16/07/2025
Kismayo-Axad-16-july-2025
Shirka Hoggaanka Sare ee Bahda Caddaaladda Jubbaland ayaa maanta si rasmi ah uga qabsoomay xarunta Taliska Qaybta Booliska Gobolka Jubbada Hoose .
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jubbaland ahna Guddoomiyaha Guddiga adeega garsoorka jubaland Garyaqaan Sheekh Cabdishakuur Sheekh Maxamed Rashiid, agaasimaha guud ee hay'adda Garsoorka Jubaland Mudane Nor Shafi ayaa ka qaybgalay shirka.
Shirkan oo ah kii labaad ee saddexdii biloodba mar la isugu yimaado, ayaa waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin sare oo ay ka mid yihiin:
Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Jubaland , Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Jubbada Hoose, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida, Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada, Taliska Nabad Sugidda, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda.
Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga hadlay guulihii ay bahda caddaaladdu gaartay muddadii la soo dhaafay, caqabadaha wali taagan, iyo sida loo xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha caddaaladda, si loo hormariyo adeegyada cadaaladeed ee shacabka loo hayo. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay istaraatijiyado lagu horumarinayo hannaanka caddaaladda, laguna xoojinayo daahfurnaanta, isla xisaabtanka iyo helitaanka caddaalad loo siman yahay.
Shirka noocan oo kale ah ayaa ah mid lagu xoojiyo is-dhexgalka iyo iskaashiga hay’adaha caddaaladda iyo kuwa amniga, si loo xaqiijiyo adeegyo cadaaladeed oo hufan, isla markaana ku saleysan danta guud ee bulshada.
𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
__________________________________________