Ministry of Planning, Investment and International Cooperation-Jubaland

  • Home
  • Somalia
  • Kismayo
  • Ministry of Planning, Investment and International Cooperation-Jubaland

Ministry of Planning, Investment and International Cooperation-Jubaland Ministry of Planning, Investment and International Cooperation of Jubaland state of Somalia.

09/09/2026

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa sanadkan ka mid noqday shakhsiyaadka shaqadooda iyo dadaalkooda lagu aqoonsaday Icons of Change International Awards 2026, waxaana lagu maamuusi doonaa abaalmarintan caalamiga ah.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland, Mudane Farax Mu...
07/09/2026

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland, Mudane Farax Mukhtaar Daauud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday Hay’adda Save the Children.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxaysa Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland iyo Hay’adda Save the Children, gaar ahaan mashaariicda h**e u socday iyo kuwa cusub ee la qorsheynayo in si wadajir ah loo hirgeliyo.

Kulanka waxaa Wasiir Ku-xigeenka ku wehliyay qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland.
Ugu dambeyn, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta, Mudane Farax Mukhtaar Daauud, ayaa uga mahadceliyay Hay’adda Save the Children wada-shaqeynta iyo taageerada ay la garab taagan tahay Dowladda Jubbaland, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga labada dhinac.

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay ...
06/09/2026

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabatay kulan tababar ah oo lagu xoojinayo aqoonta iyo awoodda qaar ka mid ah wasaaradaha Dowladda Jubbaland ee ku aaddan adeegsiga xogta iyo qalabka Multiple Indicator Cluster Survey (MICS).

Tababarkan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa fahamka iyo adeegsiga xogta MICS, gaar ahaan muhiimadda ay xogtaasi u leedahay qorsheynta, dejinta siyaasadaha, la socodka adeegyada bulshada iyo qaadashada go'aanno ku saleysan xog sugan.

Kulanka ayaa si rasmi ah u daahfuray Agaasimaha Maamulka, Maaliyadda iyo Shaqaalaha, ahna Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubbaland, Mudane Cabdiraxmaan Xasan Maxamed.

Agaasimaha ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda ay yeeshaan awood ku filan oo ay ku fahmaan, ku falanqeeyaan, uguna adeegsadaan xogta la heli karo, si loo helo qorshayaal iyo siyaasado si dhab ah uga jawaabaya baahiyaha bulshada.

Intii uu socday tababarku, ka-qaybgalayaashu waxay heleen aqoon iyo faham ku saabsan hababka loo isticmaalo xogta MICS, sida loo akhriyo loona fasirto xogta, iyo sida loogu dabaqi karo qorshaha horumarinta Jubaland

Qaar ka mid ah ka-qaybgalayaasha tababarkan muhiimka ah ayaa sheegay in aqoonta ay ka heleen kulanka ay wax weyn ka tari doonto shaqadooda, gaar ahaan marka ay timaaddo fahamka xogta iyo ka faa’iidaysigeeda.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland ay ku xoojinayso awoodda hay’adaha dowladda ee dhinacyada xogta, qorsheynta iyo la socodka horumarka, si loo gaaro adeegyo bulsho oo tayo leh iyo horumar waara.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland, Mudane Faarax M...
01/09/2026

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland, Mudane Faarax Mukhtaar Daauud, oo ay weheliyaan qaar kamid ah agaasime-waaxeedyada Wasaaradda, ayaa xarunta Wasaaradda kulan kula qaatay hay’adaha Swis Development Cooperation Agency, oo ay hogaaminaysay Hay'adda ACTED, sidoo kale waxaa kulanka qayb ka ahaa NRC iyo hay’ado kale oo ka howlgala Jubbaland.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta u dhexeysa Dowladda Jubbaland iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha horumarinta iyo gargaarka, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay mudnaanta iyo baahiyaha ugu muhiimsan ee bulshada, iyo sidii loo dardargelin lahaa mashaariicdii h**ey uga socday deegaanada Jubbaland.

Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubaland waxay u mahadcelinaysaa Hay'adda ACTED sida wanaagsan ay ula shaqeeso Dowladda Jubaland, maanta isku soo dubariday kulanka deeq bixiyaasha caalamiga ah.

Wasaaradda ayaa hay’adaha uga dhageysatay qorshayaasha iyo howlaha ay ka wadaan Jubbaland, xilli ay hoos u dhac ku yimaadeen deeqihii caalamiga ahaa, taas oo saameyn ku yeelatay qaar kamid ah barnaamijyada gargaarka iyo horumarinta.

Dhanka kale, Wasiir Ku-xigeenka ayaa hay’adaha ka warbixiyay qorshaha Dowladda Jubbaland ee ku aaddan sidii looga faa’iideysan lahaa khayraadka iyo fursadaha ka jira deegaanada Jubbaland, iyadoo sidoo kale muhiimad gaar ah la siinayo isku-duwidda howlaha hay’adaha iyo yareynta hay’adaha isku midka ah ka wada shaqeeya hal goob ama hal adeeg.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaabooyinkan looga golleeyahay in bulshada Jubbaland ay si hufan oo isku dheelli tiran uga faa’iideysato adeegyada ay bixiyaan hay’adaha kala duwan.

Kulanka ayaa sidoo kale looga wada hadlay mudnaanta iyo qorshayaasha Dowladda Jubbaland, iyadoo laga duulayo Qorshaha Horumarinta Jubbaland, waxaana la isku raacay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda howlaha hay’adaha.

Sidoo kale, waxaa la isla qaatay in deeqaha iyo taageerada caalamiga ah lagu jiheeyo mashaariicda iyo howlaha mudnaanta u leh Dowladda Jubbaland iyo baahiyaha dhabta ah ee bulshada.

Markii uu kulanka soo dhammaaday, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubbaland, Mudane Faarax Mukhtaar Daauud, ayaa warbaahinta uga warbixiyay qodobadii looga hadlay kulanka iyo natiijadii laga gaaray.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Jubbaland, Mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa Xarunta Madaxtooyada J...
27/08/2026

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Jubbaland, Mudane Sheekh Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan, ayaa Xarunta Madaxtooyada Jubbaland kulan muhiim ah kula yeeshay madax ka socotay Hay’adda NRC, oo ka howlgasha Jubbaland.

Kulanka oo ay ka qeyb galeen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka, Maareynta iyo Masiibooyinka, ayaa si qoto dheer looga hadlay xaaladda bini’aadantinimo, xoojinta gargaarka iyo baahiyaha dadka nugul.

Sidoo kale, waxaa xoogga la saaray sidii dadka barakacayaasha ah loogu heli lahaa deegaan ammaan ah, hoy ku filan iyo adeegyo aasaasi ah, iyadoo la adkeeyay muhiimadda iskaashiga Dowladda iyo hay’adaha samafalka.

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubaland ayaa qabatay kulan wadatashi oo ku saabsan Is...
19/08/2026

Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubaland ayaa qabatay kulan wadatashi oo ku saabsan Isku Xirka iyo Maareynta Deeqaha ee Jubaland.

Kulanka ayaa waxaa furay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah, ahna Kusimaha Wasiirka, iyadoo ay ka soo qayb galeen hay’adaha kala duwan ee Dowladda Jubaland iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Kulankan oo ahaa mid wax-ku-ool ah ayaa fursad muhiim ah u ahaa ka-qaybgalayaasha in ay ka doodaan, aragtiyo iyo talooyin ka bixiyaan sidii loo xoojin lahaa isku-xirka, hufnaanta iyo maareynta deeqaha, loona waafajin lahaa taageerada horumarineed mudnaanta iyo qorshayaasha Dowladda Jubaland.

Wasaaraddu waxay bogaadinaysaa ka-qaybgalka iyo talooyinka wax-ku-oolka ah ee ay bixiyeen dhammaan hay’adihii iyo daneeyayaashii ka qayb galay kulanka.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubaland, mudane Faarax Mukhtaar Da...
13/08/2026

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubaland, mudane Faarax Mukhtaar Daa’uud ayaa kulan la qaatay madax ka socotay Hay’adda Arche Nova.

Kulanka ayaa looga hadlay howlaha horumarineed ee hay’addu ka waddo Jubaland, mashaariicda socda, kormeerka iyo dabagalka mashaariicda, iyo xoojinta wada-shaqeynta ka dhaxaysa Dowladda Jubaland iyo hay’adda.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isla eegay sidii loo sii xoojin lahaa isku-duwidda, wada-shaqeynta iyo hufnaanta howlaha horumarineed ee ka socda Jubaland

Kismayo, 10 August 2026: Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubaland ayaa maanta...
10/08/2026

Kismayo, 10 August 2026: Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Jubaland ayaa maanta magaalada Kismaayo ku qabatay munaasabadda daahfurka Siyaasadda Isku-dubbaridka iyo Maareynta Deeqaha Jubaland.
Munaasabadda waxaa si rasmi ah u furay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, ahna Ku-simaha Wasiirka Wasaaradda, Mudane Faarax Mukhtar Daud. Waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Wasiirro, Agaasimayaal Guud, Agaasime-waaxeedyo, xubno ka socday hay’adaha Qaramada Midoobay, hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah, iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Intii ay socotay munaasabadda, waxaa lagu soo bandhigay aragtida, ujeeddooyinka iyo muhiimadda Siyaasadda Isku-dubbaridka iyo Maareynta Deeqaha, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray xoojinta hoggaaminta Dowladda, isku-dubbaridka taageerada horumarineed, hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo waafajinta deeqaha iyo mashaariicda mudnaanta horumarineed ee Jubaland.

Sidoo kale, waxaa la adkeeyey isku-xirnaanta siyaasaddan iyo Qorshaha 3aad Horumarinta Jubaland (State Development Plan-III) 2026–2030, si loo hubiyo in taageerada iyo khayraadka horumarineed ee la helo ay si wax-ku-ool ah ugu jihaysnaadaan mudnaanta iyo baahiyaha horumarineed ee Dowladda Jubaland.

Munaasabadda waxaa khudbado iyo hadallo muhiim ah ka jeediyey mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socday hay’adaha Dowladda iyo bah-wadaagta horumarinta. Hadalladooda waxay diiradda ku saareen muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga, wada-shaqaynta iyo isku-dubbaridka u dhexeeya Dowladda Jubaland iyo bah-wadaagta horumarinta, si loo gaaro natiijooyin horumarineed oo la taaban karo.

Daahfurka siyaasaddan wuxuu astaan u yahay tallaabo muhiim ah oo Dowladda Jubaland u qaaday dhanka xoojinta nidaamka isku-dubbaridka iyo maareynta deeqaha, kor u qaadista hufnaanta iyo isla-xisaabtanka, iyo hubinta in taageerada horumarineed loo waafajiyo mudnaanta Dowladda iyo himilooyinka Qorshaha Hormarinta Jubaland.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubaland, Mudane Maxamed Wali Shiik...
28/07/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubaland, Mudane Maxamed Wali Shiikh Cali, ayaa shir guddoomiyey Kulanka Dib-u-eegista Bartamaha Sanadka (Mid-Year Review Meeting), kaas oo ay ka soo qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan mashaariicda ah taageerto UNICEF, shaqaale ka socday hay’adda UNICEF, iyo hay’adaha bahwadaagta la ah UNICEF.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista heerka uu marayo fulinta mashaariicda sannadka, qiimeynta waxqabadka la gaaray, caqabadaha jira, casharada laga bartay iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhexeysa UNICEF, wasaaradaha dowladda iyo hay’adaha bahwadaagta ah si loo dardargeliyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee Jubaland.

07/07/2026

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubaland, mudane Cabdirahman Cabdi Axmed ayaa ka qayb galay Doodda Heer Sare ee Hantida Qaranka iyo Tartanka Caalamiga ah, oo lagu qabtay munaasabadda boqol-guurada Kenya School of Government.

Madashan oo ay isugu yimaadeen madax Afrikaan ah, wasiirro, safiiro, diblomaasiyiin iyo khubaro caalami ah, ayaa diiradda lagu saaray dhismaha hantida qaranka, kobaca dhaqaalaha iyo kor u qaadista tartanka caalamiga ah.

Sidoo kale, waxaa lagu soo bandhigay waayo-aragnimada dalal ku guulaystay hal-abuurka, kobaca dhaqaalaha iyo tartanka caalamiga ah, sida Singapore, Azerbaijan, Shiinaha, Faransiiska, Talyaaniga iyo Kuuriyada Koonfureed, si looga faa’iidaysto casharro wax ku ool ah.

Address

Kismayo Main Road Opposite Agan Hotel Inside Ministry Of Finance Compound
Kismayo
252

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:00
Tuesday 08:00 - 16:00
Wednesday 08:00 - 16:00
Thursday 08:00 - 13:00
Saturday 08:00 - 16:00
Sunday 08:00 - 16:00

Telephone

+252612166809

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry of Planning, Investment and International Cooperation-Jubaland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ministry of Planning, Investment and International Cooperation-Jubaland:

Shortcuts

Share