayeen Agaasimaha Waaxda Guriyeynta iyo xubno kale oo ka tirsan wasaaradda, ayaa ka qayb galay kulanka heer qaran ee ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Howlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Shirka oo ay kasoo qayb galeen wasiirro, agaasimayaal guud iyo khubaro ka socday wasaaradaha howlaha guud ee dowlad-goboleedyada dalka, ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta, dib-u-hagaajinta iyo soo jeedinta talooyin ku saabsan hal-abuurka cusub iyo naqshadaha guryaha jaban, kuwaas oo lagu dhisi doono agab maxalli ah si dalka looga yareeyo ku-tiirsanaanta agabka dhismaha ee qaaliga ah ee dibedda laga keeno.
Kulanka oo qayb ka ahaa dadaallada lagu hormarinayo xalalka waara ee hoyga iyo dhismaha magaalooyinka Soomaaliyeed, waxaa sidoo kale ka qayb galay hay’adaha caalamiga ah ee IOM iyo UN-HABITAT, kuwaas oo gacan ka geysanaya taageeridda farsamada iyo maalgelinta barnaamijyada dhismaha waara.
Waxaa intaas dheer, shirka waxaa qayb libaax ka qaatay ururrada bulshada rayidka ah, aqoonyahanno dhalinyaro ah oo ka kala socday jaamacadaha dalka, naqshadeeyayaal iyo farshaxan-yahanno Soomaaliyeed, kuwaas oo soo bandhigay naqshado guryo tayo leh oo laga sameeyey agab maxalli ah, isla markaana ku habboon cimilada iyo dhaqanka deegaanka.
Wasaaradda Howlaha Guud ee Jubbaland waxay mar kale adkaynaysaa sida ay uga go’an tahay in la dhiirrigeliyo hal-abuurka dhallinyarada iyo isticmaalka agabka gudaha, taas oo qayb ka ah qorshaheeda guud ee kor u qaadista dhismaha waara iyo horumarinta adeegyada bulshada.