Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose Bogga rasmiga ah ee Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose.

24/03/2026

Taliyaha Booliska Gobolka Jubada Hoose, Col. Sadik Mohamud Dhogor oo kulan la qaatay Saraakiil ka socotay Sierra Leone iyo UNPOL.

Wasaaradda Amniga Gudaha Jubaland oo kaashaneysa Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta tababar ku sa...
24/03/2026

Wasaaradda Amniga Gudaha Jubaland oo kaashaneysa Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta tababar ku saabsan wada-shaqeynta bulshada iyo Booliska u furay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo booliska degaanka ee dhaca waqooyiga magaalada Kismaayo.

Tababarkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa qayb ka ah barnaamij wadajir ah oo lagu xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya booliska iyo bulshada, waxaana diiradda lagu saarayaa horumarinta wada shaqaynta, kalsoonida, iyo sugidda amniga.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha Jubaland, Mudane Xareed Kilas Cabdi ayaa goobjoog ka ahaa munaasibadda furitaanka.

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubada Hoose ayaa waddo dadaallo lagu xoojinayo barnaamijyada wada shaqaynta bulshada iyo booliska.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Wixii faah-faahin ah kala xiriir xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
Abdulllahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/profile.php?id=100064130010953&mibextid=LQQJ4d
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Jubaland, ahna Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Jubada Hoose, Col. Sadik M...
24/03/2026

Ku-simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Dowladda Jubaland, ahna Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Jubada Hoose, Col. Sadik Mohamud Dhogor ayaa maanta xafiiskiisa kulan dabo-gal iyo amba-qaad ah kula qaatay Taliyaha Cutubka Ciidanka Booliska Sierra Leone, Ibrahim Martyn Fahim Samura iyo Walter Santos, oo ah sarkaal sare oo ka socday Booliska Qaramada Midoobay (UNPOL).

Kulankan ayaa ahaa mid la xiriira kulamo h**e u dhacay, waxaana lagu sii amba-qaadayay qorshayaasha lagu dhisayo xirfadda iyo aqoonta Ciidanka Booliska Jubaland. Labada dhinac ayaa isku raacay in la dardar-geliyo fulinta wejiyada xiga ee barnaamijyada tababarrada iyo tayeynta ee la xiriira teknoolojiyada casriga ah, si loo hubiyo in ciidanku helo aqoon la tartami karta nidaamyada booliska ee caalamiga ah.

​Taliska iyo saraakiisha ka socotay UNPOL iyo Sierra Leone ayaa si wada jir ah hoosta uga xariiqay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo iskaashigan, si loo xaqiijiyo in qodobbadii h**e loogu heshiiyey ay u turjumaan ficil iyo horumar muuqda oo laga dareemo hufnaanta shaqo ee Ciidanka Booliska Jubaland.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Wixii faah-faahin ah kala xiriir xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
Abdulllahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/profile.php?id=100064130010953&mibextid=LQQJ4d
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Hoggaanka Qorsheynta iyo Tababarada ee Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Dhame Shukri Faarax Ducaale oo uu ...
24/03/2026

Hoggaanka Qorsheynta iyo Tababarada ee Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Dhame Shukri Faarax Ducaale oo uu wehliyo Taliyaha Saldhigga Booliska ee degaanka Raaskambooni, Maxamed Cabdikariim Raage ayaa maanta si rasmi ah u furay tababar muhiim ah oo ku saabsan baarista dambiyada la xiriira tacaddiyada ku saleysan jinsiga (GBV), kaasi oo loo qabanayo ciidamo ka tirsan booliska ka howlgala degaanka.

Tababarkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa door weyn ka qaadan doona horumarinta tayada shaqo ee ciidanka iyo kor u qaadista habraacyada cadaaladeed ee la xiriira kiisaska xasaasiga ah.

Sidoo kale, waxaa munaasabadda furitaanka tababarka ka qeyb galay saraakiil ka tirsan Booliska, mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Amniga iyo xubno ka tirsan hay’adaha ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo xuquuqda aadanaha.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Wixii faah-faahin ah kala xiriir xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
Abdulllahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/profile.php?id=100064130010953&mibextid=LQQJ4d
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta tababr ku saabsan Wada-Shaqeynta Bulshada iyo Booliska u furay...
22/03/2026

Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose ayaa maanta tababr ku saabsan Wada-Shaqeynta Bulshada iyo Booliska u furay qaybaha kala duwan ee bulshada iyo booliska degaanka Raaskambooni.

Tababarkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah (22–24 Maarso 2026) ayaa qayb ka ah barnaamij wadajir ah oo lagu xoojinayo iskaashiga ka dhexeeya booliska iyo bulshada, waxaana diiradda lagu saarayaa horumarinta wada shaqaynta, kalsoonida, iyo sugidda amniga.

Hoggaanka Qorsheynta iyo Tababarada ahna Afhayeenka Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Dhame Shukri Faarax Ducaale, oo uu wehliyo Guddoomiyaha deegaanka Raaskambooni, Mudane Luqmaan Deeq Cabdi ayaa furitaanka ka sheegay in tababarkan uu muhiim u yahay adkaynta nabadgelyada, isla markaana uu ka caawinayo ciidamada iyo shacabka in ay si dhow uga wada shaqeeyaan ilaalinta amniga iyo xasiloonida deegaanka.

Si kastaba, Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubada Hoose ayaa waddo dadaallo lagu xoojinayo barnaamijyada wada shaqaynta bulshada iyo booliska.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Wixii faah-faahin ah kala xiriir xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
Abdulllahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/profile.php?id=100064130010953&mibextid=LQQJ4d
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

19/03/2026

Ciid wanaagsan ✨

Ku-simaha Taliyaha Booliska Jubaland ahna Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubada Hoose, Col. Sadik Mohamud Dhogor ayaa ...
19/03/2026

Ku-simaha Taliyaha Booliska Jubaland ahna Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Jubada Hoose, Col. Sadik Mohamud Dhogor ayaa umadda Soomaaliyeed ee reer Jubaland iyo Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Ciidanka Booliska Saraakiisha, Saraakiil xigeenada, Askarta iyo qoysaskooda ugu hambalyeeyey munaasabadda Ciidul Fidriga.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Wixii faah-faahin ah kala xiriir xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
Abdulllahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/profile.php?id=100064130010953&mibextid=LQQJ4d
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Ciidamada Booliska Jubaland ee degmada Dhoobley ayaa sameeyay hawlgallo lagu baacsanayo dadka ka ganacsada maandooriyaha...
18/03/2026

Ciidamada Booliska Jubaland ee degmada Dhoobley ayaa sameeyay hawlgallo lagu baacsanayo dadka ka ganacsada maandooriyaha noocyadiisa kala duwan, iyadoo laga fuliyay qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada.

Intii uu socday hawlgalku, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay tiro dad ah oo lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha, sidoo kale waxaa la soo qabtay qaar ka mid ah dadka isticmaalayay. Waxaa la helay xashiish, Khamri iyo maandooriye kale oo ay wateen dadka la qabtay.

Saraakiisha Booliska waxay sheegeen inay wali ku raad joogaan qaar ka mid ah dadka lagu tuhunsan yahay ka ganacsiga maandooriyaha ee baxsadka ah.

Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah dadaallada ay ciidamada ammaanku ku xoojinayaan la dagaallanka maandooriyaha iyo ka hortagga saameynta uu ku leeyahay bulshada, iyadoo la doonayo in la yareeyo dhibaatooyinka caafimaad, amni, iyo bulsho ee ka dhasha maandooriyaha.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Wixii faah-faahin ah kala xiriir xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
Abdulllahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/profile.php?id=100064130010953&mibextid=LQQJ4d
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Saraakiisha Ciidanka Booliska gaarka ah ee fadhigoodu yahay deegaanka Baarsanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa soo dh...
17/03/2026

Saraakiisha Ciidanka Booliska gaarka ah ee fadhigoodu yahay deegaanka Baarsanguuni ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa soo dhaweyn diiran usameeyey Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Ismaaciil Cabdulaahi oo garab istaag iyo dhiirigelin ugu tagtay ciidanka ku sugab jiida h**e ee dagaalka.

Wasiirka oo kulan gaar ah la qaadatay Saraakiisha Ciidamada, ayaa sidoo kale halkaas gaarsiisay cunto fudud, oo ay kamid tahay buskud ay ugu talagashay ciidanka Dowladda Jubbaland ee ku sugan jiidaha deegaanka Baarsinguuni.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Wixii faah-faahin ah kala xiriir xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
Abdulllahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/profile.php?id=100064130010953&mibextid=LQQJ4d
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Booliska Jubaland, Kabtan Cumar Xujaale Cabdi ayaa qayb ka ahaa dood muhi...
09/03/2026

Taliyaha Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Booliska Jubaland, Kabtan Cumar Xujaale Cabdi ayaa qayb ka ahaa dood muhiim ah oo ku saabsan Helitaanka Caddaaladda & Ilaalinta Xuquuqda Haweenka, taas oo ay soo agaasintay Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, ayadoona qayb ka ahayd xuska Todobaadka Haweenka Soomaaliyeed iyo Munaasabadda maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Aduunka 8-da Maarso, oo sanadkaan si ka duwan sidii h**e looga xusay magaalada KIsmaayo.

Intii ay socotay doodda, waxa Taliyuhu soo bandhigay kaalinta ay Haweenku ka qaateen hawlgallada ka dhanka ah Khawaarijta iyo sugidda amnigan lagu naaloonayo.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

Wixii faah-faahin ah kala xiriir xafiiska warfaafinta iyo xiriirka dadweynaha
Abdulllahi Hussein Kilas
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/profile.php?id=100064130010953&mibextid=LQQJ4d
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

06/03/2026

Ku soodhawoow qaybta labaad ee dooda Madasha Maalgashiga Haweenka, taas oo ka dhici doonta magaalada Kismaayo.

🎯 Mowduuca: Helitaanka Caddaaladda & Ilaalinta Xuquuqda Haweenka.

πŸ“Œ Halka: Xarunta Hormarinta Haweenka ee KWDC - kasoo horjeedka barxad Olambik.

πŸ“… Goorta: 9 March, 2026
πŸ•• Wakhtiga: 10:00 a.m (barqo)

Waxa ka qeybgalaya:

πŸ”Ή Wasiirka Wasaaradda Haweenka Jubaland, Marwo Cadar Ismaaciil Cabdullaahi

πŸ”Ή Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Jubbaland, Mudane Nuur Salaad Cabdullaahi

πŸ”Ή Xeer Ilaaliyaha Guud ee Jubaland, Mudane Nuuradiin Maxamed Khaliif

πŸ”Ή Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda Jubbaland, Mudane Cabdullaahi Cabdiqaadir Aadan (Qaanuuni)

πŸ”Ή Hoggaanka Baarista Dembiyada - CID, Kabtan Cumar Xujaale Cabdi

Kusoo biir madasha, si aad uga qeybqaadato dood muhiim ah oo ku saabsan Helitaanka Caddaaladda & Ilaalinta Xuquuqda Haweenka.

06/03/2026

Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID) ee Booliska Jubaland, Kabtan Cumar Xujaale Cabdi waxa uu qayb ka yahay dooda labaad ee Madasha Maalgashiga Haweenka ee ay qabaneyso Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, taas oo ka dhici doonta magaalada Kismaayo.

Address

Kismayo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose:

Share