15/12/2025
Jowhar, 15 December 2025- Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle ayaa maanta yeeshay kulankiisii 4-aad ee Kalfadhiga 17-aad, kaas oo ka dhacay xarunta Golaha ee Caasimadda Jowhar.
Kulanka waxaa shir-guddoominayey Guddoomiyaha Baarlamaanka, Dr. Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed oo u wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Mudane Mahad Xasan Cusmaan.
Kulanka oo ay kasoo qayb galeen 61 xildhibaan, ayaa ajandihiisu ka koobnaa shan qodob oo muhiim ah:
1. XEERKA QOONDEYNTA MIISAANIYADDA 2026.
2. XEER-NIDAAMIYEYAASHA DAKHLIGA EE 2025
3. XEERKA DAKHLIGA DOWLADDA HIRSHABELLE EE 2025.
4. WARBIXINTA XISAAB-XERKA SANAD MAALIYEEDKA 2024.
5. XEERKA MIHNADLAYAASHA CAAFIMAADKA DOWLADDA HIRSHABELLE.
Ugu horreyn Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cabdiraxiim Ciise Caddow, ayaa Golaha ka hor akhriyay warbixin ku saabsan soo gudbinta Xeerka qoondeynta miisaaniyadda 2026, Xeerarka dakhliga iyo Xisaab-xirka sannad maaliyadeedka 2024.
Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale sheegay in miisaaniyadda sannadka 2026 ay dhan tahay $44,355,094.12 (Afar iyo Afartan Milyan, Saddex Boqol Konton iyo Shan Kun, Sagaashan iyo Afar Doollar iyo Laba iyo Toban Senti).
Dhankiisa Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Hirshabelle Mudane Saadaq Maxamed Maxamuud ayaa isna Golaha ka hor jeediyay warbixin ku saabsan Xeerka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka, isagoo faahfaahiyay muhiimadda iyo wax-tarka uu u leeyahay bulshada Hirshabelle.
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa kulanka soo xiray, isagoo Xildhibaanada faray in ay si qoto dheer u akhriyaan xeerarka ay soo gudbiyeen Wasaaradaha Maaliyadda iyo Caafimaadka, si kulanka xiga golaha su’aalo loo weydiyo.
DHAMMAAD
Wixii faahfaahin dheeri ah, fadlan kala xiriir:
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta
Baarlamaanka Dowladda Hirshabelle
Email: [email protected]