Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha ee Dowlad Goboledka Jubaland, Somaliya

  • Home
  • Somalia
  • Kismayo
  • Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha ee Dowlad Goboledka Jubaland, Somaliya

Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha ee Dowlad Goboledka Jubaland, Somaliya kusoo dhawaada page-ka rasmiga ah oo ay leedahay Wasaradda Ganacsiga & Warshadaha ee Jubaland. Waxan idin soo gudbin doona wax walba oo ganacsi ku saabsan

KISMAAYO, MAARSO 04, 2026Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland waxay si dhow ula ganacsatada shidaalka qaar kamid...
04/03/2026

KISMAAYO, MAARSO 04, 2026

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland waxay si dhow ula ganacsatada shidaalka qaar kamid ah oo ku dallacay qiimaha shidaalka deegaanada Jubaland iyagoo u sababaynaya dagaalka bariga dhexe iyada oo wasaaraddu ay ogtahay in kaydka shidaalka ee hadda yaalla suuqa uu yahay shidaalkii sicirkii h**e ku yimid ka hor dagaalka.

Sidaas awgeed wasaaraddu waxay uga digaysaa ganacsatadaas inay ka waantoobaan qiimaha ay kor u qaadayaan xilli lagu jiro abaaro ba,an oo dalka sameeyay iyo waliba bishii barakaysnayd ee ramadaan. Wasaaraddu waxay faraysaa laamaha sharci kormooridda, fulinta, iyo dhaqan galinta amarka Wasaaradda.

KISMAAYO, Febraayo 07, 2026Agaasimaha  Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Jubaland, Mudane Idiris Hass...
07/02/2026

KISMAAYO, Febraayo 07, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Jubaland, Mudane Idiris Hassan ayaa kulan gaar ah la yeeshay Hoggaamiyaha Farsamada ee GIZ iyo Mashruuca SEPOW Marwo Janne, iyo kooxdeeda oo Maalmahan ku sugnaa Kismaayo.

SEPOW waa Mashruuc Hormarin Bulsho looguna talagalay inay ka faa'idaystaan 470 Qoys oo ku dhaqan Jubbaland kaas oo la qorshaynayo sanadaha soo socda inuu wax ka badali karo Nolosha danyarta.

Agaasimaha ayaa xusay muhiimada uu leeyahay mashruucan, ugana mahadnaqay hay’adda GiZ taageeraha ay siiso dowladda iyo bulshada Jubalaland.

KISMAAYO, FEBRAAYO 05, 2026Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Jubaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabat...
05/02/2026

KISMAAYO, FEBRAAYO 05, 2026

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Jubaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay kulan looga hadlayay sida ganacsatada yar yar ee dumarka ay uheli karaan daymaha ay bixiyaan bangiyada, loogana fududeen karo shuruudaha qaarkood oo caqabad ku noqda inay helaan daynta bangiga uu bixiyo.

Shirka waxaa kasoo qayb Wasaaradda Maaliyadda, Haweenka, Shaqada iyo Shaqaalaha, Qorahaynta, Cadaaladda, Waxbarashada, Dowladda Hoose ee degmada Kismayo iyo hay’adda qaxootiga Jubaland.

Sidoo kale waxaa goobjoog ahaa Bangiyada ka hool gala Jubaland, maalgakintana usameeya ganacsatada yar yar, oo ay ka mid yihiin Salaama Bank, Amal Bank, IBS, iyo Som Bank.

KISMAAYO, DECEMBER 23, 2025Dowladda Jubbaland oo adkaysay isticmaalka Shilin SoomaaligaDowladda Jubbaland ayaa soo saart...
24/12/2025

KISMAAYO, DECEMBER 23, 2025

Dowladda Jubbaland oo adkaysay isticmaalka Shilin Soomaaliga

Dowladda Jubbaland ayaa soo saartay go’aan rasmi ah oo ku saabsan isticmaalka shilin Soomaaliga, kaas oo ku waajibinaya dhammaan ganacsatada iibisa badeecadaha kala duwan in ay aqbalaan Shilin Soomaaliga. Go’aankan ayaa mamnuucaya in ganacsaduhu diido qaadashada Shilin Soomaaliga, iyadoo lagu adkeeyay in cid kasta oo ku xadgudubta amarkan laga qaadi doono tallaabooyin sharci ah iyo ganaaxyo adag.

Sida ku cad go’aanka, Shilin Soomaaliga ayaa lagu sarrifayaa 30 shilin marka loo eego gacanta h**e, halka gacanta dambe lagu sarrifayo 32 shilin. Dowladda ayaa sheegtay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xoojinayo nidaamka lacagta iyo xasilloonida dhaqaalaha.

Dowladda Jubbaland ayaa ugu dambayn ugu baaqday ganacsatada iyo shacabka in ay si buuxda u dhaqan geliyaan go’aankan.

13/11/2025

Carwo Bandhigeedkii oo soo gabogaboobay

Address

Shalemo Ayan Street
Kismayo

Opening Hours

Monday 08:00 - 17:00
Tuesday 08:00 - 17:00
Wednesday 08:00 - 17:00
Thursday 08:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Telephone

+252770463442

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha ee Dowlad Goboledka Jubaland, Somaliya posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha ee Dowlad Goboledka Jubaland, Somaliya:

Share