08/09/2026
Muqdisho, Soomaaliya– Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Dowladda Jubaland, Mudane Aden Mohamed Hudle, ayaa ka qayb galay Kulanka 3-aad ee Madasha Iskaashiga Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir (FGS–FMS–BRA).
Kulanka oo si rasmi ah u furmay ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga, wada-shaqaynta iyo isku-duwidda Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee dhinacyada deegaanka iyo isbeddelka cimilada.
Intii uu kulanku socday, waxaa si qoto dheer looga wada hadlay u-diyaargarowga Soomaaliya ee Shirweynaha COP31, hirgelinta NDC 3.0, iyo xoojinta qorshayaasha looga jawaabayo saameynta ka dhalan karta xaaladaha cimilada ee ay ka mid yihiin El Niño iyo dhacdooyinka cimilo ee saameyn kara bulshada, deegaanka iyo hab-nololeedyada dalka.
Sidoo kale, kulanka waxaa muhiimad gaar ah lagu siiyay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta farsamo iyo isku-duwidda hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya deegaanka iyo isbeddelka cimilada. Waxaa la isla eegay baahida loo qabo in la helo qorshayaal isku-xiran oo heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah, kuwaas oo kor u qaadaya awoodda Soomaaliya ee ka hortagga iyo la-qabsiga saameynta isbeddelka cimilada.
Dowladda Jubaland, oo leh deegaano si weyn ugu nugul saameynta isbeddelka cimilada, gaar ahaan abaaraha, fatahaadaha, roobabka aan joogtada ahayn, nabaad-guurka iyo xaalufka deegaanka, ayaa muhiimad gaar ah siinaysa in la xoojiyo iskaashiga hay'adaha heer qaran iyo heer dowlad-goboleed.
Qodob kale oo muhiim ah oo kulanka looga hadlay ayaa ahaa xoojinta tallaabooyinka lagu yareynayo wasakhowga deegaanka iyo maaraynta qashinka. Waxaa si gaar ah xoogga loo saaray fulinta go'aannada mamnuucaya bacaha hal mar la isticmaalo, kuwaas oo khatar ku ah deegaanka, caafimaadka bulshada iyo noolaha.
Arrintan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah magaalooyinka iyo deegaannada Jubaland, iyadoo loo baahan yahay in la kordhiyo wacyiga bulshada, horumarinta nidaamyada maaraynta qashinka iyo iskaashiga hay'adaha dowladda, bulshada rayidka ah iyo qaybaha kale ee daneeya ilaalinta deegaanka.