07/08/2025
Hay'adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Jubbaland ayaa degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada hoose ku qabatay tababar ku saabsan ka hortagga musuqmaasuqidda mucaawinada dadka Barakacayaasha ah, iyadoo kulanka si wayn lisugu weydaarsaday habka looga hortagi karo in gargaarka loogu talagalay dadka danyarta ah la leexsado ama si qaldan looga faa'iideysto.
Kulankan muhiimka ah ayaa waxaa kasoo qayb galay Mamulka degmada Dhoobley, Bahda Cadaaladda, laamaha Amniga, Hay'adaha samafalka, Guddiga Barakacayaasha iyo Wasaarada Hawenka iyo xuququl insanka Jubbaland.
Hay'adda JUCRI ayaa muddo dheer ku howlanayd sidii dadka looga wacyigalin lahaa in si aan haboonayn loogu takrifalo deeqaha ay bixiyaan hay'adaha caalamiga ah, iyadoo muddo dheer waday wacyigalino howshaasi la xiriira.