Ministry Of Humanitarian Affairs & DM - Hirshabelle State Of Somalia

  • Home
  • Somalia
  • Jowhar
  • Ministry Of Humanitarian Affairs & DM - Hirshabelle State Of Somalia

Ministry Of Humanitarian Affairs & DM - Hirshabelle State Of Somalia This page is the official page of the Ministry of Humanitarian Affairs and DRM in Hirshabelle

Page-kaan waa Page-ka Rasmiga ah ee Wasaarada Gargaar iyo Maareynta musibooyinka dowlad goboleed Hirshabelle.

KULAN LOOGA HADLAY XAALADDA BANI’AADANTINIMO IYO U DIYAAR-GAROWGA KHATARTA EL NIÑOBalcad | 31 Agoosto 2026 – Wasaaradda ...
31/08/2026

KULAN LOOGA HADLAY XAALADDA BANI’AADANTINIMO IYO U DIYAAR-GAROWGA KHATARTA EL NIÑO

Balcad | 31 Agoosto 2026 – Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Hirshabelle ayaa degmada Balcad kaga qeyb gashay Kulanka Billaha ah ee Isku-duwidda Arrimaha Bani’aadantinimada ee Balcad (Balcad Area-Based Coordination Monthly Meeting), kaas oo diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadantinimo ee degmada, u diyaar-garowga fatahaadaha iyo khataraha la xiriira El Niño.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle, Mudane Cabduqaadir Axmed Xaaji Maxamed, Maamulka Degmada Balcad, hay’adaha maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah (LNGOs iyo INGOs), iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Intii uu kulanku socday waxaa lagu falanqeeyay xaaladda bani’aadantinimo, saadaasha iyo u diyaar-garowga fatahaadaha, aqoonsiga iyo khariidadeynta goobaha fatahaaduhu ku badan yihiin iyo bulshooyinka khatarta sare ku jira, iyadoo sidoo kale la wadaagay xog ku saabsan howlaha bani’aadantinimo ee socda iyo kuwa la qorsheeyay.

Agaasimaha Guud, Mudane Cabduqaadir Axmed Xaaji Maxamed, oo kulanka ka hadlay, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in laga sii hormaro khataraha fatahaadaha, lana xoojiyo digniinta h**e, wacyigelinta bulshada iyo qorsheynta tallaabooyinka diyaargarowga. Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah loo xaqiijiyo loona diiwaangeliyo barakaca cusub ee kusoo kordhay xeryaha barakacayaasha ee degmada Balcad, gaar ahaan qoysaska kasoo barakacay deegaanka Basra sababo la xiriira colaadaha iyo howlgallada amni ee u dhexeeya ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo tirada dadka soo barakacay, baahiyahooda iyo taageerada degdegga ah ee ay u baahan yihiin.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle waxay adkeysay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda iyo wadaagista xogta u dhaxeysa maamulka, hay’adaha bani’aadantinimada iyo bulshada, si jawaab mideysan looga bixiyo baahiyaha dadka cusub ee soo barakacay, isla markaana loo xoojiyo diyaar-garowga fatahaadaha iyo khataraha kale ee la filan karo xilliga Deyrta.

Xafiiska Warfaafınta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle. E-mail:[email protected]
https://www.facebook.com/MoHADMHirshabelle
https://twitter.com/Mohadmhss

🌙 CIID MUBAARAK – CIIDUL ADXAAWasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Dowladda Hirshabelle (MoHADM) waxay hambaly...
26/05/2026

🌙 CIID MUBAARAK – CIIDUL ADXAA

Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Dowladda Hirshabelle (MoHADM) waxay hambalyo ku aaddan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Adxaa u direysaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Hirshabelle.

Wasiirka Wasaaradda, Marwo Caa’isha Khaliif Maxamed, waxay Alle uga baryeysaa inuu aqbalo acmaasha wanaagsan, sanadkan sanadkiisana ku gaarsiiyo nabad, caafimaad, barwaaqo iyo kheyr badan.

Ciid Wacan oo Barako leh. 🌙

Xafiiska Warfaafınta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle.
E-mail:[email protected]
https://www.facebook.com/MoHADMHirshabelle
https://twitter.com/Mohadmhss

𝗗𝗜𝗚𝗡𝗜𝗜𝗡 𝗥𝗢𝗢𝗕𝗔𝗕 𝗜𝗬𝗢 𝗙𝗔𝗧𝗔𝗛𝗔𝗔𝗗𝗢Hirshabelle | 7–13 May 2026Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Dowladda Hirshabel...
08/05/2026

𝗗𝗜𝗚𝗡𝗜𝗜𝗡 𝗥𝗢𝗢𝗕𝗔𝗕 𝗜𝗬𝗢 𝗙𝗔𝗧𝗔𝗛𝗔𝗔𝗗𝗢

Hirshabelle | 7–13 May 2026

Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Dowladda Hirshabelle (MoHADM) waxay bulshada la wadaageysaa digniin la xiriirta roobab dhexdhexaad ah ilaa kuwo culus oo la filayo inay ka da’aan qaybo kamid ah deegaannada Hirshabelle inta u dhaxeysa 7–13 May 2026, kuwaas oo sababi kara fatahaado degdeg ah iyo kororka heerka Wabiga Shabeelle.

Degmooyinka khatarta ugu badan laga dareemayo waxaa kamid ah Jowhar, Balcad, Beledweyne, Jalalaqsi iyo Buulo Burte.

Bulshada ku nool hareeraha wabiga iyo goobaha fatahaadaha u nugul waxaa lagula talinayaa in ay muujiyaan taxaddar dheeraad ah, ka fogaadaan meelaha halista ah, ilaaliyaan carruurta iyo dadka nugul, isla markaana si joogto ah ula socdaan digniinaha iyo wararka rasmiga ah ee Wasaaradda.

Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle waxay si dhow ula socotaa xaaladda roobabka iyo heerka wabiga, iyadoo bulshada lala wadaagi doono wixii warar iyo digniino dheeraad ah ee kasoo kordha xaaladda.

Badbaadadu waa masuuliyad wadajir ah.
Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle (MoHADM)

Xafiiska Warfaafınta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle.
E-mail:[email protected]
https://www.facebook.com/MoHADMHirshabelle
https://twitter.com/Mohadmhss

29/03/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka oyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Hirshabelle Cabduqaadir Axmed Xaaji Maxamed, ayaa tilmaamay in abaartu ay si ba'an u saameysay bulshada, iyadoo ay sii kordhayaan biyo-yarida, cunto-yarida, barakaca, iyo hoos u dhaca adeegyada aasaasiga ah, taas oo u baahan ka-jawaabid degdeg ah oo mideysan.

Wasiiru Dowlaha iyo Agaasimaha Guud ee MoHADM oo Ka Qeyb Galay Madasha Bani’aadantinimada (SHF)Muqdisho | 29 Maarso 2026...
29/03/2026

Wasiiru Dowlaha iyo Agaasimaha Guud ee MoHADM oo Ka Qeyb Galay Madasha Bani’aadantinimada (SHF)

Muqdisho | 29 Maarso 2026, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Dowladda Hirshabelle Mudane Yusuf Ahmed Yalaxow iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabduqaadir Axmed Xaaji Maxamed, ayaa maanta ka qeyb galay Madasha Bani’aadantinimada Soomaaliya (Somalia Humanitarian Fund – SHF) oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasaarradaha Gargaarka ee Dowlad-Goboleedyada dalka, hay’adaha Qaramada Midoobay (UN), hay’adaha caalamiga ah (INGOs), hay’adaha maxalliga ah (LNGOs) iyo bahwadaagta kale ee bani’aadantinimada, iyadoo diiradda lagu saaray xoojinta isku-duwidda, wada-shaqeynta, iyo dardargelinta jawaabaha bani’aadantinimo ee dalka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda ayaa madasha ku soo bandhigay xaaladda bini’aadantinimo ee ka jirta deegaannada Hirshabelle, gaar ahaan saameynta abaarta, iyagoo ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga iyo taageerada degdegga ah si loo badbaadiyo bulshada ay saameeyeen xaaladaha bani’aadantinimo.

Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle (MoHADM) waxay sii wadaysaa dadaallada lagu xoojinayo isku-duwidda heer qaran iyo heer dowlad-goboleed, si loo hubiyo in gargaar wax-ku-ool ah lagu gaarsiiyo dadka u baahan.

Xafiiska Warfaafınta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle. E-mail: [email protected] https://www.facebook.com/MoHADMHirshabelle
https://twitter.com/Mohadmhss

TACSIWasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Hirshabelle waxay tacsi murugo leh u direysaa Wasiir-ku-x...
20/03/2026

TACSI

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowladda Hirshabelle waxay tacsi murugo leh u direysaa Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Cumar Maxamed Cumar, oo ay ka geeriyootay hooyadiis Allaha u naxariistee Hooyo Madiino Maxamed Nuur.

Wasiirka Wasaaradda, Agaasimaha Guud, Agaasimayaasha waaxyaha iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda waxay uga tacsiyeynayaan Wasiir-ku-xigeenka, qoyskiisa iyo dhammaan ehelka iyo qaraabada ay ka baxday marxuumadda, iyagoo Alle uga baryaya inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, dambigeedana dhaafo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan intii ay ka geeriyootay.

Ilaahay ha u naxariisto marxuumadda, samir iyo iimaan hana naga wada siiyo.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

CIID MUBAARAK – CIIDUL FIDRIWasiirka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Dowladda Hirshabelle, Marwo Caa’isha...
20/03/2026

CIID MUBAARAK – CIIDUL FIDRI

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Dowladda Hirshabelle, Marwo Caa’isha Khaliif Maxamed, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda barakeysan ee Ciidul Fidriga u dirtay dhammaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Dowladda Hirshabelle.

Wasiiraddu waxay Alle SWT uga baryey in uu aqbalo soonkii, salaaddii iyo camalkii suubanaa ee laga soo gutay bisha Ramadaan, isla markaana sanadkan sanadkiisa kale ku gaarsiiyo nabad, xasilooni iyo barwaaqo. Waxay sidoo kale ku baaqday in munaasabaddan barakeysan laga dhigo mid lagu xoojiyo midnimada, walaaltinimada, iyo garab istaagga dadka dhibaateysan.

🌙 Ciid Mubaarak – Ciid Wanaagsan

Gargaar Cunto iyo Biyo-dhaamin oo Lagu Gaarsiiyay Qoysaska Abaartu Saameysay ee Gobolka HiiraanBeledweyn | 23 Feberaayo ...
23/02/2026

Gargaar Cunto iyo Biyo-dhaamin oo Lagu Gaarsiiyay Qoysaska Abaartu Saameysay ee Gobolka Hiiraan

Beledweyn | 23 Feberaayo 2026, Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Dowladda Hirshabelle, iyadoo kaashaneysa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Hay’adda King Salman Humanitarian Aid and Relief Center, ayaa magaalada Beledweyne gargaar cunto ah ugu qeybisay 1,000 qoys oo ay abaartu si daran u saameysay. Sidoo kale, waxaa la fuliyay biyo-dhaamin gaartay 14 booyadood, kuwaas oo loo kala dhaamiyay deegaannada Beledweyne, Feer-Feer, Maxamuud-Gacal, Ilan-Guud, iyo Gurya-Cadde, si loo yareeyo biyo-la’aanta ba’an ee ka jirta gobolka.

Munaasabadda waxaa goob joog ka ahaa Duqa Magaalada Beledweyne, Marwo Nadar Tabaax Maalin, Madaxa Xiriirka Hay’adaha ee Gobolka Hiiraan ee Wasaaradda, Mudane Xasan Axmed Barqadle, iyo Agaasimaha Xiriirka Dowlad-goboleedyada Federaalka, Mudane Cabdifataax Maxamed Yuusuf. Mas’uuliyiintan ayaa hadallo ay ka jeediyeen goobta ku muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta gurmadka iyo isku-duwidda taageerada bani’aadantinimo, iyagoo bogaadiyay dadaallada wadajirka ah ee lagu gaarsiiyay gargaarka bulshada nugul, kana dalbaday bahwadaagta bani’aadantinimo in la sii laba jibbaaaro taageerada si wax looga qabto saameynta abaarta ee gobolka Hiiraan.

Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle (MoHADM) waxay mar kale xaqiijineysaa sida ay uga go’an tahay hoggaaminta isku-duwidda gurmadka, xoojinta iskaashiga hay’adaha, iyo gaarsiinta gargaar degdeg ah si loo badbaadiyo nolosha iyo nolol-maalmeedka bulshada ay abaartu saameysay.

Xafiiska Warfaafınta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle. E-mail: [email protected] https://www.facebook.com/MoHADMHirshabelle
https://twitter.com/Mohadmhss

AQOON-ISWAYDAARSI IYO WACYIGELIN BULSHO OO KU SAABSAN KHATARaha ISBeddELKA CIMILADA, DIGNIINTA H**E IYO DIYAARGAROWGABel...
14/02/2026

AQOON-ISWAYDAARSI IYO WACYIGELIN BULSHO OO KU SAABSAN KHATARaha ISBeddELKA CIMILADA, DIGNIINTA H**E IYO DIYAARGAROWGA

Beledweyn | 12 Febraayo 2026, Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Dowladda Hirshabelle (MoHADM) ayaa qabatay aqoon-isweydaarsi wacyigelin bulsho, kaas oo diiradda lagu saaray khataraha isbeddelka cimilada, nidaamka digniinta h**e (Early Warning), iyo tallaabooyinka diyaargarowga ee lagu yareynayo saameynta musiibooyinka.

Kulankan waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabduqaadir Axmed Xaaji Maxamed, iyo Isku-duwaha Wasaaradda ee Gobolka Hiiraan, kuwaas oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada la siiyo xog sax ah iyo wacyigelin joogto ah si loo kordhiyo ka hortagga khataraha iyo adkeysiga bulshada.

Wasaaraddu waxay caddeyneysaa sida ay uga go’an tahay xoojinta wacyigelinta bulshada, horumarinta nidaamka digniinta h**e, iyo dhisidda bulsho u diyaarsan khataraha cimilada, iyadoo la kaashaneysa hay’adaha bahwadaagta ah si loo badbaadiyo nolosha iyo hantida shacabka Hirshabelle.

Xafiiska Warfaafınta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/MoHADMHirshabelle
https://twitter.com/Mohadmhss

Beledweyn | 12 Febraayo 2026,Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Dowladda Hirshabelle ayaa magaalada Beledwey...
14/02/2026

Beledweyn | 12 Febraayo 2026,Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Dowladda Hirshabelle ayaa magaalada Beledweyne ku qabatay Kulanka Isku-duwidda Heer Gobol, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta, isdhaafsiga xogta, iyo dardargelinta jawaabaha bani'aadantinimo ee gobolka.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabduqaadir Axmed Xaaji Maxamed, kaas oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay isku-duwid hufan, qorshe mideysan, iyo wada-shaqeyn dhow oo u dhexeysa hay’adaha dowladda, kuwa samafalka, iyo daneeyayaasha kale si bulshada loo gaarsiiyo gargaar degdeg ah oo waxtar leh.

Ka-qaybgalayaashu waxay ka hadleen xaaladda bani’aadantinimo ee gobolka, gaar ahaan saameynta abaarta, baahiyaha degdegga ah ee bulshada, iyo sida loo xoojin karo isdhaafsiga xogta iyo qorsheynta wadajirka ah. Waxaa sidoo kale la falanqeeyay caqabadaha jira iyo hababka lagu dardargelin karo ka-jawaabidda gurmadka.

Intii uu shirka socday, hay’adaha iyo maamulka deegaanka ayaa soo bandhigay talooyin ku saabsan mudnaanta biyaha, cuntada, caafimaadka, iyo taageerada dadka nugul, iyagoo ku baaqay in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo isku-duwidda si jawaab mideysan loo helo.

Ugu dambeyn, Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle waxay caddeysay sida ay uga go’an tahay hormuudka isku-duwidda howlaha bani’aadantinimo ee gobolka, iyadoo la sii xoojinayo iskaashiga hay’adaha iyo la socodka xaaladda, si loo yareeyo saameynta dhibaatooyinka isla markaana loo taageero bulshada u baahan gargaar.

Xafiiska Warfaafınta & Xiriirka Warbaahinta, Wasaaradda gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Hirshabelle.
E-mail: [email protected]
https://www.facebook.com/MoHADMHirshabelle
https://twitter.com/Mohadmhss

Address

Jowhar

Opening Hours

Monday 09:00 - 18:00
Tuesday 09:00 - 14:00
Wednesday 09:00 - 14:00
Thursday 09:00 - 14:00
Saturday 09:00 - 14:00
Sunday 09:00 - 14:00

Telephone

+252625192115

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry Of Humanitarian Affairs & DM - Hirshabelle State Of Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ministry Of Humanitarian Affairs & DM - Hirshabelle State Of Somalia:

Shortcuts

Share