10/07/2025
Waxaa si rasmi degmadda warsheekh Dowladda Hirshabelle gabagaboodey kulan dadweyne oo socday afar maalmood ah, kaasoo diiradda lagu saaray dib-u-eegista iyo wax-ka-bedelka cutubyada 1aad ilaa 9aad ee Dastuurka Ku-meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga dooday qodobbada muhiimka ah ee ku jira dastuurka, iyadoo dadweynaha ka kala yimid qaybaha kala duwan ee bulshada fursad loo siiyey in ay soo bandhigaan aragtiyahooda, suโaalahooda iyo talooyin la xiriira wax ka bedelka cutubyada laga hadlayey.
Kulanka waxaa qayb ka ahaa khubaro ku xeel dheer arrimaha dastuurka iyo sharciga, xubno ka tirsan golaha deegaanka degmadda iyo shaqaalaha qaar kamid ah Wasaaradaha.
Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Dowladda Hirshabelle, Mudane Maxamed cabdiraxmaan, ayaa kulanka si rasmi ah usoo xiray, isagoo uga mahadceliyay dhammaan ka qaybgalayaasha sida ay uga faaiidaysteen fursadda, una muujiyeen dareenkooda iyo ka qaybqaadashadooda geeddi-socodka dib-u-eegista dastuurka qaranka.
=๐๐ก๐๐ฆ๐ฆ๐๐๐=
Xafiiska Isgaarsiinta iyo Wacyigalinta
Website: https://Mocafa.hs.so
Twitter: https://twitter.com/mocafaHs