29/12/2025
Shirka Wadatashiga Qorshaha Horumarinta 2aad ee Dowladda Hirshabelle.
BULABURDE: 29-30 Diseember 2025
Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Iskaashiga Caalmiga Hirshabelle.
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Mudane. Abdullahi Mohamed Hassan ayaa Magaaladda Bule-burde Ka daah-furay Shirka Wadatashiga Qorshaha Horumarinta 2aad ee dowladda Hirshabelle.
Shirkan oo Socon Doono Mudo laba Maalin ah waxa kaso qeybgalay Gudoomiyaha Degmada Bule-Burde, Xoghayaha Degmada iyo Gudoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyada Degmada.
Wada tashigan ayaa la qorsheynayaa in warbixinada kasoo baxo lagu daro Qorshaha Horumarinta Hirshabelle kaas oo waxbadan kusoo kordhin doono Hiigsiga 2025-2030 Ee Qorshaha Hormarinta Hirshabelle.
Gudoomiyaha Degmada Bule-Burde ayaa soo dhaweeyey wafdiga Wasaaradda Qorsheynta Dowladda Hirshavelle ka socda ee uu hogaaminayey Agaasimaha Guud Qorsheynta, sidoo kale Gudoomiyaha ayaa kula dardaarmay Ka qeeybgalayaasha kulanka ineey maskaxdooda tuujiyaan oo ayna ogaadan inay yahiihiin matalayaasha degmadda ay ku biiriyaan Mudnaanaha iyo hiigsaga 5 sano ee soo socota ee dagmada leedahay.
Agaasimaha Guud Mudane Abdullahi Mohamed Hassan ayaa masuuliyiinta Degmada Bulaburde iyo ka qeybgalayaasha kulanka ugu mahadceli sida wanaagsan ee soo dhaweeynta leh, sidoo kalena ugu warbixiyay Ujeedada Kulanka Wadatashiga isaga oo sheegay in Reer Bulaburde ay kala tashan doonaan hiigsiga iyo Mudnaanta Qorshaha Horumarinta Hirshabelle ee 2025-2030.
Agaasimaha Guud ayaa kula dardaarmay Qubarada Inay aad u tixgaliyaan Baahiyaha ay soo gudbiyaan Dadka Reer Buleburde si loogu daro Qorista Qorshaha Horumarinta Hirshabelle.
DHAMMAAD.