Hay'adda Tayo-dhowrka Jubaland

Hay'adda Tayo-dhowrka Jubaland Kusoo dhawaada Page-ka Rasmiga ah ee Hay'adda Jaangoynta & Tayodhowrka dowladda Jubaland.

 .
15/12/2022

.

26-11-2022  Kismayo Jubalad Somali Agaasimaha guud ee hay'ada tayodhowrka Dowladda Jubaland mudane ibrahim abukar mohame...
26/11/2022

26-11-2022 Kismayo Jubalad Somali

Agaasimaha guud ee hay'ada tayodhowrka Dowladda Jubaland mudane ibrahim abukar mohamed ayaa maanta ka qayb galay shir uu so qaban qaabiyay wakiilka jubaland ee SUN Movement shirka oo looga hadlayay beerista cunooyinka kala duwan si loo helo cuno isku dheelitiranm.

Inti uu shirka socday ayaa agaasimaha wuxuu ka hadlay faidada ay leedahay in ganacsatada somaliyeed lagu dhiiri galiyo beeraha, si loo yareeyo cunooyinka banaanka ka imaanaya ee waqtiga badan kaydka ahayd taas oo tayo ahaan ka hoosaysa midda fireeshka ah ee dalka ka baxda.

27/09/2022
22/05/2022

Agaasimaha Guud ee Hay'adda Tayo-dhawrka Jubbaland ayaa ka warbixiyay sida dar darta leh ee ay usocoto shaqada Hay'adda

Agaasimaha Hay'adda Tayo-dhowrka Jubaland  md Ibrahim Abukar Mohamed ayaa maanta waxa uu kulan soo dhawayn iyo isxog war...
04/05/2022

Agaasimaha Hay'adda Tayo-dhowrka Jubaland md Ibrahim Abukar Mohamed ayaa maanta waxa uu kulan soo dhawayn iyo isxog waraysi ah layeeshay Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Jubaland md Abdishukri Arab oo ay mardhow Gudiga shaqada iyo shaqaalaha Jubaland usoo badaleen wasaaradda ganacsiga.

Waxaa xusid mudan in Dowladda Jubaland hormuud unoqotay sidii shacabka soomaaliyeed looga bad baadin lahaa wax walbo oo tayadooda hoosayso isla markaana dhibaato ugaysan kara shacab waynaha Jubaland waxayna Jubaland noqotay dowlad goboleedki ugu horeeyay ee hirgilaya hay'ad tayodhowr oo shaqadeeda tahay hubinta tayada wax walba oo jubaland sogalaya ama kabaxaya iyo hormarinta tayada wax walba oo lagu sameeyo jubaland gudaheeda.

Ramadaan kareem Agaasimaha guud ee Hay'adda Tayodhowrka Dowladda Jubaland md Ibrahim Abukar Mohamed  oo kuhadlaya magaca...
01/04/2022

Ramadaan kareem

Agaasimaha guud ee Hay'adda Tayodhowrka Dowladda Jubaland md Ibrahim Abukar Mohamed oo kuhadlaya magaca dhammaan howl wadeenada Hay'adda tayodhowrka Dowladda Jubaland waxa uu ugu Hambalyaynayaa dhamaan umadda Muslimiinta Gaar ahaan Umadda Somaliyeed iyo Shacabka Jubaland Munaasabadda Ramadaanka ee barito ay noqonayso maalinti ugu horeyse.

14/02/2022

Mudadi ay jirtay hay'adda tayodhowrka jubaland waxaa wax lagu faano ah in dowladda Jubaland ay dadaal badan kubixisay sidii shacabka jubaland waxay cunayan cabayan ama isticmaalayaan unoqon lahayd wax ay dowladooda ka hubisay la iskuna halayn karo.

Agaasimaha guud ee Hay'adda oo faah faahin kooban kabixiyay shaqada ay hay'adda uhayso shacabka Dowladda Jubaland.

10/02/2022

Hay'adda tayodhowrka ee dowladda Jubaland waxay ku bogaadinaysaa Shirkada JQCS sida hufnaanta iyo howlkarnimada leh ee ay ugu adeegayaan shacabka dowladda Jubaland ayadoo maanta magalada Kismayo lagu gubay badeeco ka hoosayso halbeegi loogu talo galay in lagu cabiro badeecadaha soo gala dhamaan dowladda Jubaland.

AGAASIMAHA OO LAKULMAY GUDOOMIYAHA DEGMADA KISMAAYO.Kismayo, 16-Jannaayo-2022- Agaasimaha guud ee Hay'adda Tayo-dhowrka ...
16/01/2022

AGAASIMAHA OO LAKULMAY GUDOOMIYAHA DEGMADA KISMAAYO.

Kismayo, 16-Jannaayo-2022- Agaasimaha guud ee Hay'adda Tayo-dhowrka Jubaland Mudane Ibrahim Abukar Mohamed ayaa maanta lakulmay Gudoomiyaha Dowladda Hoose Ee Degmada Kismaayo Mudane Cumar Cabdullahi Faraweyne.

Agaasimaha oo ay weheliyeen qaar kamid ah Musuuliyiinta Hay'adda ayaa waxa uu Gudoomiyaha la wadaagay shaqada ay Hay'adda uheyso Shacabka Jubaland khaasatan Degmada Kismayo.

Ugu dambayn Gudoomiyaha ayaa balanqaaday inay xoojin doonaan wada shaqaynta Hay'adda Tayp-dhowrka iyo Degmada Kismaayo kuna amaanay shaqa ay Hay'addu ay u hayso Shacabka Dowladda Jubaland

DHAMMAAD.

Wixii faahfaahin ah Fadlan kala xiriir;

Yahye Hussein Hassan
Xafiiska Warfaafinta Hay'adda Tayo-dhowrka Jubaland.
E-mail: [email protected]
Facebook: https://www.facebook.com/Jubaland.Quality.control

11/01/2022

Kulan ay yeesheen masuuliyiinta ururka saxafiyiinta Dowladda Jubaland iyo hay'adda Tayodhowrka Jubaland ayuu Agaasimaha guud ee Hay'adda Tayodhowrka Dowladda Jubaland md Ibrahim Abukar Mohamed kaga hadlay shaqada ay hay'adda Tayodhowrka Qabato iyo sida loo dar dargalin lahaa wada shaqaynta hay'adda iyo saxafiyiinta Jubaland.

Kismayo Jubaland Somalia 10_01_2022Agaasimaha guud ee hay'ada Tayodhowrka Dowladda Jubaland mudane Ibrahim Abukar Mohame...
10/01/2022

Kismayo Jubaland Somalia 10_01_2022

Agaasimaha guud ee hay'ada Tayodhowrka Dowladda Jubaland mudane Ibrahim Abukar Mohamed oo uu wehelinayo Agaasimaha waaxda baaritaanada (inspection) ee hay'adda Tayodhowrka mudane Ahmed ibrahim ali ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin kasocotay ururka suxufiyiinta Jubaland oo u hor kacayay gudoomiyaha ururka md Khadar Iimaan Dhaqane .

Kulanka oo isbarasho ahaa ayaa waxa uu Agaasimaha kala hadlay masuulyiinta sidi ay labada dhinac uwada shaqayn lahaayeen isagoona ku booriyay in ay shaqadooda laba jibaaraan maadama uu gudiga cusubyahay mardhowna la aas aasay.

Address

Faanoole
Kismayo
274149

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hay'adda Tayo-dhowrka Jubaland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Hay'adda Tayo-dhowrka Jubaland:

Share