Ministry of Humanitarian Affairs and Disaster Management - Jubbaland

  • Home
  • Somalia
  • Kismayo
  • Ministry of Humanitarian Affairs and Disaster Management - Jubbaland

Ministry of Humanitarian Affairs and Disaster Management - Jubbaland The Ministry of Humantrian Affairs & Disaster Management was created 20th May in the year2021.

23/04/2026
Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Jubaland ayaa deeq raashin ah gaarsiisay deegaannada xeebaha, ...
17/04/2026

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Jubaland ayaa deeq raashin ah gaarsiisay deegaannada xeebaha, taas oo aay bixisay dowladda Kuwait, waxaana loogu talagalay in lagu caawiyo qoysaska nugul ee la daalaa dhacaya xaalado nololeed oo adag.

Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Mareeynta Musiibooyinka Jubbaland, Mudane Abdirahman Mohamed Dhiriq ayaa sheegay in gargaarkan uu qeyb ka yahay dadaallada lagu yareynayo saameynta xaaladaha bini’aadantinnimo ee ka jira qaar ka mid ah gobollada.

Wasaaradda Gargaarka ayaa sidoo kale xustay in ay sii wadi doonto dadaallada noocan oo kale ah, iyadoo kaashaneysa hay’adaha caalamiga ah iyo dowladaha saaxiibka ah, si loo hubiyo in gargaar la gaarsiiyo dadka ugu baahida badan.

Ugu dambeyn Wasiir Cabdiraxmaan ayaa u mahad-caliya dowladda Kuwait, ayadoo gargaarkan uu kusoo aaday xilli ay si weyn ugu baahnaayeen dadka danyarta ah.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

π‘Ώπ’‚π’‡π’Šπ’Šπ’”π’Œπ’‚ π‘Ύπ’‚π’“π’ƒπ’‚π’‚π’‰π’Šπ’π’•π’‚ π’Šπ’šπ’ π‘³π’‚π’‡π’‚π’π’ˆπ’‚π’π’Œπ’‚ π‘«π’‚π’…π’˜π’†π’šπ’π’‚π’‰π’‚
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/Mohadmjubbaland?mibextid=LQQJ4d
π“π°π’π­π­πžπ« (𝐗): https://x.com/mohadmjubaland?s=21&t=hnBQHjF5alG1Y_Lz-_BJkQ
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyinka Dowladda Jubaland ayaa maanta qabatay shir wadatashi ah oo udhaxeeya d...
16/04/2026

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Masiibooyinka Dowladda Jubaland ayaa maanta qabatay shir wadatashi ah oo udhaxeeya dowladda Jubaland iyo hay'ddaha Samafalka.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Qorshaynta, Arrimaha Gudaha, Beeraha, Shaqada iyo Shaqaalaha, Amniga, Gudoomiye ku xigeenka Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland iyo Gudoomiye ku xigeenka Arimaha Hormarinta Mashaariicda Gobolka Gedo.

Shirkan oo la xiriiray wadashaqeynta ka dhaxayso hay’addaha dowladda iyo kuwa gargaarka, kaas oo diiradda lagu saarayay arimaha la xariira access-ka iyo caqabadaha ee la kulmaan xiliga ay ku guda jiraan gudashada wajibaadkooda.

Intii uu socday shirka, waxaa su’aalo badan oo la xiriiro arimaha kor ku xusan lagu weydiiyey Agaasimayaashi madasha fadhiyey, ayagoo si hufan ooga jawaabay, waxaana ka dhashay in la qabto shir gaar ah oo ay hogaamineyso Wasaaradda Amniga Gudaha Jubaland.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

π‘Ώπ’‚π’‡π’Šπ’Šπ’”π’Œπ’‚ π‘Ύπ’‚π’“π’ƒπ’‚π’‚π’‰π’Šπ’π’•π’‚ π’Šπ’šπ’ π‘³π’‚π’‡π’‚π’π’ˆπ’‚π’π’Œπ’‚ π‘«π’‚π’…π’˜π’†π’šπ’π’‚π’‰π’‚
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/Mohadmjubbaland?mibextid=LQQJ4d
π“π°π’π­π­πžπ« (𝐗): https://x.com/mohadmjubaland?s=21&t=hnBQHjF5alG1Y_Lz-_BJkQ
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

09/04/2026

Wasiir Abdirahman Mohamed Dhiriq ayaa kawaramaya dadaalladii iyo waxqabadkii Gudiga Abaaraha Jubaland.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubaland iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha ee uu magacaabay H.E Ahmed Mohame...
09/04/2026

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Jubaland iyo Gudiga Gurmadka Abaaraha ee uu magacaabay H.E Ahmed Mohamed Islaam sanadkii 2025 bilowgiisa, isla markaana uu Guddoomiye ka yahay Mudane Abdirahman Mohamed Dhiriq, ayaa tan iyo markii la magacaabay waday gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku sugan degmooyinka iyo deegaannada Jubbaland.

Gudigu waxa uu u istaagay isku-tashi iyo sidii loo badbaadin lahaa ummadda reer Jubbaland ee abaaruhu ka saameeyeen noloshii iyo xoolihii ay ku tiirsanaayeen. Waxa ay gaarsiiyeen dhammaan degmooyinka iyo deegaannada Jubbaland gargaar kala duwan oo lagu badbaadinayo nolosha dadkaasi.

Dadaal dheer kadib, Gudigu wuxuu maanta qabtay kulan mahadcelin iyo soo afmeerid iskugu jiray, oo ay kasoo qeybgaleen xubnaha labada gole ee Dowladda, maamulka degmooyinka, odayaasha dhaqanka, agaasimayaal, culimo iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Isu imaatinkaan ayaa waxaa lagu soo bandhigay dadaalladii iyo waxqabadkii gudiga tan iyo markii la magacaabay, iyo sida loogu guuleystay gurmadka dadka ay abaaruhu saameeyeen.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

π‘Ώπ’‚π’‡π’Šπ’Šπ’”π’Œπ’‚ π‘Ύπ’‚π’“π’ƒπ’‚π’‚π’‰π’Šπ’π’•π’‚ π’Šπ’šπ’ π‘³π’‚π’‡π’‚π’π’ˆπ’‚π’π’Œπ’‚ π‘«π’‚π’…π’˜π’†π’šπ’π’‚π’‰π’‚
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/Mohadmjubbaland?mibextid=LQQJ4d
π“π°π’π­π­πžπ« (𝐗): https://x.com/mohadmjubaland?s=21&t=hnBQHjF5alG1Y_Lz-_BJkQ
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland oo kaashanaysa Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa soo gabagabeysay...
07/04/2026

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland oo kaashanaysa Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa soo gabagabeysay qaybin gargaar noocyo kala duwan leh oo loogu talagalay 𝟏𝟐,𝟎𝟎𝟎 oo qoys oo ay abaartu si daran u saameysay.

Deeqdan oo ay bixisay Dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaradka Carabta ayaa ka kooban raashin muhiim ah sida bur, bariis, saliid iyo sonkor, si loo taageero qoysaska nugul ee ku nool deegaanada Jubaland.

Qaybinta gargaarka ayaa si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Kismaayo taariikhdu markey ahayd 3/24/26.

Gargaarkan ayaa si tartiib tartiib ah loo gaarsiinayey dhammaan deegaanada Jubaland ee ay abaartu saameysay.

β€’ KIsmaayo 3,000 oo qoys

β€’ Ceelwaaq 1,000 qoys

β€’ Raaskambooni 1,200 qoys

β€’ Dhoobley 1,000 qoys

β€’ Afmadow 1,000 qoys

β€’ Luuq 1,000 qoys

β€’ Yurkud 1,000 qoys

β€’ Kudhaa 400 qoys

β€’ Kulbiyoow 800 oo qoys

β€’ Doolow 1,000 qoys

β€’ Madhawa 300 oo qoys

β€’ Buurgaabo 300 oo qoys

Qaybintan gargaarka ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu gaarsiinayo gargaar dadka ay abaartu saameysay ee Jubaland, iyadoo la sii wadi doono gaarsiinta deeqaha meelaha kale ee u baahan.

Dowladda Jubaland ayaa uga mahadcelinaysa Dowladda Imaaradka Carabta taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay shacabka Jubaland.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

π‘Ώπ’‚π’‡π’Šπ’Šπ’”π’Œπ’‚ π‘Ύπ’‚π’“π’ƒπ’‚π’‚π’‰π’Šπ’π’•π’‚ π’Šπ’šπ’ π‘³π’‚π’‡π’‚π’π’ˆπ’‚π’π’Œπ’‚ π‘«π’‚π’…π’˜π’†π’šπ’π’‚π’‰π’‚
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/Mohadmjubbaland?mibextid=LQQJ4d
π“π°π’π­π­πžπ« (𝐗): https://x.com/mohadmjubaland?s=21&t=hnBQHjF5alG1Y_Lz-_BJkQ
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa si rasmi ah usoo gabagabeey...
05/04/2026

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland iyo Guddiga Gurmadka Abaaraha ayaa si rasmi ah usoo gabagabeeyey qaybin gargaar noocyo kala duwan leh oo la gaarsiinayey 𝟏𝟐,𝟎𝟎𝟎 oo qoys, kuwaas oo ay Dowladda aan Walaalaha nahay ee Imaaradka Carabta ugu deeqday dadka ay abaartu saameysay ee ku nool Jubaland.

Deeqdan raashinka ah oo ka kooban bur, bariis, saliid iyo sonkor ayaa intii ugu dambeysay laga bixiyey degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaas oo loo gaarsiiyey 𝟏,𝟎𝟎𝟎 oo qoys, si loogu aageero dadka nugulka ah ee ay abaartu saamaysay.

Munaasabada soo afmeerida waxaa goobjoog ka ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka, Mudane Mohamed Osman Jama oo uu wehliyo Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Doolow, Aadan Barre Cali.

Dowladda Jubaland waxay uga mahadcelinaysaa Dowladda aan walaalaha nahay ee Imaaradka Carabta taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo shacabka Jubaland.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

π‘Ώπ’‚π’‡π’Šπ’Šπ’”π’Œπ’‚ π‘Ύπ’‚π’“π’ƒπ’‚π’‚π’‰π’Šπ’π’•π’‚ π’Šπ’šπ’ π‘³π’‚π’‡π’‚π’π’ˆπ’‚π’π’Œπ’‚ π‘«π’‚π’…π’˜π’†π’šπ’π’‚π’‰π’‚
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/Mohadmjubbaland?mibextid=LQQJ4d
π“π°π’π­π­πžπ« (𝐗): https://x.com/mohadmjubaland?s=21&t=hnBQHjF5alG1Y_Lz-_BJkQ
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

04/04/2026

Gudoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Doolow, Aadan Barre Ali oo u mahadceliyey Wasaaradda Gargaarka Jubaland oo halkaasi gaarsiisay deeq raashin ah oo la siiyey 1,000 qoys.

04/04/2026

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka Jubaland, Mudane Mohamed Osman Jama ayaa Degmada Doolow ee Gobolka Gedo ka qeybiyey deeq raashiin ah oo ay ka faa'iideysteen dad danyar ah oo halkaas kunool.

02/04/2026

Mudane Abdirahman Mohamed Dhiriq, Wasiirka Wasaarada Gargaarka Dowlada Jubaland ayaa deeq raashin ah gaarsiiyay 800 qoys oo ku nool deegaanka Kulbiyoow ee degmada Badhaadhe.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyiinka Jubbaland ayaa deegaanka Kolbiyow oo ka tirsan Degmada Badhaadhe ee Go...
02/04/2026

Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyiinka Jubbaland ayaa deegaanka Kolbiyow oo ka tirsan Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose deeq raashiin ah ugu qaybisay 800 qoys oo ah dadka danyarta ah ee ay abaaruhu saamaynta ku yeesheen.

Wasiir Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyiinka Jubbaland, Mudane Abdirahman Mohamed Dhiriq ayaa goob joog ka ahaa raashiin qaybintan, iyadoo dadkii ugu mudnaa loo qaybiyay - cuno ka kooban Bur, Bariis, Sokor iyo Saliid.

Wasaaradda Gargaarka ayaa degmooyiinka iyo deegaanada Jubbaland ka bixinaysa gargaarkan oo ay Dowladda Isu-tagga Imaaraatka Carabta ugu talagashay shacabka Jubbaland, oo ay u qoondeeysay in 12-kun oo qoys oo danyar ah la gaarsiiyo raashiin ay muddo dheer isticmaali karaan.

πƒπ‡π€πŒπŒπ€π€πƒ
__________________________________________

π‘Ώπ’‚π’‡π’Šπ’Šπ’”π’Œπ’‚ π‘Ύπ’‚π’“π’ƒπ’‚π’‚π’‰π’Šπ’π’•π’‚ π’Šπ’šπ’ π‘³π’‚π’‡π’‚π’π’ˆπ’‚π’π’Œπ’‚ π‘«π’‚π’…π’˜π’†π’šπ’π’‚π’‰π’‚
[email protected]
π…πšπœπžπ›π¨π¨π€: https://www.facebook.com/Mohadmjubbaland?mibextid=LQQJ4d
π“π°π’π­π­πžπ« (𝐗): https://x.com/mohadmjubaland?s=21&t=hnBQHjF5alG1Y_Lz-_BJkQ
π„π¦πšπ’π₯: [email protected]

Address

Kismayo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry of Humanitarian Affairs and Disaster Management - Jubbaland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ministry of Humanitarian Affairs and Disaster Management - Jubbaland:

Share