18/08/2025
Aqoon isweydaarsi Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka HirShabelle.
Jowhar, 18 Agoosto 2025 – Waxaa maanta magaalada Jowhar si rasmi ah loogu soo xiray tababarka Anshaxa Warbaahinta ee Tabinta Doorashooyinka Soomaaliya, kaas oo mudo labo maalmood ah uga socday suxufiyiin ka kala yimid qeybaha kala duwan ee warbaahinta ka howlgasha Dowlad Goboleedka HirShabelle.
Tababarkan oo ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda Warfaafinta HirShabelle, oo kaashanaya Xafiiska Qaramada Midoobay ee UNTMIS, ayaa ujeedkiisu ahaa kor u qaadista aqoonta suxufiyiinta ee ku aaddan tabinta doorashooyinka iyadoo la dhowrayo mabaadi’da anshaxa saxaafadda iyo xeerarka doorashada.
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Gobolka Shabeellaha Dhexe, Mudane Cabdiraxmaan Xuseen Waddani, oo isna ka hadlay munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa bogaadiyay muhiimadda uu tababarku u leeyahay tayeynta warbaahinta xilliyada doorashooyinka oo uu sheegay in uu ku soo aaday xilli loo baahnaa, wuxuu sidoo kale xusay in suxufiyiintu ay yihiin laf-dhabarta wacyigelinta bulshada, loona baahan yahay in ay si masuuliyad leh u gutaan waajibaadkooda
Agaasimaha Waaxda Istiraatiijiyadda Warbaahinta ee Wasaaradda Warfaafinta XFS, Mudane Cabdishakuur Cali Axmed, ayaa sheegay in tababarkan uu qayb ka ahaa taxane aqoon-is-weydaarsi ah oo lagu xoojinayo fahamka saxaafadda ee doorashooyinka dalka. Wuxuu sidoo kale u mahadceliyay suxufiyiintii ka faa’iideystay, isagoo ku booriyay in ay u adeegsadaan aqoontooda si masuuliyad leh
" Aqoon Isweydaarsigani waxaa mid la mid ah h**e ugu soo qabanay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Dhuusamareeb, marka lagu daro Jowhar Hirshabelle waxaa ka faa’iideystay 85 suxufiyiin kala duwan ka shaqeeya warbaahinta gaarka looleeyahay iyo midda dowliga ah heer Federaal iyo dowlad goboleed, ujeedkeenu waxa uu ahaa in la xoojiyo kaalinta Warbaahinta ee qabsoomidda doorashooyin nabad ku dhaca, waxaan u mahad celinaynaa Xafiiska Qaramada Midoobay eeSoomaaliya ( UNTMIS) oo naga taageeray qabashada tabbabaradani iyo dowlad goboleedyada oo nagala shaqeeyay hirgalintooda" ayuu yiri Agaasimaha Istaraatiijiyadda Warbaahinta.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee HirShabelle, Mudane Yasin Ahmed Mohamud , oo soo xiray tababarka ayaa u mahadceliyay Wasaaradda Warfaafinta heer Federaal doorkooda ku aaddan horumarinta xirfadda suxufiyiinta, iyo sidoo kale taageerada Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ee UNTMIS ee taageertay taabagalinta qabsoomidda aqoon isweydaarsigan, sido kalena kula dardaarmay Wariyayaasha dhaqan galinta waxa ay ka barteen tababarka iyo in ay gaarsiiyaan saaxiibadooda xarumaha ay matalayeen.
Tababarkan Jowhar lagu soo gabagabeeyay ayaa noqonaya kii afraad ee noociisa ah oo laga qabto gudaha dalka, iyadoo horay loogu soo qabtay Muqdisho, Baydhabo iyo Dhuusamareeb, si loo xoojiyo doorka warbaahinta Soomaaliyeed ee taageeraya doorashooyin daahfuran, nabdoon oo hufan.