10/02/2026
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Baluuga ee Jubaland ayaa si rasmi ah u soo gebagabeysay tababar muhiim ah oo kor loogu qaadayo xirfadaha shaqaalaha wasaaradda, kaas oo la xiriiray maareynta kalluunka, farsamayntiisa, tayada, iyo ilaalinta deegaanka badda.
Tababarkan oo ahaa Tababar la siinayey Tababarayaal loo diyaarinaayey in ay Tababarayaal Noqdaan (ToT) Tababarka ayaa Socday muddo afar maalmood ah, waxaana ka faa’iideystay qaar kamid ah shaqaalaha Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Jubaland. Ujeeddadiisu waxay ahayd in la xoojiyo aqoonta ku saabsan sida saxda ah ee kalluunka loo sii Qabto, loo keydiyo loo hubiyo tayadiisa, isla markaana loo ilaaliyo deegaanka badda si loo horumariyo dhaqaalaha buluugga. Tababarka waxaa hirgeliyay KAAD–Fishtech Joint Venture, waxaana taageeray mashruuca Somalia Horn of Africa Integrated Infrastructure Project (SHIIP) oo ay maalgeliso Bangiga Adduunka (World Bank), iyadoo ay hoggaaminaysay Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga.
Xafladda xiritaanka tababarka oo ka dhacay Maamuus Garden Hotel, Kismaayo, ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiin sare. Tababarka waxaa si rasmi ah u soo xiray Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Jubaland, Mudane Axmed Cumar Xasan Ahmedsaid Omar , oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamuud Cabdi Axmed. Wasiirka ayaa bogaadiyey ka-qeybgalayaasha tababarka, isagoo sheegay in horumarinta kalluumeysiga iyo dhaqaalaha buluugga ay laf-dhabar u tahay kobaca dhaqaale ee Jubaland. Waxa uu sidoo kale adkeeyay in aqoonta ay heleen ka-qeybgalayaashu ay gaarsiin doonaan shaqaalaha kale iyo bulshada kalluumeysiga si loo helo wax-soo-saar tayo leh oo suuqyada gudaha iyo dibadda la gaarsiin karo. Ugu dambeyn, Tababarkaan ayaa ah mid door weyn ka qaadanaya horumarinta kalluumeysiga, shaqo-abuurka, iyo ilaalinta kheyraadka baddaha Jubaland.