Taliska Ciidamada Jubbaland

Taliska Ciidamada Jubbaland Taliska Ciidamada Jubbaland

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Ciidamada Kumaandooska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland ee...
04/01/2026

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab iyo Ciidamada Kumaandooska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland ee Gaashaan ayaa xalay fuliyay howlgallo si xeel dheer loo qorsheeyay oo ka dhacay Degmada Jilib iyo Deegaanka Hargaysa Yareey ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Howlgalladan ayaa lagu bartilmaameedsaday xarumo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad iyo horjoogayaal ka tirsanaa Khawaariijta. Sida ay sheegeen saraakiisha hoggaaminaysay howlgallada, cadowga ayaa lagu gaarsiiyay khasaare baaxad leh.

Saraakiishu waxay sidoo kale xaqiijiyeen in howlgalkan oo cirka iyo dhulka ahaa lagu dilay 17 katirsan Khawaariijta isla markana gacanta lagu dhigay tiro kale oo maxabiis ah.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xaqiijinayo amniga, laguna ciribtirayo khawaariijta.

Address

Kismayo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Taliska Ciidamada Jubbaland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share

Category