Xisbiga Amaano Qaran

Xisbiga Amaano Qaran Hiigsigeena waa Soomaali Barwaaqo ah

28/07/2025

War-murtiyeed
Ujeedo : Baaq Nabadeed
Taariikh : 28 July - 2025
______ _______ ______

Xisbiga Amaano Qaran waxa uu ka xun yahay Fadqaladada Iyo Xasaradaha Ka taagan Gobalka Gedo Waxa uu si weyn u Cambaareynayaa Colaadaha Ka olollsan Gobalka Gedo

Bulshada Soomaaliyeed Guud ahaan gaar ahaan Shacabka Gedo waxaan ugu baaqaynaa Nabad iyo wada Noolaasho Buuxda in ay ka Shaqeeyaan kana Fogaadaan wax walba oo sabab u noqon kara Dib u dhac ku yimaada Nabada Gobalka.

Xisbiga Amaano Qaran waxa uu mar walba dhirigalinayaa Nabada iyo wadajirka . Sidoo kale Xisbiga waxa uu garabyada Colaada u dhaxeyso uu ugu baaqayaa in la raadiyo Jid Nabadeed oo sahli kara Wadahal iyo Tanaasul .

Jirintaanka Iyo Nabada Jubbaland waa Nabada iyo Midnimada Soomaaliya sidaas darteed Mar kasta Xisbiga amaano Qaran waxa uu taageersan yahay Jiritaanka Nidaamka Jubbaland Iyo Midnimada Jamahuuriyada Soomaaliya wuxuna halbeeg u yahay ka shaqeynta midnimada iyo Dhiirgalinta Nabad kuwada noolashanaha Bulshada .

Wabillaaho Towfiiq

09/08/2024

Dhamaan Dadweynaha Magaalada Kismaayo waxaan la wadaagaynaa in uu Baaqday Banaan bixii Beri oo ku beegan 10/8/2024 ka dhici lahaa Fagaaraha Olambik Ee Magaalada kismaayo . Waxaa socda qaban qaabada Dibadbaxa waqtiga iyo howsha qaban qaabada oo socota awgeed ayuu dib ugu dhacay waxaana arintaas Faah faahinaya Afhayeenka Xisbiga Amaano Qaran Abdinaasir ilkadigir .

Muwaadin Xoriyada hadalka Iyo Dibas baxyada waa Dasruuri Sidaas darteed waxa aan ku adag nahay Mowqifkeena Dastuurka Jubbaland ina siinayo .

TACSI    Xisbiga Amaano Qaran : Waxaan Muragada la Wadaagaynaa Dhamaan  ehelada iyo Qoysaska iyo saaxiibada dadkii ku ge...
03/08/2024

TACSI

Xisbiga Amaano Qaran : Waxaan Muragada la Wadaagaynaa Dhamaan ehelada iyo Qoysaska iyo saaxiibada dadkii ku geeriyoodday weerarkii bahalnimada ahaa Ee AS xalay ka geysatay Xeebta Liido Ee Caasimadda Umadda Soomaaliyeed Ee Muqddisho . Sidoo kale waxaan alle Cafimaadd buuxa uga baryeeynaa Dadkii weerarkaas Bahalnimada ku dhaawacmay .

Falalka Noocan ee halista ku ah Amniga Waa in ay Masuuliyadooda qaataan Hay’addaha ku shqadda leh Ee Amniga Sidoo kale Xukuumadda Fedderalka waa in ay Qaadataa Masuuliyada dayaca amni ee dhibaatadda kasoo gaarayso Umadda Soomaaliyeed waana in la helaa Isla xisaabtan arimaha sidan oo kale marka ay dhacaan DFs ayaana Looga baahan yahay ilaalinta Amniga guud Ee dadka iyo dalka .

Xisbiga Amaano Qaran Waxa uu Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqayaa Midnimo guud iyo in la taageero Dowladnimadda si looga gudbo dhibaatooyinka Halista ku ah Qaranimada Umadda Soomaaliyeed . Dhanka kale waxaan ugu baaqaynaa Maddaxda hada xilka haysa Ee heerarka Federalka iyo Maamul Goballeedyada in ay kawada shaqeeyaan howlaha horutabinta leh Ee dhiirigalinaya Geediga Nabada iyo Xasilloonidda Dalka ..


= Dhamaad =

30/07/2024

Xisbiga Xisbiga Amaano Qaran ayaa qaban qaabo ugu Jira dibad baxyo Nabadeed oo looga soo horjeedo Jabinta Dastuurka Jubbaland iyo Wax ka badelkiisa iyo Nidaamka dooorasho Ee Jubbaland oo aan Cadeyn.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed Ee Jubbaland waxa uu Xisbiga Amaano Qaran ugu baaqayaa in ay Codkkoda kor u qaadaan oo ay soo bandhigaan kana soo qeyb galaan Banaan baxa Uu Xisbiga amaano Qaran soo qaban qaabinayo Bilowga bisha sideedaad 2024 Taarikh marka ay ku beegan tahay 10/8/2024 Goobta Banaan Baxa waa Kismaayo Gaar ahaan Xaafada Farjano waaxda Olambik .

Muwaadin soo bax oo Muuji rabitaankaaga
Muwaadin ilaali Nabadgalyada Deegaankaaga
Muwaadin aragtidaada xor ayaad u tahay
Muwaadin Masiirkaaga ayaan ka shaqenaynaaa

Wabilahi Towfiiq

25/07/2024

Gudoomiye ku xigeenka Xisbiga Amaano Qaran Cabdicasiis Shaaciye ayaa ka digay in xeer doorasho oo aan loo dhameyn lasoo saaro taas oo keeni karta Khalkhal siyaasi ah Madaama Madaxtooyada iyo Baarlamaanka Jubba land waqtigooda sharciga ah uu ku ekaa Sanadkii tagay Ogosto 2023 . Dhanka kale Gudoomiye xigeenka Xisbiga Amaano Qaran ayaa bogaadiyay guullaha Ciidanka Jubba land iyo kuwa DFS ka gaareen kooxaha Nabad diidka Alshabaab

Xisbiga amaano qaran ayaa waxa uu mar walba dhiirigalinayaa Dadaalada Nabada iyo Xoreynta Dhulka Ka maqan Jubbaland .

25/7/2024

22/07/2024
Xisbiga Ammaano Qaran waxa uu dhiiri galinayaa In xukunka iyo Hogaaminta Umadda Lagu raadiyo Qallin oo Meesha Laga Saaro...
13/07/2024

Xisbiga Ammaano Qaran waxa uu dhiiri galinayaa In xukunka iyo Hogaaminta Umadda Lagu raadiyo Qallin oo Meesha Laga Saaro Awood sheegashada iyo Kali tallisnimada .

Bulshadeena waxay u baahan tahay Dowladnimo Ku dhisan Aqoon durugsan iyo Waaya aragnimo Balaadhan .

Xisbiga Ammano Qaran waxa uu u taagan yahay Dowlad dhis ku dhisan Iskaashi Iyo Ilaalinta Sareynta Sharciga Iyo Dhowridda Axdiga Bulsho Ee Dastuurkeena .

Tacsi Xisbiga Ammaano Qaran waxa uu Tacsi  la wadagaayaa Qoysaska ay ka baxeen Wiilasha Geesiyaasha ah Ee Naftooda u hur...
10/07/2024

Tacsi

Xisbiga Ammaano Qaran waxa uu Tacsi la wadagaayaa Qoysaska ay ka baxeen Wiilasha Geesiyaasha ah Ee Naftooda u huray Dalkooda Ee Maanta ku geeriyooday Dagaallada ka dhacay Gobalka Jubbada hoose dagaaladaas oo ay la galleen Malleeshiyaadka Argagixisada Al shabaab . Sidoo kale wiilasha ku dhaawacmay dagaalladaas waxaan alle uga rajenaynaa Caafimaad deg deg ah .

Xisbiga Amaano Qaran waxa uu Maamulka Jubbaland ugu baaqayaa in Ciidanka Geesiyaasha laga taxadaro Duurafaha adag oo ay ku Shaqeynayaan iyaga oo Xaq u leh Daryeel Ku Filan si ay u sii laba Jibaaraan Halganka Naf hurnimada leh Ee ay kula Jiraan Maleeleeshiyaadka Argagixisada Al Shabaab .

Xisbiga Amaano Qaran waxa uu Mar walba garab iyo Gaashaan u yahay dhiirin galinta Ciidanka Geesiyaasha Jubba land waxa uuna si aan ka leex leexasho lahayn u bogaadinayaa Sida Naf hurnimada leh Ee ay shacabkooda ugu bixinayaan Dhiigooda.



Wabillahi Towfiiq

Barqo Wanaagsan Dhamaan Taageerayaasha Xisbiga Amaano Qaran  Sidoo kale Dhamaan Umada Soomaaliyeed Ee degan Jubba land w...
06/07/2024

Barqo Wanaagsan Dhamaan Taageerayaasha Xisbiga Amaano Qaran Sidoo kale Dhamaan Umada Soomaaliyeed Ee degan Jubba land wuu u furan yahay Kamid Noqoshada Xisbiga .

05/07/2024

Address

Kismayo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xisbiga Amaano Qaran posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share