Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Hirshabelle

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Hirshabelle Bogga Rasmiga ah Ee Xafiiska Xeer-ilaalinta Dowladda Hirshabelle.

Jowhar 07-December, 2025 Xeer-ilaaliyaha Guud ee Hirshabeele Garyaqaan Garaad Axmed Caddow, oo magaalada Jowhar uga qeyb...
07/12/2025

Jowhar 07-December, 2025 Xeer-ilaaliyaha Guud ee Hirshabeele Garyaqaan Garaad Axmed Caddow, oo magaalada Jowhar uga qeyb-galay shir muhiim ah oo ku saabsan Amniga.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa ciyaal weerada iyo isticmaalka daroogada noocyadeeda kala duwan ee dhalinyarada ku soo badanaya gudaha magaalada Jowhar

Kulankaan waxaa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Hirshabeelle Mudane Cabdullhi Maxmuud Gaacl,waxaana ka qeyb galay saraakiisha amniga, xildhibaanada Golaha Deegaanka Degmda Jowhar, guddoomiyayaasha afarta waaxood iyo odoyaasha dhaqanka.

Kulankan ayaa lagu goโ€™aamiyay in la dardargeliyo wacyigelinta bulshada, ilaalinta amniga iyo sameynta qorshe mideysan oo lagu xakameynayo falalka dhalinyarada dhibaatada leh.

01/12/2025

Barnaamijka WAAYAHA GARSOORKA HIRSHABEELE Waxaa todobaadkan Marti ku ah Xeer-ilaaliyaha Guud ee Hirshabelle Garyaqaan Garaad Ahmed Caddow, oo ka hadlaya Waxqabadka Garsoorka Dowladda Hirshabelle labadii sano ee lasoo dhaafay gaar ahaan Xafiiska Xeer-ilaalinta.

01/12/2025

Barnamijka Waayaha Garsoorka Dowladda Hirshabelle

Muqdisho: 22, November-2025, Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Dowladda Hirshabelle Garyaqaan Garaad Ahmed ayaa magalada muqdosho ...
23/11/2025

Muqdisho: 22, November-2025, Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Dowladda Hirshabelle Garyaqaan Garaad Ahmed ayaa magalada muqdosho uga qeyb-galay Maalinta 1aad ee ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐Ÿ-๐š๐š๐ ๐๐š๐ก๐๐š ๐‚๐š๐๐๐š๐š๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐Ÿ๐ŸŽ๐Ÿ๐Ÿ“, kaas oo diiradd lagu saaray horuumarinta garsoorka isla xisaabtanka iyo xoojinta kalsoonida shacabka ee hey,adaha Cadaaladda .

Shirweynaha ayaa waxaa ka qayb galay madax sare oo ka tirsan dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, bahda caddaaladda iyo bulshada rayidka, iyadoo la yeeshay dood wadaagyo wax ku ool ah oo ku saabsan xoojinta nidaamyada hayโ€™adeed, dib-u-habeynta sharciga, isla falgalka nidaamyada rasmiga ah iyo kuwa aan rasmiga ahayn iyo dhijitaaleynta shuruucda.

Dowladda Hirshabelle Waxaa shirkaan uga qeyb-galay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Dowladda Hirshabelle, Mudane Cabdifitax C/qadir Cadow, Xeer-ilaaliyaha guud ee Hirshabelle, Agaasimaha Guud Ee wasaradda cadaalada iyo xubno kale oo ka socda bahda garsoorka kuwaa oo qeyb ka ah Shirkan muhiimka ah.

DHAMMAAD

07/11/2025

Daawo" Kulan dhexmary Garsoorka Gobolka Hiiraan iyo odoyaasha dhaqanka Beledweyne.

07/11/2025

Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Dowladda Hirshabelle Garyaqaan Garaad Ahmed Cadow, oo wehliyaan wasiirka Caddaladda iyo Arrimaha Garsoorka HSH Abdifitah Abdulkadir Addow, iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Maxamed Carab Xuseen,ayaa kormeeray xabsiga dhexe ee Beledweyne oo ay kasoto howlo Dayactir ah.

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐ฆ๐ข๐ข๐ฌ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐›๐š๐ก๐๐š ๐†๐š๐ซ๐ฌ๐จ๐จ๐ซ๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐›๐ฌ๐จ๐จ๐ฆ๐š๐ฒ ๐๐ž๐ฅ๐ž๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐„๐ž ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐‡๐ข๐ข๐ซ๐š๐š๐ง.๐๐ž๐ฅ๐ž๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž :06, November 2...
06/11/2025

๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐ฆ๐ข๐ข๐ฌ๐ฅ๐š๐ก๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐›๐š๐ก๐๐š ๐†๐š๐ซ๐ฌ๐จ๐จ๐ซ๐ค๐š ๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ช๐š๐›๐ฌ๐จ๐จ๐ฆ๐š๐ฒ ๐๐ž๐ฅ๐ž๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž ๐„๐ž ๐—๐š๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐‡๐ข๐ข๐ซ๐š๐š๐ง.

๐๐ž๐ฅ๐ž๐๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐ž :06, November 2025;
Shirkii khamiislaha ah ee Bahda Garsoorka Gobolka hiiraan ayaa Waxa uu ka qabsoomay Magaaalada Beledweyne.

Shirkaan ay yeeshen Bahda Cadaaladda waxaa Shir gudoominyay Wasiir wasaaradda Cadaalada iyo arimaha Garsoorka Hirshabelle, ๐€๐›๐๐ข๐Ÿ๐ข๐ญ๐š๐ก ๐‚๐š๐›๐๐ฎ๐ช๐š๐๐ข๐ซ ๐‚๐š๐๐๐จ๐ฐ,Oo ay wehliyaan Xeer ilaakiyaha Guud Ee hirshabelle ๐†๐š๐ซ๐ฒ๐š๐š๐š๐ง ๐†๐š๐ซ๐š๐š๐ ๐€๐ฑ๐ฆ๐ž๐ ๐‚๐š๐๐๐จ๐ฐ, Guddoomiyaha Cuusb Ee Gobolka Hiiraan Mudane ๐Œ๐จ๐ก๐š๐ฆ๐ž๐ ๐—๐ฎ๐ฌ๐ž๐ž๐ง ๐Œ๐š๐ฑ๐ฆ๐ž๐,

Ajandaha Shirka Garsoorka Dowladda Hirshabelle, ayaa ahaa wada shaqeeynta garsoorka iyo odayaasha dhaqanka iyo Wada shaqeyn Guud oo dhex marta bahda Cadaaladda iyo bulshada.

Markii uu soo idlaaday Shirka, Mas,uuliyiintu Waxa ay booqdeen xabsiga dhexe ee degmadda beledweeyne oo dhawaan dayactir lagu sameeyey.
ayagoo balan qaaday in ay dardargalin doonan howlaha wangsan ee Garsoorku u haayo Bulshada.

04/11/2025

Wasiirka W/cadaalada &Arrimaha Garsoorka Dowladda Hirshabeelle oo uu wehliyo Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Hirshabelle Garyaqan Garaad Axmed Caddow, ayaa kormeeray Goobaha uu ku shaqeeyo Garsoorka Gobolka Hiiraan.

Sawiro:Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Dowladda Hirshabelle Garyaqaan Garaad Ahmed Caddow, oo howlo shaqo u joogo Magaalada Bele...
04/11/2025

Sawiro:Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Dowladda Hirshabelle Garyaqaan Garaad Ahmed Caddow, oo howlo shaqo u joogo Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa mid mid u kormeeray Xafiisyada ay ku shaqeeyan Maxkamadaha Gobolka Hiiran.

Xeer-ilaaliyaha waxaa kormeerka Ku wehlinyay Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Oo dhankiisa kormeeray howlaha Cadaaladed ee bulshada uu haayo garsoorka.

Garaad Ahmed Cadow, Xeer-ilaaliyaha guud ee Hirshabelle ayaa sidoo kale wasiirka Kaga warbixiyay Nolosha maxaabista ku xiran xabsiga magaalada beledweyne oo qeyb ka ah goobihii ay kormeereen mas'uuliyiinta.

DHAMMAAD

01/11/2025

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowladda Hirshabelle Garyaqaan Garaad Ahmed Caddow, ayaa ka hadlay Xaflad uu xilka kula wareegayay Gudoomiyaha Cusub ee gobalka Hiiran, Mohmed Xuseen Carab, isagoo bogaadiyey Gudoomiyihii h**e ee Gobolka Musa Salad Wehliye.

"๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป"Maxkamadda Degmada Beledweyne waxa ay ku wargelineysaa ๐‚๐š๐ฐ๐ข๐ฅ ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฆ๐š๐ง ๐‚๐š๐ฐ๐š๐, deggan Magaaalada Laas-caanood ee g...
18/10/2025

"๐—ช๐—ฎ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐—ป"

Maxkamadda Degmada Beledweyne waxa ay ku wargelineysaa ๐‚๐š๐ฐ๐ข๐ฅ ๐‚๐ฎ๐ฌ๐ฆ๐š๐ง ๐‚๐š๐ฐ๐š๐, deggan Magaaalada Laas-caanood ee gobolka sool, in ay Maxkamadda ka taallo dacwad Qoys ah,

Waxaana la farayaa in uu Maxmadda ku hor yimaado muddo 40 maalmood gudahood ah.

13/10/2025

Xeer-ilaaliyaha Guud Ee Hirshabelle Garyaqan Garaad Axmed Caddow, ayaa Magaalada Jowhar uga qeyb-galay Xiritaanka Tababar loo qabtay in kabadan 195 Ducaad ah oo ka kala socday 4ta Xaafadood Ee magaalada Jowhar iyo qaar ka socday Deegaano ka tirsan Hirshabeele.
โ€Ž
โ€ŽTababarkan ayaa ku saabsanaa Hogaaminta dadaalada wacyigelinta Diiniga ah, si Bulshada loogaarsiiyo Hogaaminta wanaagsan.

Address

Horseed
Jowhar
HORSEED

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Hirshabelle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud Ee Hirshabelle:

Share