Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Jubaland

Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Jubaland The Ministry of Agriculture and Irrigation is a government agency that belongs to the of Jubaland State of somalia

29/11/2025

Wafdi uu hogaaminayo wasiir ku xigeenka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Jubaland Cali Sokor Aadan ayaa kormeeray Mashaariicda kala duwan ee Wasaarada Beeraha ay ka wado Gobolka Jubada Hoose, gaar deegaanada dhulka waqooyiga Kismaayo....

29/11/2025

Wasiir ku xigeenka Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Jubaland oo kormeer shaqo kasoo sameeyay Deegaanada Dhul Beereedyada Jubada Hoose.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlad Goboleedka Jubbaland Cali Aadan Sokor,, oo ay weheliyaan Agaas...
29/11/2025

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowlad Goboleedka Jubbaland Cali Aadan Sokor,, oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaradda maxamed Mursak Xirsi iyo xubno ka tirsan shaqaalaha, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanada waqooyiga magaalada Kismaayo oo ah halka ay ku yaallaan dhul-beereedyo muhiim u ah wax-soo-saarka gudaha.
Ujeeddada booqashada ayaa ahayd indha-indheyn, qiimeyn iyo dardargelin lagu sameynayo mashaariicda horumarineed ee Jubbaland ka fulinayso dhul-beereedkan, kuwaas oo diiradda lagu saarayo kordhinta wax-soo-saarka beeraha, taageeridda beeraleyda deegaanka, hirgelinta hababka casriga ah ee waraabka, iyo xoojinta sugnaanta cunnada ee bulshada.

Intii ay socotay booqashadu, wafdiga Wasaaradda Beeraha iyo Waraabku waxa ay warbixino ku saabsan xaaladda guud ee dhul-beereedka ka dhageysteen maamulka iyo beeraleyda ka shaqeeya goobahaas. Waxayna soo qiimeeyeen sida ay u socdaan mashaariicda ay dowladdu ka wado, oo ay kamid yihiin:

• Dib u soo noolaynta dhul-beereedka iyo ballaarinta beeraha.
• Horumarinta nidaamyada waraabka oo ku saleysan farsamooyin waxtar leh.
• Taageeridda beeraleyda iyadoo loo marayo qalab, tababaro iyo adeegyo farsamo.
• Kordhinta wax-soo-saarka si loo xoojiyo dhaqaalaha bulshada deegaanka.
Wasiir Ku-xigeenka Cali Aadan Sokor ayaa sheegay in booqashadani ay ka mid tahay dadaallada joogtada ah ee Wasaaraddu ugu jirto horumarinta beeraha Jubbaland, isaga oo tilmaamay in dowladdu ka go’an tahay inay sii xoojiso taageerada ay siinayso beeraleyda si loo gaaro isku filnaansho dhanka cunnada ah.
Ugu dambeyn,

wafdiga Wasaaradda Beeraha iyo Waraabku waxa ay balanqaadeen in mashaariicda socota lasii dardargelin doono, sidoo kalena loo qorsheynayo mashaariic cusub oo kor u qaadi doona awoodda wax-soo-saarka ee gobolka, taas oo qeyb ka ah qorshaha Jubbaland ee horumarinta dhaqaalaha iyo kaabayaasha nolosha bulshada.

24/11/2025

Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Jubaland ayaa biloowday taageerida dadka beeralleeyda xili la filayo in ay da’aan Roobabka Deyrta waxaana Wasaada Beeraha ay ugu deeqdaay beeralleeyda Agabyo ka caawinaya wax soo saarka.

Agaasimaha Guud ee Wasaara Beeraha Maxamed Mursal Xirsi ayaana maanta agabyadaasi bacriminta wax soo saarka gudoonsiiyay Beeralleeyda gaar ahaan iskaashatada Beeraha.

Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Jubaland  ayaa biloowday taageerida dadka beeralleeyda xili la filayo in ay da’aan Roobab...
24/11/2025

Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Jubaland ayaa biloowday taageerida dadka beeralleeyda xili la filayo in ay da’aan Roobabka Deyrta waxaana dowlada ay ugu deeqdaay beeralleeyda Agabyo ka caawinaya wax soo saarka.

Wafdi Ballaran oo uu hogaaminayay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dowlada Jubbqland Maxamed Mursal Xirsi oo ay qeeb ka ahaayeen Masuuliyiinta Hay'ada g.i.z ayaana soo kormeeray dhamaan goobaha ay Mashaariicda ay ka socdaan.

24/11/2025

Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Jubaland ayaa biloowday taageerida dadka beeralleeyda xili la filayo in ay da’aan Roobabka Deyrta waxaana dowlada ay ugu deeqdaay beeralleeyda Agabyo ka caawinaya wax soo saarka.

Maxamed Ibraahim Waashinton.

23/11/2025

Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Jubaland oo Cagafyo iyo agabyada beeraha ee wax soo saarka ugu deeqday Beeraleeyda Jubbaland

23/11/2025

Agaasimaha guud ee wasaraadda beeraha Dowlada Jubbaland ayaa kormeer shaqo ku tagay beeraha saran jiinka wabiga, xilli ay beeraleyda u diyaar garoobayaan tabcashada beeraha.

Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Jubaland

MAS’UULIYIIN KA TIRSAN WASAARADDA BEERAHA JUBBALAND OO KORMEER KU TAGAY DHUL BEERALEEDYADA WAQOOYIGA KISMAAYOKismaayo – ...
23/11/2025

MAS’UULIYIIN KA TIRSAN WASAARADDA BEERAHA JUBBALAND OO KORMEER KU TAGAY DHUL BEERALEEDYADA WAQOOYIGA KISMAAYO

Kismaayo – 23 November 2025

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Beeraha Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay dhul beereedyada ku yaalla waqooyiga magaalada Kismaayo, xilli ay beeraleydu u diyaargaroobayaan bilowga falashada iyo sugidda roobabka deyrta.
Booqashadan ayaa ujeedadeedu ahayd qiimeynta xaaladda beeraha, diyaar-garowga beeraleyda, iyo dabagalka taageerada ay wasaaraddu u fidiso bulshada ku tiirsan wax-soosaarka beeraha ee gobolka.

Mas’uuliyiinta ayaa si gaar ah u indha-indheeyay heerka diyaar-garow ee beeraleyda iyo sida ay ugu dhisan yihiin qabashada xilli-falashada oo lagu wado inuu dhowaan billowdo.
Intii ay kormeerka ku guda jireen, ayaa mas’uuliyiinta Wasaaradda Beeruhu waxay la kulmeen beeraley badan oo ka shaqeeya deegaanka, kuwaas oo soo bandhigay baahiyahooda iyo rajooyinka ay ka qabaan xilli-roobaadka soo socda.

Beeraleyda jubbaland ayaa caddeeyay in roobabkii h**e ay dib u dhaceen, hase yeeshee ay rajo wanaagsan ka qabaan deyrta oo la filayo in ay dhawaan ka da’aan gobolka.

Sidoo kale, Wasaaradda Beeraha Jubbaland ayaa ku dhowaaqday inay wado qorshe ballaaran oo lagu taageerayo beeraleyda, islamarkaana ay isla maantaba wareejiyeen kaas oo ka kooban agab muhiim u ah falashada sida:
• Alaabta abuurka (seeds)
• Bacriminta (fertilizers)
• Qalabka fudud ee beeraha sida Cagaf cagafyo oo ay wasaarada ugu deeqdah beeralleeyda.
Mas’uuliyiinta wasmadda oo uu ugu h**eeyo Agaasimaha guud ee wasaarada Mqxamed mursal xirsi ayaa hoosta ka xariiqay in taageeradan ay qayb ka tahay dadaallada joogtada ah ee Jubbaland ku xoojinayso wax-soosaarka beeraha iyo kor u qaadista amniga cunnada ee gobolka.
Beeraleyda dhulkani ku nool ayaa soo dhaweeyay booqashada iyo taageerada ay wasaaraddu u ballanqaadday, iyagoo sheegay in ay sare u qaadi doonto wax-soosaarkooda iyo tayada noloshooda.!

Gaadiid gaaraya ilaa sadex gaari oo loogu talagalay in loogu adego Bulshada Jubbaland ayaa waxaa manta la wareegay Wasaa...
18/11/2025

Gaadiid gaaraya ilaa sadex gaari oo loogu talagalay in loogu adego Bulshada Jubbaland ayaa waxaa manta la wareegay Wasaaradaha Beeraha, Biyaha iyo Gargaarka, kuwaasi oo ay kala wareegeen Hay’ada GIZ.

Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo waraabka Dowlada Jubbalan Geelle Muxumad Aadan ayaa oga mahadceliyay Dowlada Jarmalka iyo Shacabkeeda sida wanaagsan ee ay u garab taagan yihiin Dowlada Jubbaland waxaana uu sheegay in gaadiidkan loogu adeegi doono Bulshada Jubbaland.

Hay”adaha Deeqbixiyayasha taageera Jubbalaland oo ugu h**eeyso Hay”ada GIZ ayaa dhowr jeer oo h**e gaadiid ugu deeqay Dowlada Jubbaland.

18/11/2025

Gaadiid gaaraya ilaa sadex gaari oo loogu talagalay in loogu adego Bulshada Jubbaland ayaa waxaa manta la wareegay Wasaaradaha Beeraha, Biyaha iyo Gargaarka, kuwaasi oo ay kala wareegeen Hay’ada GIZ.

Wasiirka Wasaarada Beeraha iyo waraabka Dowlada Jubbaland Geelle Muxumad Aadan ayaa oga mahadceliyay Dowlada Jarmalka iyo Shacabkeeda sida wanaagsan ee ay u garab taagan yihiin Dowlada Jubbaland waxaana uu sheegay in gaadiidkan loogu adeegi doono Bulshada Jubbaland.

Hay”adaha Deeqbixiyayasha taageera Jubbalaland oo ugu h**eeyso Hay”ada GIZ ayaa dhowr jeer oo h**e gaadiid ugu deeqay Dowlada Jubbaland.

16/10/2025

Hadal jeedinta Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowlada Jubbaland ee Munaasabada Maalinta Cunada Aduunka iyo Maalinta Beeralleeyda Soomaaliyeed oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Jubaland

Address

Kismayo

Telephone

+252618660010

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Jubaland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Jubaland:

Share