Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland

  • Home
  • Somalia
  • Kismayo
  • Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland

Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland Boggani waxaad kala socon kartaa hawlaha Wasaarada xiliga ay dhacayaan, waxaan jecelnahay inaan ku kala warqaadano iskuna saxno hadba wixii aynu ku howlanahay.

Fadlan nagu soo biir.

Ciid wanaagsan dhammaan ummada Muslimka ah. Alle ha innagu gaarsiiyo ciidan ciideeda amni, barwaaqo iyo bash-bash!عيد مب...
26/05/2026

Ciid wanaagsan dhammaan ummada Muslimka ah. Alle ha innagu gaarsiiyo ciidan ciideeda amni, barwaaqo iyo bash-bash!

عيد مبارك 🌙✨

26/05/2026
Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Ismael ayaa deegaan dalxiiseed...
08/05/2026

Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Ismael ayaa deegaan dalxiiseedka Goobweyn qado sharaf ugu sameeyay xubno Lataliyeyaal ah oo Wasaaradda Haweenka kala shaqaynayey dejinta Qorshaha Labaad ee Nabadda iyo Amniga (WPS – Local Action Plan) ee Dowladda Jubbaland.

Munaasabadda qado-sharafta ah ayaa ahayd mid martida lagu bogaadiyay kaalintay ka qaateen wajigii h**e ee qorsha ee la tashiga bulshda qaybaheeda kala duwan iyo Hay'aydaha kala duwan ee dawlada ee ku shaqada leh.

Marwada waxaa marti qaadkan ku wehelinayey Guddoomiyeyaasha Ururrada Haweenka ee Jubbaland.

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
__________________________________________

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Mowfahr1?mibextid=LQQJ4d
Twitter : https://x.com/mowfahr?s=21&t=hnBQHjF5alG1Y_Lz-_BJkQ
Website: http://mowfahr.so
Youtube: https://youtube.com/?si=ikimwmZ8aX_lQ6rH
Email: [email protected]
Instagram: https://www.instagram.com/wasaaradahaweenka?igsh=Z2hiOHBjMDA1eGlj

Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubaland ayaa maanta qabatay shir muhiim ah oo diiradda lagu ...
05/05/2026

Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubaland ayaa maanta qabatay shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray doorka hay’adaha dowladda ee wax ka qabashada rabshadaha ku saleysan jinsiga iyo carruurta.

Shirka oo ay daahfurtay Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Ismael ayaa lagu soo bandhigay doorka ay hay’ad kasta ku leedahay ka hortagga iyo wax ka qabashada rabshadahaas, iyadoo sidoo kale la isla eegay hababka lagu heli karo iskaashi buuxa iyo isku xirnaan dhex marta hay’adaha kala duwan ee dowladda si loo xoojiyo adeegyada loo fidinayo bulshada.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Wasiirka Wasaaradda Amniga, wasiirro iyo kale oo ka tirsan dowladda, Agaasimeyaal iyo masuuliyiin kale.

Mas’uuliyiintii ka hadlay shirka ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada hay’adaha dowladda si loo yareeyo rabshadaha ku saleysan jinsiga iyo tacaddiyada loo geysto carruurta, loona xaqiijiyo badqabka iyo xuquuqda bulshada.

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
__________________________________________

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Mowfahr1?mibextid=LQQJ4d
Twitter : https://x.com/mowfahr?s=21&t=hnBQHjF5alG1Y_Lz-_BJkQ
Website: http://mowfahr.so
Youtube: https://youtube.com/?si=ikimwmZ8aX_lQ6rH
Email: [email protected]
Instagram: https://www.instagram.com/wasaaradahaweenka?igsh=Z2hiOHBjMDA1eGlj

Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Ismael ayaa Kismaayo ka daah-f...
25/04/2026

Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Ismael ayaa Kismaayo ka daah-furtay tababar diiradda lagu saarayo ilaalinta xuquuqda haweenka.

Tababarka oo ay fududeysay Hay’adda Caafimaadka Trocaire ee Soomaaliya, ayeey ujeeddadiisu tahay sare u qaadidda aqoonta howlwadeennada dowladda ee la xiriirta ilaalinta xuquuqda dumarka iyo daryeelkooduba.

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
__________________________________________

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Mowfahr1?mibextid=LQQJ4d
Twitter : https://x.com/mowfahr?s=21&t=hnBQHjF5alG1Y_Lz-_BJkQ
Website: http://mowfahr.so
Youtube: https://youtube.com/?si=ikimwmZ8aX_lQ6rH
Email: [email protected]
Instagram: https://www.instagram.com/wasaaradahaweenka?igsh=Z2hiOHBjMDA1eGlj

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Miski Yussuf ayaa maanta g...
08/04/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Miski Yussuf ayaa maanta gudoomisay shirka saddex biloodlaha ah ee hay'adaha ka shaqeeya arimaha kahor taga (proetecion) iyo tacadiyooynin ka dhanka ah nugulka.

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
__________________________________________

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Mowfahr1?mibextid=LQQJ4d
Twitter : https://x.com/mowfahr?s=21&t=hnBQHjF5alG1Y_Lz-_BJkQ
Website: http://mowfahr.so
Youtube: https://youtube.com/?si=ikimwmZ8aX_lQ6rH
Email: [email protected]
Instagram: https://www.instagram.com/wasaaradahaweenka?igsh=Z2hiOHBjMDA1eGlj

Marwo Cadar Ismael, Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland ayaa xarunta Haweenka e...
07/04/2026

Marwo Cadar Ismael, Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland ayaa xarunta Haweenka ee Kismayo Women Development Centre -KWDC kusoo dhaweysay Dr. Rukaya Mohammed, Madaxa UN Women ee Soomaaliya.

Xaruntan oo ay maamusho Wasaaradda Haweenka ayaa lagu baraa haweenka xirfado kala duwan, si ay uga qayb qaataan go’aan-qaadashada iyo horumarinta noloshooda.

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
__________________________________________

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Mowfahr1?mibextid=LQQJ4d
Twitter : https://x.com/mowfahr?s=21&t=hnBQHjF5alG1Y_Lz-_BJkQ
Website: http://mowfahr.so
Youtube: https://youtube.com/?si=ikimwmZ8aX_lQ6rH
Email: [email protected]
Instagram: https://www.instagram.com/wasaaradahaweenka?igsh=Z2hiOHBjMDA1eGlj

Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Ismael ayaa maanta kulan muhii...
07/04/2026

Wasiirka Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland, Marwo Cadar Ismael ayaa maanta kulan muhiim ah la yeelatay, Dr. Rukaya Mohammed, Madaxa UN Women ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa lagu falanqeeyay xoojinta iskaashiga Wasaaradda iyo UN Women, lana xoojiyo wada-shaqeynta kormeerka iyo qiimeynta (M&E), isla markaana Wasaaradda Haweenka iyo UN Women ay si wadajir ah uga shaqeeyaan ururinta iyo la-falgalka xogaha ku saabsan haweenka, si loo hubiyo oo loo cabbiro horumarka dumarka Soomaaliyeed.

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
__________________________________________

Xafiiska Xiriirka iyo Warbaahinta
Abdullahi Hussein Kilas
[email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Mowfahr1?mibextid=LQQJ4d
Twitter : https://x.com/mowfahr?s=21&t=hnBQHjF5alG1Y_Lz-_BJkQ
Website: http://mowfahr.so
Youtube: https://youtube.com/?si=ikimwmZ8aX_lQ6rH
Email: [email protected]
Instagram: https://www.instagram.com/wasaaradahaweenka?igsh=Z2hiOHBjMDA1eGlj

Address

Aargo
Kismayo
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaarada Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Jubbaland:

Share