16/03/2026
π Jowhar, Hirshabelle State
π
15 March 2026
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga Hirshabeelle oo kaashanaysa hayβadda Shaqodoon ayaa wadajir ugu qabtay Degmada Jowhar βGame Day Rollout β Gamification Application ee Mashruuca YOU-ACT.β Kulankan waxaa ka qeyb galay dhallinyaro ka socday afarta xaafadood ee Degmada Jowhar, iyadoo ujeeddadu ahayd in la xoojiyo ka qeybgalka dhallinyarada ee goβaaminta iyo mudnaansiinta mashaariicda horumarineed ee bulshadu soo jeedisay.
Intii uu socday kulankan, dhallinyarada ayaa koox-koox u falanqeeyay habka casriga ah ee dijitaalka ah ee gamification-ka, iyagoo ka doortay mashaariic horumarineed oo ay u arkaan inay mudnaan gaar ah u leeyihiin bulshadooda, iyadoo natiijooyinka kasoo baxa lagu aqoonsan doono mashaariicda horumarineed ee laga taageeri doono Degmada Jowhar, isla markaana lagu xoojin doono dadaallada kor loogu qaadayo Dhallinyarada iyo Nabadda..
Wasaaradda ayaa u mahadcelisay Shaqadoon Somalia oo fududaynaysay tababarkaan iyo bahwadaagta mashruuca YOU-ACT, gaar ahaan IOM Somalia iyo Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO), kuwaas oo door muuqda ka qaatay taageeridda iyo xoojinta dadaallada dhalinyarada ee nabadda iyo horumarka bulshada.
ππππππππ
______
Xafiiska Warbaahinta Iyo Xiriirka dadwaynaha
[email protected]
π
πππππ¨π¨π€: https://www.facebook.com/MoYSHirshabelle
ππππ¬π’ππ: http://Moys.hs.so
Twitter: MoYSHirshabelle