08/05/2026
📍 Kismaayo, Jubada Hoose
🗓 08 May, 2026.
Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubbaland, Avv. Nuuradiin Maxamed Khaliif, ayaa ka qeyb galay xaflad qalinjebin ah oo loo qabtay maxaabiis ku xirneyd Xabsiga Dhexe ee magaalada Kismaayo, kuwaas oo dhammaystay barashada waxbarashada aasaasiga ah iyo xirfadaha farsamada gacanta.
Xafladda ayaa sidoo kale waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Jubbaland, Mudane Cabdiweli Xuseen Jaamac, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ahna Ku-simaha Wasiirka, Mudane Ibraahim Qooshow, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda, Mudane Cabdullaahi Cabdiqaadir Aaden (Qaanuuni), Taliyaha Ciidanka Asluubta, Cabdi Kaafi Dayib, saraakiil ka tirsan Ciidanka Dambi-baarista Booliska, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, dhalinyarada iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Maxaabiista qalinjebisay ayaa la baray xirfado kala duwan oo isugu jiray akhris iyo qoraal, harqaan, koronto iyo farsamooyin kale oo gacanta ah, kuwaas oo loogu talagalay kobcinta xirfaddooda iyo dib-u-dhiska noloshooda si ay uga mid noqdaan bulshada marka ay xabsiga ka baxaan.
Sidoo kale, maxaabiista qalinjebisay ayaa lagu wareejiyay qalabkii ay ku shaqeyn lahaayeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin mashiinnada harqaanka iyo qalabka korontada, si ay ugu suurtagasho inay xirfadaha ay barteen uga faa’iideystaan nolol-maalmeedkooda iyo horumarinta mustaqbalkooda.
Ugu dambeyn, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Jubbaland, Avv. Nuuradiin Maxamed Khaliif, ayaa dardaaran iyo dhiirrigelin u jeediyay maxaabiista qalinjebisay, isaga oo ku boorriyay inay ka faa’iideystaan xirfadaha ay barteen, kana shaqeeyaan dhismaha mustaqbal wanaagsan iyo nolol sharaf leh.
📢 Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Dadweynaha – AGO Jubbaland
📧 Email: [email protected]
🌐 Website: www.agojubaland.so