Wasaarada Warfaafinta Jubaland

Wasaarada Warfaafinta Jubaland Welcome to the official account of the Ministry of Information, Culture & Tourism of Jubaland.

PRESS RELEASEJubaland strongly condemns the airstrike carried out last night by Turkish military aircraft in Doolow Dist...
04/09/2026

PRESS RELEASE

Jubaland strongly condemns the airstrike carried out last night by Turkish military aircraft in Doolow District, Gedo Region. The attack directly targeted the residence of Mahad Abdirahman Adan, former Commander of the Federal Government's Custodial Corps. Jubaland believes that he was targeted solely because of his differing political views. Two missiles were fired during the attack, one of which struck the residence of the Chairman of Doolow District in Gedo Region.

The attack injured former Custodial Corps Commander Mahad Abdirahman Adan and four other civilians. Doolow has remained largely free from serious security incidents for more than a decade. Striking the town with missiles in the middle of the night and causing harm to innocent civilians constitutes, in the view of the Jubaland, a war crime for which the outgoing President and the Government of Türkiye, whose aircraft carried out the strike, must be held accountable.

Türkiye has effectively allowed its military capability to be used against individuals who hold political views different from those of the outgoing President. This grave act reflects the dangerous direction in which the outgoing President, who continues to remain in office without legal legitimacy, together with the Government of Türkiye that supports him, is taking the country. The damaging consequences and dangerous precedent created by such actions have become increasingly evident.

Jubaland calls on all stakeholders in Somalia, including the United Nations, African Union, IGAD, United States, and European Union, to give serious attention to Türkiye's unprecedented involvement in this incident, which serves neither the interests of the Somali people nor the stability of the wider region.

Jubaland further calls on the United Nations to urgently reconsider the decision to lift the arms embargo on Somalia until a responsible government is in place and reliable mechanisms are established to ensure the proper control, management, and accountability of weapons provided to Somalia by the international community.

Finally, this action seriously undermines Türkiye's ability to be regarded, going forward, as a credible participant in efforts to resolve or mediate Somalia's internal political disputes. It also risks obstructing dialogue and efforts to bring together Somalis with differing political views, as Türkiye has demonstrated that it is fully aligned with one side of the political divide.

END

WAR-SAXAAFADEEDDowladda Jubaland waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarka duqaynta ee xalay diyaaradaha dagaalka ee Dowl...
04/09/2026

WAR-SAXAAFADEED
Dowladda Jubaland waxay si adag u cambaaraynaysaa weerarka duqaynta ee xalay diyaaradaha dagaalka ee Dowladda Turkiga ay fuliyeen Degmada Doolow ee Gobolka Gedo. Weerarkan bahalnimada ah wuxuu si toos ah u beegsaday Guri uu degganaa Taliyihii h**e ee Ciidanka Asluubta Dowladda Federaalka ah Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo sababta Dowladda Federaalka ah iyo Turkigu ay u beegsanayeen ay ahayd oo kaliyah in uu kaga aragti duwanaaday dhinaca Siyaasada iyadoo gantaalada ay diyaaradu tuurtay oo labo ahaa mid kamid ah uu ku dhacay guriga Gudoomiyaha Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Weerarkan waxaa ku dhaawacmay Taliyihii h**e ee Ciidanka Asluubta Dowladda Federaalka ah Mahad Cabdiraxmaan Aadan, iyo afar Qof oo kale oo shacab ah.

Magaalada Doolow oo ahayd magaalo ka caagan falalka amni-darada ah dhowr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay, in saqdhexe gantaalo lagu garaaco oo ay ku waxyeelooban dad aan Waxba galabsan Waa danbi dagaal oo ay tahay in lagula Xisaabtamo Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaaday iyo Dowladda Turkiga oo ah cida lahayd Diyaarada weerarka fulisay isla markana noqotay aalad Madaxweynaha Wakhtigiisu dhamaaday uu u adeegsado dadka ka fikir duwan.

Ficilkan wuxuushnimada ah wuxuu astaan u yahay sida Madaxweynaha sharci darada xukunka ku jooga iyo Dowladda tunka ku wadata ee Turkiga ay meel halis ah ugu sii wadaan dalka, taas oo wakhti horaba la sii arki karay saamaynta iyo caadooyinka xun ee ay dalkeenna ku reebayan.

Dowladda Jubaland waxay ugu baaqaysaa dhammaan daneeyayaasha Soomaaliya sida Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, IGAD, Maraykanka iyo Midowga Yurub in il gaar ah lagu eego falalka aan caadiga ahayn ee Turkigu qaybta ka yahay, taas oo aanay ku jirin danta dadka Soomaaliyeed iyo mida gobolka.
Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa Qaramada Midoobay in ay sida ugu dhakhsiyaha badan dib ugu eegaan go’aankii Soomaaliya lagaga qaaday cunaqabataynta hubka, inta laga helayo dowlad mas’uul ah iyo gacmo lagu aamini karo hubka ay dowladaha caalamku ugu deeqayaan Soomaaliya.

Ugu danbayntii talaabadan waxay horseedaysa in Dowladda Turkiga aan loo arki doonin wixii hada ka danbeeya inay qeyb ka noqon karto dadaalada xal raadinta iyo dhexdhexaadinta Arrimaha gudaha Soomaaliya isla markana ay caqabad ku tahay wada hadalada iyo isku raadinta dadka Kala aragtida duwan ee Soomaaliyeed maadama ay cadaysatay in garab buuxa u tahay dhinac gaar ah.
DHAMMAAD

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Jubaland, Mudane Abdifatah Mohamed Mukhtar, ayaa ka ...
26/08/2026

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Dowladda Jubaland, Mudane Abdifatah Mohamed Mukhtar, ayaa ka qaybgalay kulan muhiim ah oo looga hadlay xaaladda isbeddelka cimilada iyo saameyntiisa, gaar ahaan saadaasha cimilada ee xilliga Deyrta 2026.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray digniinta khatarta Super El Niño ee la filayo inay saameyn ku yeelato Soomaaliya, gaar ahaan deegaanada Jubaland, iyadoo saadaashu muujinayso roobab ka sarreeya celceliska. Dowladda Jubaland ayaa bulshada ugu baaqday inay si dhow ula socdaan digniinaha cimilada iyo talooyinka la xiriira xaaladaha soo socda.

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Tali...
07/08/2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa kulan la qaatay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), Sarreeye Gaas Claude K. Tudor Jr iyo Masuuliyiin kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta howllgallada lagu xoreynayo deegaannada Jubaland iyo xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee lagu ciribtirayo Argagixisada.

Madaxweynaha waxaa kulanka ku weheliyay Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Jubaland, Mudane Maxamed Axmed Sabriye.

WAR-SAXAAFADEED05 AUG 2026
05/08/2026

WAR-SAXAAFADEED
05 AUG 2026

03/08/2026
14/06/2026
Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay  Ku-simaha Safiirka Maraykanka ee Soomaa...
09/06/2026

Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta qaabilay Ku-simaha Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Justin Davis iyo Wafdi uu hogaaminayo.

Kulanka ayaa lagaga wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, xaaladda guud ee siyaasadda dalka iyo arrimaha mudnaanta u leh amniga, xasilloonida iyo geeddi-socodka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Wasaaradda Warfaafinta Jubaland oo kaashaneysa Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMI...
08/06/2026

Wasaaradda Warfaafinta Jubaland oo kaashaneysa Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa soo qaban-qaabisay tababar ku saabsan xirfadaha warbaahinta casriga ah, kaas oo loo qabanayo howl-wadeenada warbaahinta Jubaland.

Aqoon kororsigaan waxaa qaar kamid ah Suxufiyiinta lagu barayay hannaanka loo adeegsado warbaahinta casriga ah iyo kordhinta xirfaddooda ku aaddan adeegsiga baraha bulshada iyo mareegaha kale ee internet-ka.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Jubaland, Mudane Abdifatah Mohamed Mukhtar oo tababbarka furay ayaa waxaa uu ka qayb-galayaasha la wadaagay talooyin muhiim ah oo ka qayb-qaadanaya fududaynta howlahooda warbaahinta.

Wasiirka ayaa sidoo kale u sheegay wariyeyaasha inay sifiican uga faa’iidstaan internet ay heestaa.

Dhallinyarada fursadda u helay ka faa’iidaysiga aqoon-kororsigan ayaa dhankooda ka mahad-celiyay, waxa ayna sheegeen inay wax badan ka faa’iideen uuna ahaa tababbarkii ugu horreeyay nuuciisa ee loo qabto.

𝐃𝐇𝐀𝐌𝐌𝐀𝐀𝐃
__________________________________________

Wixii faah-faahin ah kala xiriir
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha
[email protected]
𝐅𝐚𝐜𝐞𝐛𝐨𝐨𝐤: https://www.facebook.com/WasaaradaWarfafinta
𝐄𝐦𝐚𝐢𝐥: [email protected]

Address

Kismaayo
Kismayo

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaarada Warfaafinta Jubaland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaarada Warfaafinta Jubaland:

Shortcuts

Share