Ministry of Environment, Climate Change and Rural Development, Hirshabelle

  • Home
  • Somalia
  • Jowhar
  • Ministry of Environment, Climate Change and Rural Development, Hirshabelle

Ministry of Environment, Climate Change and Rural Development, Hirshabelle Boggaan waa midka rasmiga ah ee Wasaaradda Deegaanka, Isbadelka Cimilada & Horumarinta reer Miyiga Hirshabeelle.

Waxaana kala socon kartaan hoowlaha ay wasaaradda u heeyso shacabka Hirshabeelle.

12/07/2022

Team ka socday wasaaradda Deegaanka,Isbadelka Cimilada iyo Horumarinta reer Miyiga Dowladda Hirshabeelle ayaa Magaalaga Jowhar ku qabtay Tababar ku Saabsan Maamulka Deegaanka.

Tababarkaas oo muhiim u ah dadka iyo deegaanada hirshabeelle si fahan buuxa ay ugu helaan ahmiyada uu u leeyahay Maamulka Deegaanka.

04/07/2022
04/07/2022
waxaa sanadahaan dambe caalamka fara ba'an ku haayo saameynta ka dhalata Isbaddelka Cimilada taasoo inta badan ugu wacan...
02/12/2021

waxaa sanadahaan dambe caalamka fara ba'an ku haayo saameynta ka dhalata Isbaddelka Cimilada taasoo inta badan ugu wacan Wasaqowga hawada iyo xaalufinta lagu haayo dhirta.

Hadaba saameyntaas taban si loo yareeyo waxaa bulshada soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada Dowladda Hirshabeelle la gudboon in si is-xilqaan ah loo beero geedo badan loogana hortago kuwa ku howlan jarista dhirta.



Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Isbaddelka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga Dowladda Hirshabeelle ayaa maanta magaala...
30/11/2021

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka, Isbaddelka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga Dowladda Hirshabeelle ayaa maanta magaalada Jowhar ka daah furay Shir weeynaha maamulka guud ee deegaanka hirshabeele kaasoo looga hadlay u nuglaanshaha Deegaanka musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bulshada kayimaado

Sido kale waxaa looga hadlay maamul Daadajinta deegaanka waaa mid ka shaqeeya heer caalami, Heer federaal, heer gobol iyo heer degmo. Ujeedoodada ugu muhiimsan ayaa aheyd:

1- Horumarinta iyo kobcinta nidaamyada cusub ee sameeyneyso dawladda iyo nidaamyada ganacsiga taasoo muhiim ah loona baahanyahay in lagu daro qorshaha ilaalinta deegaanka.

2_ilaalinta iyo xoojinta Sharciga badbaadada deegaanka heer Dowlad Goboleed si loo xakameeyo qataraha Deegaanka soo fool saaro.

https://youtu.be/DDW5MXGkMDU
30/11/2021

https://youtu.be/DDW5MXGkMDU

Ku soo dhowaada SNTV kala soco Warar, Barnaamijyo iyo Falanqeyn ku saabsan dalka iyo dibadda.Item ID: FCVNSMLAuthor Username: ...

Waxaan Maanta ku qabanay Magaalada Jowhar Aqoon isweydaarsi ku saabsan wacyigelinta xaalufinta deegaanka iyo baabi'inta ...
27/11/2021

Waxaan Maanta ku qabanay Magaalada Jowhar Aqoon isweydaarsi ku saabsan wacyigelinta xaalufinta deegaanka iyo baabi'inta hab- nololeedka ka dhasha Shidista dhuxusha iyo ka ganacsigeeda.

 ( )La Taliyayaasha Wasaaradda Deegaanka, Isbeddelka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Dowlad Goboleedka Hirshabee...
19/09/2021


( )

La Taliyayaasha Wasaaradda Deegaanka, Isbeddelka Cimilada iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ka qeyb galat kulan wadatashi ah kaasoo Looga hadlayay Siyaasadda Qaranka ee Keymaha kulankaas oo ay soo agaasimeen Agaasinka Deegaanka iyo Isbaddelka Cimilada ee Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha isagoo taageero ka helaya Barnaamijka Qaramada Midoobay ee Deegaanka (UNEP) ayagoo ku hawlanaa diyaarinta Siyaasadda Qaran ee Keymaha.

Dhamaystirka siyaasaddu ayaa u baahaneed in wadatashi lala yeesho daneeyayaasha kala duwan gaar ahaan dowladdaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Soomaaliya.
Shirkaan wadatashiga ah oo wajigiisa koowaad horay loogu soo qabtay habka aaladda fogaan araga (Zoom). ayaa Maanta kulanka waxaan isla eegnay wixii ka hirgalay Qorshayaasha iyo Siyaasadda keymaha ee wasaaradda Deegaanka Hirshabeelle aan ka diyaarinay waxa ka dhaqan galay ama lagu xusay Siyaasada qaranka ee Keymaha, Runti waxaa loo diyaariyay hab aad u wanaagsan kaasoo ka turjumayo Siyaasada guud ee keymaha Soomaaliya, sido kale waxaan maanta kusii kaabnay in lagu daro qorshayaal kale oo dhanka hirshabelle Muhiim u ah.

Shirka ayaa inoogu soo dhamaaday ifahan iyo guul.

Allaa Mahad leh

  Waxaa Bulshada Soomaaliyeed lagu wargalinayaa in maanta lagu arkay Xeebta Degmada Cadale ee  gobolka Shabeelaha Dhexe ...
28/06/2021



Waxaa Bulshada Soomaaliyeed lagu wargalinayaa in maanta lagu arkay Xeebta Degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe Haaaman ama booyado kusoo caariday xeebta, aan wali la baarin waxa ku jiro.

Waxaana ka muuqda oo Haamahaas ku qoran
Waa 𝗛 𝗠 . Oo ka dhigan sheey qatar ku ah banii'adanka.

Sidaas darteed , Isbaddelka Cimilada & Horumarinta reer Miyiga ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle uga digeysaa dhamaan bulshada Soomaaliyeed ee ku nool Degmada Cadale gaar ahaan kuwa Xeebta ag dagan, in aysan u dhawaan ama kusoo caariyay, ilaa laga hubiyo waxa ku jiro.

Sido kale Maamulka Degmada Cadale waxaa lagu wargalinayaa in ay taxadar dheeri ah muujiyaan ilaa laga hubinayo si Bulashada iyo Deegaanka looga badbaadiyo wax kastoo Qatar ah ama halis galin kara badqabkooda.

MAHADSANIDIIN

Address

Jowhar

Telephone

+252615512127

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry of Environment, Climate Change and Rural Development, Hirshabelle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ministry of Environment, Climate Change and Rural Development, Hirshabelle:

Share