17/02/2026
🌙 Ramadaan Kariim 1447H / 2026 🌙
Waxaan hambalyo diirran u dirayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Jubaland meel kasta oo ay joogaan, gudaha iyo dibaddaba, munaasabadda curashada bisha barakaysan ee Ramadaan.
Bisha Ramadaan waa bil huwan naxariis, dembi-dhaaf iyo isu soo dhowaansho ruuxi ah. Waxaan ku boorrinayaa shacabka Jubaland inay xoojiyaan garab istaagga qoysaska nugul iyo dadka ay duruufaha nololeed saameeyeen, gaar ahaan kuwa ay abaaruhu saameeyeen.
Waxaan sidoo kale hambalyo iyo bogaadin gaar ah u dirayaa Ciidammadeenna geesiyaasha ah iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, kuwaas oo har iyo habeen u taagan badbaadinta nafta iyo maalka shacabka. Waxaan ku ammaanayaa dadaalka muuqda ee ay ku bixiyeen sugidda amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada.
Ugu dambayn, waxaan bulshada Jubaland ugu baaqayaa inay ka shaqeeyaan ilaalinta danta guud, xoojinta amniga, midnimada iyo wadajirka.
🤲 Ramadaan Kariim dhammaantiin.