08/10/2025
𝐁𝐚𝐥𝐜𝐚𝐝: 8,Oktober, 2025; Guddoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka sh.dhaxe Bilaal Abdi Kadir Hasan, ayaa ka qeyb-galay Shirka Garoosorka oo ka qabsoomay Degmada Balcad ee Gobolka Sh.dhexe.
Waxaana shirgudoominyay Gudoomiyaha Maxkamadda sare Mudane Cabdullhi Maxmuud Gacal, Gudoomiyasha Maxkamadaha Racfaankanka labada gobol Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe,Garsoorayaal ka kala socday Degmooyinka Hirshabelle. Shirkaan ayaa warbixino loog dhegestay Gudoomiyasha labada gobol ee racfaanada iyaga oo ka warbixiyay howlaha garsoorida ee u qabsoomay iyo waxii ay hiigsanayan,
Waxa ayna soo jeediyeen talooyin lagu soo hormarinayo laamaha garsoorka.
Shirkan u qabsoomay heydaha garsoorka ayaa looga hadlay arimo dhowr ah oo lagu tayeynaayo 1heydaha Garoosorka waxaan ka mid ahaa:
1-Dardargalinta Howlaha Garsoorka waxaa lagu adkeeyay shirka baahida loo qabo in la kordhiyo hofnaanta degdega ah iyo cadaaladda lagu mamulo dacwadaha si shaacbka si shacabka u helaan adeeg garsoor oo wafqasan cadaaladda.
2-teyeynta garsoorka, si garsoorayashu y helaan tababar ku filan kana jawabaya caqabdaha ka yimada howlaha garsoorida loona helo hufnaan loona helo mideesnan garsoor.
3-in la xoojiyo casriyeynta howlaha garsoorka, si loo helo nidaam casriyeysan, ee keydinta iyo Diiwangalinta howlaha garsoorka,iyo helida mareeg rasmi ah oo mideysan.
4-in garsoorku yeesho shir sanadeed mideysan si loo helo warbixinta garsoorka hirshabelle,
Doodo, cilim baarisedyo, iyo aqoon isweydaarsi.
5-in garsoorku ku dadaalo hufnaanta cadaalada si loo adkeeyo kalsoonida bulshada.
6-in gasrooku ka madaxbananyahay siyaasada, sida labada heerood ee fulinta iyo sharci dajinta waxa uuna garoorku leeyahay xaquuq joogta ah mudnaan gooni ah uu ku leeyhay dowlada hirshabelle,
Waxa uuna digniin adag udiray shirku dadka faafiya wararka been abuurka ah ee lagu sumcad dilayo sumcadda garsoorka iyo kalsoonida bulshada.
7-shirka ayaa waxa uu ku booriyay in la dardargeliyo wadashaqeynta dhamaan heerarka kala duwan ee Garoosorka, lana diyaariyo qorsha howleed mideysan.
Gobagabdii Gudoomiyasha Maxkamadda sare Cabdulhi Maxmuud Gacal ayaa soo xiray Shirka asgaoo dardaaran ku aadan shaqada Garsoorka Dowladda Hirshabelle, u jeediyay ka qeybgalayasha waxaan shirka Gabogabadii loogu mahadceliyay Garooska balcad oo shirka maritime galiyay.
DHAMMAAD