23/01/2025
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yusuf Cali - Cali Xoosh oo uu wehliyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle Mudane Cabdi Daahir Guure (Karoore) iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Hirshabelle Haaji Nuur Hassan Sheikh Muse ( Jako ) oo maalmahaan safar shaqo ku joogay Magaalada Caasimada Hirshabeelle Ee Jowhar ayaa booqasho ku yimid Xarunta Dowladda Hoose ee Caasimada Jowhar.
Waxaa xarunta ku soo dhaweeyay Maamulka Sare ee Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar oo ugu horeeyaan Gudoomiyaha Golaha Deegaanka Ahna Duqa Magaalada Cismaan Maxamed Muqtaar Baareey, Gudoomiye ku-xigeenka 2'aad Mohamed Ali Ahmed, Xog-hayaha Dowladda Hoose ee Degmada Jowhar Mohamud Hassan Bariise iyo xubnaha Golaha Deegaanka Jowhar.
Booqashada Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa daarneed indha indheynta shaqada Dowladda Hoose iyo dar-dar gelinta xoojinta dedaallada wadajirka ah ee Arrimaha Xasilinta, adeeg daadajinta, Dad dhigidda iyo Dib-u-heshiisiinta.
Wasiirka ayaa Dowladda Hoose Ee Degmada Jowhar iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha Hirshabelle u balan qaaday in uu garab isaag fiican siin doono horumarinta Dowladda Hoose ee Caasimada Jowhar.
DHAMAAD