30/10/2025
War-murtiyeed ku saabsan shirka 6aad ee Golaha Sare ee Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Qaranka (FMDC)
Muqdisho, 29 -30 October 2025
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wasaaradaha kalluumeysiga lyo kheyraadka badda ee dowlaha xubanaha ka ah dowladda federaalka iyo Gobolka Banaadir ayaa shir wadatashi ah ku yeeshay magaalada Muqdisho 29kii- 30kii Bisha October ee sannadka 2025.
Shirkan oo ah kii 6aad Golaha Sare ee Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Qaranka (FMDC) ayaa looga hadlay horumarinta iyo imaareynta kalluumeysiga, abuuridda fursado wax ku ool ah, dhiirigalinta maalgashiga gudaha, kordhinta wax
soo saarka kalluumeysiga gudaha, mudnaan siinta ka hortagga kalluumeysiga xad-dhaafka ah, Jillaabashada noole biyoodka dabar go'aya, la dagaallanka Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo la socoshada saameynta isbadalka cimilada ee deegaan xeebeedyada dalka.
Shirka 6aad ee Golaha Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed ayaa laga soo saaray qodobbada soo socda:
A) Horumarinta, Dhiirigalinta wax soo-saar ka Kalluunka, iyo Xoojinta
Wadashaqeynta labada heer ee Dowladda ee dhinaca Kalluumeysiga:
1. Goluhu waxa uu dood dhab ah ka yeeshay maareynta hufan iyo Horumarinta Kalluumeysiga Qaranka taas oo ah masuuliyad qaran iyo in mudnaan gaar ah la siiyo daadajinta adeegyada horumarinta Kalluumeysiga taas oo kaalin wax ku ool ah ka qaadan doonta hirgelinta qorsheyaasha mideysan ee lagu horumarinayo Kalluumeysiga iyo ka faa'iideysiga waara kheyraadka kalluun ee dalka.
2. Goluhu waxa uu bogaadiyey wada-shaqeynta wanaagsan ee ka dhaxaysa wasaaradaha Kalluumeysiga ee heer federal, heer dowlad goboleed iyo Gobolka Banaadir.
3) Si loo horumariyo ka faa'iideysiga kheyraadka kalluun ee dalka loona helo warbixinno iyo macluumaad rasmi ah oo ku saabsan kalluumeysiga dalka goluhu Waxa uu go'aamiyey in la sameeyo cilmibaarisyo rasmi oo ku saabsan nuucyada kalluun ee fursadda leh iyo kuwa U baahan in Ia xakameeyo jilaabashadooda.
4) Goluhu waxa uu bogaadiyey dedaalka uu hoggaaminayo agaasimaha guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga heer federaal kaas oo ah in Guddiga Badweynta Hindiya ee Tuna (Indian Ocean Tuna Commission, IOTC) la hor geeyo doodda dowladda Soomaaliya ee ah in aan la aqbali karin jaan-gonyta jilaabashada kalluunka Tuna (Tuna Quota) taas oo aan taageereynin ka faa'iideysiga waara ee kheyraadka kalluunka ee dalka.
B) Waqtiyenta shirka xiga ee FMDC, Mahadnaq iyo Gunnaad
1) Goluhu waxa uu dood dheer kadib meelmariyey qorsha howleedka sannadlaha ah ee sannadka 2026 ee Mashruuca Badmaal ee uu taageerayo Bankiga Adduunka, kaas oo sannadka soo socda diiradda lagu saarayo dhisidda kaabeyaasha muhiimka ah ee Kalluumeysiga ee heer federal, heer dowlad Goboleed iyo gobolka benaadir.
2) Goluhu wuxuu u mahad naqayaa Wasaaradaha Kalluumeysiga ee heer federal, heer dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka iyo gobolka Banaadir, howl wadeenada golaha maareynta iyo horumarinta Kalluumeysiga iyo Khuburada ka soo qeybgashay shirka 6aad ee Golaha.
"DHAMMAAD"