Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ee Ogaal

Naadiga Akhriska iyo Qoraalka  Ee Ogaal Akhriska waa lagu hodmaa
Ogaal iyo waa iftiin.

MARTIQAADBerri oo Khamiis ah, kuna beegan 10-ka Sebteembar 2026, magaalada Kismaayo waxay martigelinaysaa bandhigga buug...
09/09/2026

MARTIQAAD

Berri oo Khamiis ah, kuna beegan 10-ka Sebteembar 2026, magaalada Kismaayo waxay martigelinaysaa bandhigga buugga “XASILLOONI”, oo uu qoray qoraaga caanka ah Adham Sharqawi, afkeenna hooyo ee Soomaaligana uu u turjumay Maxamed Jarmal.

Maxamed Jarmal waa aasaasihii iyo Guddoomiyihii ugu horreeyay ee Naadiga Akhris-Qoraalka Ogaal, sidoo kalena ahaa Guddoomiyihii ugu horreeyay ee Midowga Naadiyada Akhris-Qoraalka Kismaayo.

Maxamed waa shakhsi ku suntan aqoon, dedaal iyo dhiiranaan, isaga oo door muuqda ka qaatay kobcinta dhaqanka akhriska iyo qoraalka ee bulshada Kismaayo.

Sidaa darteed, dhammaan xubnaha Madasha Akhris-Qoraalka Ogaal waxay si diirran ugu martiqaadayaan bulshada reer Kismaayo inay ka soo qaybgalaan bandhigga buugga “XASILLOONI”, oo ah munaasabad muhiim u ah akhristayaasha, aqoonyahannada iyo guud ahaan bulshada jecel afka iyo suugaanta Soomaaliga.

Kismaayo, aynu ku kulanno bandhigga “XASILLOONI”.

Goobtu waa: Kulmis Hotel
Goortu waa: Galabnimada Khamiista, 10/9/2026.

Soo dhowaada dhammaantiin.

07/09/2026

Midowga Naadiyada Akhris-Qoraalka Kismaayo wuxuu idinku martiqaadayaa Bandhigga Buugga “XASILLOONI ”, oo uu turjumay Maxamed Jarmal.

Buuggan waa sheeko-suugaaneed diiradda saaraysa doodo bulsheed, diineed, fikir iyo dareen, kuwaas oo xambaarsan macno qoto dheer iyo xiiso badan. Doodaha ku jira buuggu waxay akhristaha ku dhiirrigelinayaan inuu ka fikiro su’aalo iyo arrimo noloshiisa la xiriira, iyagoo siinaya degganaansho iyo qanaaco maskaxeed.

— Cabdishakuur Garaad

📍 Hotel Kulmis, Kismaayo
📅 Khamiis, 10 Sebtembar 2026
⏰ 3:30 Galabnimo.

Midowga Naadiyada Akhris-Qoraalka Kismaayo wuxuu idinku martiqaadayaa Bandhigga Buugga “XASILLOONI”, oo uu turjumay Maxa...
01/09/2026

Midowga Naadiyada Akhris-Qoraalka Kismaayo wuxuu idinku martiqaadayaa Bandhigga Buugga “XASILLOONI”, oo uu turjumay Maxamed Jarmal. 📚

Buuggan waa sheeko-suugaaneed diiradda saaraysa doodo bulsheed, diineed, fikir iyo dareen, kuwaas oo xambaarsan macno qoto dheer iyo xiiso badan. Doodaha ku jira buuggu waxay akhristaha ku dhiirrigelinayaan inuu ka fikiro su’aalo iyo arrimo noloshiisa la xiriira, iyagoo siinaya degganaansho iyo qanaaco maskaxeed.

— Cabdishakuur Garaad

📍 Hotel Kulmis, Kismaayo
📅 Khamiis, 10 Sebtembar 2026
⏰ 3:30 Galabnimo.

Waxaa si qurux badan u soo gebageboobay barnaamijkii uu jeediyay Prof. Cabdalla Mansuur, kaas oo ku saabsanaa “Qiimaha A...
30/07/2026

Waxaa si qurux badan u soo gebageboobay barnaamijkii uu jeediyay Prof. Cabdalla Mansuur, kaas oo ku saabsanaa “Qiimaha Af Soomaaliga iyo Xaaladdiisa Maanta.”

Barnaamijka, oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Naadiga Ogaal, Madasha Tusmo iyo Guddoonka Midowga Naadiyada Akhriska, ayaa waxaa ka soo qeybgalay bahda akhriska iyo qoraalka ee magaalada, kuwaas oo si firfircoon uga qeyb qaatay doodaha iyo is-dhaafsiga aragtiyaha.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelineynaa Prof. Cabdalla Mansuur aqoonta iyo waayaha uu nala wadaagay, iyo dhammaan ka soo qeybgalayaashii waqtigooda u huray ka miro-dhalinta kulankan qiimaha badan.

Naadiga Ogaal iyo Madasha Tusmo, oo kaashanaya Guddoonka Midowga Naadiyada Akhriska ee Magaalada Kismaayo, ayaa berri ga...
29/07/2026

Naadiga Ogaal iyo Madasha Tusmo, oo kaashanaya Guddoonka Midowga Naadiyada Akhriska ee Magaalada Kismaayo, ayaa berri galab martigelin doona muxaadaro uu jeedinayo Prof. Cabdalla Mansuur, taas oo cinwaankeedu yahay: “Qiimaha Af-Soomaaliga iyo Waddada uu ku Socdo.”

Kulankan oo si gaar ah loogu talagalay naadiyada akhriska, ayaa noqon doona fursad lagu lafaguro muhiimadda Af-Soomaaliga, caqabadaha horyaalla iyo kaalinta jiilka aqoonyahannada ee horumarintiisa.

📍 Goobta: Jaamacadda Kismaayo.
📅 Taariikhda: 30 Luulyo 2026.
🕞 Waqtiga: 3:30 galabnimo.

Gorfeynta Dhiganaha: Surrounded by Idiots Ma Doqomo Ayaa Kugu Xeeran, Mise Adiga Ayaan Weli Fahmin ?Fahamka Afarta Nooc ...
21/07/2026

Gorfeynta Dhiganaha: Surrounded by Idiots

Ma Doqomo Ayaa Kugu Xeeran, Mise Adiga Ayaan Weli Fahmin ?
Fahamka Afarta Nooc ee Shakhsiyadaha, Sida uu Thomas Erikson ku Sharaxay Buugga Surrounded by Idiots, Ayaan Barnaamijkan Ku Qaadaadhigi Doonnaa.

Soo dhowaada saaxiibbayaal.
Weligaa ma is weydiisay sababta ay dadka qaar kuugu muuqdaan kuwo ay adag tahay in wax la fahamsiiyo? Ama ma isku aragtay adigoo leh, "War maxaa dadka ku dhacay?"

Inta badan jawaabta ugu horreysa ee maskaxdeennu bixisaa waa in dadka kale khaldan yihiin. Laakiin bal ka warran haddii dhibaatadu aysan iyaga ahayn? Ka warran haddii aynaan innagu weli fahmin sida ay u kala duwan yihiin shakhsiyadaha bani'aadamku?

Su'aashan ayuu qoraaga Thomas Erikson kaga jawaabay buuggiisa caanka ah ee Surrounded by Idiots. Buuggu ma sheegayo in dadka kugu xeeran ay dhab ahaan "doqomo" yihiin. Halkaa, wuxuu inoo tilmaamayaa in dadku ay u fekeraan, u wada xiriiraan, ugana falceliyaan xaaladaha siyaabo kala duwan. Marka aynaan kala duwanaanshahaas fahmin ayay isfaham la'aantu bilaabataa.

Erikson wuxuu shakhsiyadaha u qaybiyay afar nooc oo waaweyn, kuwaas oo mid walba leeyahay awoodihiisa, caqabadihiisa iyo habka ugu habboon ee loola macaamilo.

1. Shakhsiyadda Cas (The Red Personality, Eagle), Hoggaamiyaha
Shakhsiyadda cas waa qof jecel inuu wax qabto, go'aanna si degdeg ah u gaadho. Waa qof hami badan, kalsooni leh, tartanka jecel, natiijadana ka hormariya wax kasta. Wuxuu si toos ah u sheegaa waxa uu rabo, mana jecla waqti luminta.

Dhanka kale, mararka qaar wuxuu illoobaa in dadka oo dhan aysan isku dabeecad ahayn. Waxaa laga yaabaa inuusan si weyn u tixgelin dareenka dadka kale, ama uu ku adkaysto in ra'yigiisu yahay kan saxda ah.
Talo: Haddii aad leedahay shakhsiyaddan, xusuusnow in guushu aysan ku xirnayn natiijada oo keliya. Dadka kula shaqeeya waxay sidoo kale u baahan yihiin in la maqlo, lana dareensiiyo qiimahooda.

2. Shakhsiyadda Jaallaha ah (The Yellow Personality, Peacock), Bulshaawiga
Haddii aad la kulanto qof dadka oo dhan si fudud ula sheekaysta, qosol badan, firfircoon oo tamar badan, waxay u badan tahay inuu yahay shakhsiyadda jaallaha ah. Waa qof hal-abuur leh, rajo wanaagsan qaba, isla markaana si sahlan u kasbada qalbiyada dadka.

Si kastaba ha ahaatee, mararka qaar wuxuu ku mashquulaa hadal iyo fikrado badan, taas oo keenta inay ku adkaato inuu hawl billaabay dhammeystiro ama uu arrimaha muhiimka ah si dhab ah u qaato.

Talo: Haddii aad tahay shakhsiyaddan, isku day inaad yareyso mashquulka aan loo baahnayn, kuna dedaal inaad wixii aad billowdo dhammaadka gaarsiiso.

3. Shakhsiyadda Cagaaran (The Green Personality, Dove), Qofka Deggan
Shakhsiyadda cagaaran waa tan ugu deggan uguna naxariista badan. Waa dhegayste wanaagsan, dadka ayuu jecel yahay, murankana wuu ka fogaadaa. Dad badan ayaa ku aammina sirtooda, sababtoo ah waxay dareemaan inuu si dhab ah u fahmayo.
Laakiin dabeecaddaas deggan mararka qaar waxay ka dhigtaa qof ka cabsada isbeddelka ama go'aan qaadashada. Wuxuu door bidaa nabadda, xitaa marka ay lagama maarmaan tahay inuu aragtidiisa caddeeyo.
Talo: Mar kasta oo loo baahdo, ku dhiirranow inaad codkaaga sare u qaaddo. Aamusnaantu mar walba xal ma noqoto.

4. Shakhsiyadda Buluugga ah (The Blue Personality, Owl), Falanqeeyaha
Shakhsiyadda buluugga ahi waa qof nidaam jecel, xogta iyo caddaynta ku shaqeeya. Wuxuu daneeyaa saxnaanta, faahfaahintana si gaar ah ayuu u qiimeeyaa. Inta uusan go'aan gaarin, wuxuu jecel yahay inuu wax walba si fiican u hubiyo.
Laakiin mararka qaar raadinta qummanaantu waxay dib u dhigtaa tallaabada la rabay in la qaado. Dadka qaarna waxay u arkaan qof adag ama rajo xun, inkastoo ujeeddadiisu tahay inuu khaladka ka fogaado.

Talo: Ha sugin in wax walba kaamil noqdaan. Mararka qaarkood, tallaabo wanaagsan oo maanta la qaado ayaa ka qiimo badan qorshe qumman oo aan waligiis hirgelin.

Waxaa muhiim ah in la fahmo in dadka intooda badan aysan ku koobnayn hal nooc oo keliya. Badanaa laba shakhsiyadood ayaa qofka ku kulma, balse mid ayaa astaamihiisu ka muuqdaan si ka badan kan kale.
Ugu dambayn, ujeeddada laga leeyahay fahamka afartan shakhsiyadood ma aha in dadka lagu dhejiyo summado ama lagu kala sarreysiiyo. Ujeeddadu waa inaan si fiican isu fahanno, u wanaajinno xiriirradeenna, kana fogaano inaan dadka ku xukumno dabeecad aanan si dhab ah u garanayn.
Waxaa laga yaabaa in qofka aad u haysatay inuu adag yahay ama uusan wax fahmayn, uu si fudud dunida uga arko xagal ka duwan kan aad adigu ka eegayso.

Adiguse, afartan shakhsiyadood kee ayaad isku aragtaa?

Waxaa xaley si qurux badan noogu qabsoomay tababbar ku saabsanaa SUUGAANTA SOOMAALIDA.Tababbarkan oo uu noo qabtay Maxam...
12/07/2026

Waxaa xaley si qurux badan noogu qabsoomay tababbar ku saabsanaa SUUGAANTA SOOMAALIDA.

Tababbarkan oo uu noo qabtay Maxamed Jarmal oo ah xubin naadiga kamid ah ayaa waxaa lagu lafaguray: Si guud suugaanta, gaar ahaanna maansada oo qaybaheeda midmid loo dul-istaagay, iyadoo laga hadlay miisaanka maansada iyo mudnaanteedaba.

Waxaa kulanka qeyb ka ahaa, Guddoomiyaha Midowga Naadiyada Akhrisqoraalka Kismaayo, Mudane Maxamuud Mahad Faarax, oo kulanka furay.

Si wanaagsan ayuu ku soo idlaaday barnaamijka ujeedadii laga lahaana waa la xaqiijiyay, Eebbe ayaa ku mahadsan.

Address

Kismayo

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Naadiga Akhriska iyo Qoraalka Ee Ogaal posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share

Category